Xaalka Europe & Turkey oo meel daran kusii socda

Holand ayaa u digtay shicibkeeda u safraya dalka Turkey kaddib markuu xiriirka labada waddan xumaaday maalmo kahor.
Waddamada Holand, Germany, Austria & Switserland ayaa diiday in shicibka kasoo jeeda Turkiga ay sameeyaan dibad-bax lagu taageerayo afti waxlooga baddalayo dastuurka dalka Turkiga.
Is-hortaagga waddamadaas wuxuu sababay in mudane Erdogan uu hadallo ad-adag uu jawaab uga dhigo, wuxuuna yiri “Faracii Nazi wali wuxuu ku fidsan yahay galbeedka”.
Hoggaamiyaha Germany Angela Merkel oo hadalka Erdogan ka jawaab celisay waxay tiri, “In aan nahay NAZI maaha wax la aqbali karo, waxaan garab taaganahay oo taageeraynaa dowladda Holand”.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Holand ayaa soo saaray digniin ku socota shicibka waddankiisa inaysan u socdaalin Turkiga, kuwa ku suganna ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah”.
Raysalwasaare ku xigeenka Holand Lodewijk Asscher ayaa isna wuxuu yiri, “In rajiim uu noogu yeero NAZI  isagoo iska illaaway xuquuqda aadamaha waa wax laga yaqyaqsado”.
Madaxda Midowga-Europe oo codsaday in xaalka la dajiyo.
“Waa muhiim in laga fogaado colaad dheeraad ah oo la helo waddooyin kale oo xaalka lagu qaboojiyo”. waxaa sidaa yiri hadal si wadajir ah ay usoo saareen madaxa siyaasadda arrimaha dibadda  midowga Uerope Federica Mogherini &  guddoomiyaha ururka Johannes Hahn.
Turkey & Holand waxay ka wada tirsan yihiin NATO, waxaana haatan ka dhextaagan xaalad diblomaasiyadeed oo sii xumaanaysa.
Germany waxaa ku nool in ka badan 3-milyan oo asal ahaan kasoo jeeda Turkey, tiro lagu qaiyaaso 1.4-milyan  ayaa xaq waxay u leeyihiin inay u codayn karaan doorasho hadday ka dhacayso dalka Turkey.
Inkastoo waddamada qaar ay diideen dalka France ayaa ogolaaday isku-soobax ay samayn karaan dadka Turkiga, waxayna madaxda France caddeeyeen inaysan jirin wax amni xumo ah.
Bilayska Rotterdam waxay shicibkii iskusoo-baxay u adeegsadeen biyo & eeyo.
 
Sidee Turkigu uga jawaabay?
Mudane Erdogan oo ku tilmaamay Holand inay tahay dowladdii-Mooska ayaa guddiga caalamiga ah ka codsaday in cunaqabatayn lasaaro, wuxuuna ku eedeeyay inay reer galbeedku cuqdad qabaan.
Mr, Erdogan wuxuu yiri, “Waxaan is iri way dhammaatay dabeecaddii NAZI, laakiin waan qaldanaa”.
Wasiirka arrimaha Europe u qaabilsan Turkiga  Omer Celik  wuxuu yiri, “Falalka dowladda Holand ay ku kacday Turkigu wuxuu kaga jawaabi doonaa cunaqabatayn”.
Siday tabisay wakaaladda wararka Turkig Anadolu, hadal ay wasiirka kasoo xigatay ayay ku sheegtay in Ankara ay dib u eegis ku samayn doonto heshiisyadii ay la gashay Midowga-Uerope, siiba kan muhaajiriinta.
 
Waddamada Europe maxay sameeyeen?
Raysalwasaaraha Holand Mark Rutte ayaa ku tilmaamay hadalka Erdogan ee ahaa “Haraadigii NAZI” inaysan ahayn wax la aqbali karo,  kana codsanayo inuu arrinkaas raaligalin ka bixiyo”.
Rutte wuxuu cadaadis weyn ka haystaa doorashada maalmo kaddib ka dhici doonta dalka Holand,  wuxuuna tartanka kula jiraa ninka ku caanbaxay islaam nacaybka Geert Wilders.
Isagoo ka jawaabaya arrinka cunaqabataynta ee kasoo yeeray Turkey wuxuu yiri, ” kama galayno arrinkaas wax-wadaxaajood ah”.
Angela Merkel oo saxaafadda kulan u qabatay ayaa canbaaraysay tusaalayaasha NAZI ee mudane Erdogan uu u adeegsaday dowladda Germany usbuucii hore.
Waxay kaloo tiri, “Maaha kaliya inaan Germany u hadlayo xulufadeena ankee maaha in lagu tilmaamo, isbarbardhiggani waa midaan hadaf-lahayn”.
Raysalwasaaraha Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa dib u dhigay kulan uu dabayaaqada bishan la yeelan lahaa dhiggiisa Turkiga Binali Yildirim sababo uu ku sheegay, “Weerarrada Turkiga ee ku wajahan Holand dartood kulankeenu maaha midaan  kaga duwannahay Holand”.
Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
Mjfaarah@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso