waa in shirkad kale oo ka shaqaysa nadaafada caasimada lagu soo kordhiya deg 4 degmo

fariiin caafimaad ma aha mana aha suurto gal in shirkad kaliya oo aan lahayn gadiid tayo leh oo kifeeya shaqaale iyo awood maamul ee qashinka afar degmo oo hargeisa ah deg axmed dhagax deg maxamoud haybe deg 31may deg deg maxamoud haybe lagu halayn karo afartaa degmo 14 dyne ma aha suurto gal moyar marka dib loo eego heshiiskii shirkadaha maaratnta qashinka magaaloyinka iyo dawlada hoose hargeisaee shuruudaha looga baahanyahay shirkadaha iyo awoododa shaqo ee shirkadaha sida heshiiska ppp uu dhigayo

Fariin caafimaa

Iyadoo heerka shaqo waxqabad ee shirkadaha ka hawl gala caasimadu aanay isku mid ahayn ayaa degmooyinka caasimada iyadoo aanay suurtagal ahayn in 4 degmo oo caasimada hargeisa sida degmooyinka axmed dhagax deg maxamoud haybe deg 31may deg maxamoud haybe ay shirkad kaliya oo ah shirkada horseed ay qaabilsanaato afartan degmo ee caasimada shirkada oo aan lahayn awood tiro gadiid ah oo tayo shaqo leh oo ay kaga shaqayso 4 degmo iyadoo loo baahan yahay in maaraynta qashinka caasimadaha ama magaalooyinka in loo wajaho sifo maamul sharci caafimaad loona xil saaro shirkada leh awood shaqo shaqaale dhaqaale maamul gadiidka cusub loogu talo galay qashinka waxaad arkaysa waqtiga habeenkii gadiid dyne ah oo shirkaduhu ay leeyahiin oo sida qashinka qoyan ee hudheelada cuntada oo dusha ka banana gadiidka sida oo qadhmuun iyo riixad xataa dadwaynaha jidadka caasimada maraya aan loo adkaysan Karin fayadhowr xumadaa taas oo aan loo baahnayn in gadiidka qashinka qoyan sidaa in uu af banaanado ama gadiidka kale ee lagu maaraynayo qashinka oo dhan waa in uu ahaada gadiid xafidan dadan moyar iyadoo howsha masuuliyada ay leeyahiin shirkadaha qaar hadana waxaad awood shaqo u leedahay qiimayn shaqo shirkadeed dib u eegis heerka waxqabad ee shirkadaha ka howl gala caasimada abaal marin shirkada ka soo baxay hawshoodi shaqo ruqsad ka qaadis iyo ganaax shirkadaha si loo toosiyo heerkoda waxqabad shaqo si ay nadaafada caasimadu ay ula tartanto caasimadaha dalka

Ta kale moyar iyadoo hada aad ku gudo jirto samaynta iyo dayactirka laamiyada caasimada hargeisa hadaba ma la socotaa in wadadii la sameeyey ee dhaqaalaha iyo howshaasi ku baxday ay biyaha saabunta leh oo lagu daadiyo wadada ay si fudud u goyn karaan wadaadi la dhisay biyaahasi ha ka yimaadeen guryaha ku soo jeeda wadada ama hudheelada cuntooyinka oo aan lahayn qorshe hygein oo wasakhdooda goob bulaacad oo lagu basriyo si fududna ay booyadu uga qaado waqtiga habeenkii maxaa hadaba inooga qorshaysan moyar in biyaha uskaga ee sabuunta aan lagu daadin jidadka caasimada hargeisa si loo ilaaliyo nadaafada fayadhowrka caasimada iyo dhiska wadooyinka cusub ee caasimada miyaanay noqonayn biyo col dhaanshay waa in uu jira barnaamishka fayadhowrka caasimada oo bulshadu ay kala socoto media dalka si ay bulshadu u fahanto macnaha ereyga fayadhowr iyo ujeedadu uu xambaarsan yaha

Baahida biyo yaraanta iyo qashinka magaaloyinka oo si fiican loo maarayn basrin waayo waxa ka dhasha xanuuno halis caafimaad daro soo gaadhsiya bulshada sidaa daraadeed waxa waajib ah in la ilaaliyo nadaafada biyaha iyo weelka biyaha aynu ku

Biyahu waa noolasha aadamiga jidhkeenu 94% waxa uu ka samaysan yahay ama u badan yahay biyo sida qaybaha habdhisyada jidhkeenu ay u baahanyahiin in ay ku shaqeeyan biyo sida wareega dhiiga habdhiska dheefshiidka aadamiga etc

Waxa loo baahan yahay in aynu had iyo goor aad u badsano isticmaalka biyo nadiifa oo dawaysan waxa kale oo loo bahanyahay in aynu ka shaqayno fayadhowrka nadaafada biyaha iyo nadaafada weelka aynu ku shubano ama ku kaydsano biyaha nadaafada weelka kaydinta biyaha oo aan la ilaalin had iyo goor waxa ka iman kara nadaafad xumo

Sidoo kale waxa loo baahan yahay in had iyo goor la ilaaliyo nadaafada biyaha baliyada harooyinka waa in aan lagu dul maydhin dharka ama aan lagu saxaroon agaagarka biyaha sidoo kale waa in had iyo goor laga feejignaada waqtiga waraabinta xoolaha in xoolaha lagu sii daayo goobta keydka biyaha

Waxa kale oo loo baahanyahay oo masuuliyad culusi inaga saarantahay nadaafada magaaloyinka oo loo bahanyahay in aynu xil iska saaro maaraynta qashinka oo si fiican loo basriyo qashinka waa in lagu keydiyaa weel dabool leh oo hawada u furan waa in la dhigaa goob ku haboon waa in aan qashinka lagu tuurin wadooyinka iyo sharacyada dawlada hoose waxa loo bahan yahay in ay had iyo goor si feejigan ula socdaan nadaafada magaaloyinka iyo hadba heerka uu marayo qashinka magaaloyinka iyo goobaha laga qaaday iyo inta uu kg ee qashin ah ee laga saaray magaalada maalintii si loo helo data waxqabad oo lagula socdo xajmiga baaxada qashinka magaaloyinka dalka iyadoo bulshadeenu aanay xil iska saarin nadaafada deeganka iyo waxyeelada cafimaad daro ee ka iman karta qashinka oo aan si fiican aan loo basrin ama aan loo marayn

Waxa kale oo loo bahanyahay in dawlada hoose ee dalku ay ku daba galan qashinka magaaloyinka iyo shirkadaha u xilsaran maaraynta qashinka magaloyinka

Waa in aynu had iyo goor u feejignaana nadaafada iyo bilicda magaaloyinka dalka hadii nadaafada xumaato ma jirto noolal iyo caafimad qab ay bulshadu ku naaloto

Qofka ooh ea biyo nadiifa oo uu waqti kasta isticmaalo cabitaankooda siiba waqtiga aroortii marka uu tooso waxay daawo ka yahiin xanuunada calool istaaga iyo cuduro badan oo ay keenan biyo yaraanta

Waxa waajib in had iyo goor aynu si feejigan uu u ilaalino nadaafada deegankeena iyo nadaafada gooboha ay inoo soo maraanilaha biyaha aynu ka helo ama aynu ku kaydsano biyaha sida foostoyinka jirika

Fariin caafimaad

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso