DAAWO Cali Sanyare oo Ka Hadlay Cilmi baadhis uu Soo Bandhigay Xisbiga WADDANI

Siyaasi Cali Sanyare Noocyada kala duwan ee saldhigyada caalamka iyo saameynta ay ku yeeshaan nabad-galyada dalka Mar uu ka hadlay Cilmi Baadhis ay Sameeyeen Xisbigiisa Wadani.

“Ugu horreyn, waxa aan u mahad-naqayaa labaddii guddi ee Xisbiga WADDANI u xil saaray in ay soo deriso dhibbaatada ka dhalan karta arrinta saldhiga Milatari ee Imaaraadka oo si fiican u soo dhammeystiray, maanta na aynu haysano warbixin dhammeystiran oo dadku ay ku fahmi karaan xaqiiqada ku gedaaman saldhiggan Milatari ee la bixiyey. Warbixintu na waa 34 bog oo bog walba uu ka hadlaayo mawduucyo badan oo waxtar leh, waxaana ay warbixintani iftiiminaysaa, xaqiiqada dhabta ah ee ku xeeran saldhigga ciidan ee Berbera laga bixinaayo iyo dhaxal xumida la helay ee ay kala kulmeen dalalkii hore u marti-qaaday saldhigyo ciidan, waxaana ay lafo-guraysaa noocyada kala duwan ee ay u kala baxaan saldhigyada ciidan iyo saameynta taban ee ay ku yeelan karaan nabad-gelyada dalka, nolosha dalka, siyaasadda, dhaqaalaha, bii’adda iyo deegaanka iyo weli ba fool xumooyinka hore loo diiwaan-geliyey ee ay ku keeni karaan dhaqanka iyo diinta.”.Ayuu yidhi Cali Sanyare

Advertisement

Ku Xayeysiiso