Dar-leef :- Wasiirka Macdanta Arinkiisu ma waa Jiilaal ee ha la Jilaabtaa..!

Macnawiyan, mucaaraddadu maaha mabda’ ka indho-saaban wanaagga iyo waxtarka horumarka balse waa summad baadisooc oo lagu tilmaamsado aragtida tolmoon ee saxaysa amase farta ku fiiqaysa waxa qaloocday ee qaldamay isla markaana ku badhitaaraysa qorshe kale oo ka qumman ka hore ee wax qaldaya.

Xaasha ! Marnaba Suurtogal maaha darleefnimo dufan-raadis ahi waase WADHI ! Mahadho reebidoonta oo meel fog maaraynteeda laga doonidoono haddii xaalku yahay xaaluf-daaq. Mudane Wasiir qorshe-xumida jujuubka ah iyo dadka aan qaybiyo oon qaatada aad ku wajahday Mashruuca Sahaminta Shiidaalka Block6, B7 iyo B10 (Deegaanka Gaaroodi) waxay luggooyo iyo dabar ku yihiin horumarka deegaanka iyo guud ahaan dalkaba. Waxa hubaal biyo kama dhibcaana ah in ku talo-galkiinu yahay curyaaminta mashruucan sidii kii ka horeeyay kan ee Seeraha Banka Qoolcaday oo qori dab leh layskugu dhiibay dadka deegaanka. Waxa muuqata in ula-jeedadiinu tahay qaadashada qabaxba wajiga 1aad ee mashruuca inta ka horeysa muddo-xileedka gabaabsiga ah ee xukuumadda gabal-dhacsatay.

Qorshe-xumida Wasiirka Macdanta iyo Xukuumadda uu ka midka yahay ee xaqul-qalinka ku mamtayba waa ta keentay qudh-baxa in bulshooyinkii Gobollada Bari ee ood-wadaagta amase inan iyo abtigii ahaa ku dirirraan kuna kala durkaan oo fiintu dhex miranayso ilaa maanta.

Haddaba sida aynu la wada socono Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu waxay beryahan si qarsoodi ah ugu hawlanayd oo ay kulamo gacan ku rimis ah u qabatay dad suuqa lagasoo ururiyay iyo haydh-tuuloyaal madax-buuxis ah oo la siiyay waxyar oo fara-guudkooda. Galdaloolooyinka jira waxa ka mid ah in Wasaaraddu u badheedhay in ay ku hawlgasho talo-kooban oo ay ka heshay masuuliyiin iyo madaxyo-weyn manfac mooyee aan horumarka deegaanka dan ka lahayn, taasina waa tii keentay in mashruucii Banka Qoolcaday fashilmo dadkuna iskaga horyimaadaan. Dhanka kale waxa bulshada deegaanku ku baraarugtay ujeedada dahsoon ee mashruuca oo laga dheehanayo shaqaale dusha lagaga keenay oo ay adagtahay in ay fuliyaaan barnaamijka wacyigelinta mashruuca iyo midhadh loo qoray qawlaysato summad ahaan kasoo jeeda bulshada deegaanka.

Markay sidaas tahay qorshe xumida iyo qaabka qalloocan ee Mashruucan loo wajahayo waa mid haddii aan la sixin keenikara gadood bulsho marka la eego wacyiga iyo waayaha abaartu keentay ee dadku la noolyahay iyo galdaloolooyinka mashruucan oo ah kaaf iyo kala-dheeri. Waxaanu dayro iyo digniinba kaga dareencelinaynaa sida gurracan ee hawsha mashruucan loo wajahay amase qorshuhu yahay in looga hawlgalo.

Nasiibdarro waxa ah in Wasaaraddu doorbiday dad kooban oo tirsan oon ehel u ahayn taladda dadka deegaanka ku dhaqan in ay ka laaluushto hirgelinta mashruuca halkii ay ka wacnayd in biyo iyo baad loo siiyo dadka daranyaysan ee abaarta darran hayso wixii dheef mashruucu wato oo aynu garankarno in dareenka dadka deegaanku ku qaabilayo mashruuca wax badan ka tarilahayd. Waxaanu soo jeedinaynaa in Wasaaraddu dib iskugu noqoto, Waxgaradka iyo inta u damqanaysa dadkooga dhibaataysan ee dullinku ku dul-deedamayana waa in ay dood iyo dareenba ku garab istaagaan.

“Hal kaa gudhan
Gorof looma qaatoo
Godol kuguma deeqdoo
Kuma gaajo reebtee
Geestaad ka joogtaa
Way kaa gurracantahay.’’ – Dhadhanka Suugaanta.

Wa Billaahi Tawfiiq.

Hassan Ismail

Kooshin8@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso