Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Xukuumadda Ku Eedeeyey in ay Dabada Ka Riixeyso Xeerka Baananka Ribada ah ee La Horkeenay Golaha Wakiilada

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Xukuumadda Ku Eedeeyey in ay Dabada Ka Riixeyso Xeerka Baananka Ribada ah ee La Horkeenay Golaha Wakiilada Kana Hadlay Martiqaad Rasmi ah oo uu Ka Helay Aqalka Lagu Falan-qeeyo Arrimaha Caalamka ee Chatham House oo Ku Yaala Dalka Ingiiska iy Arrimo Kale

Hargeysa(ToggaHerer):-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay xeerka Baananka Ribada ah ee maalmahii ugu dabeeyey horyaalay aqalka Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu sheegay in xeerkaasi uu Golaha horyaalay illaa wakhtigii Xukuumaddii Ra’yaale,isla mar ahaantaana aanay marnaba ansaxin doonin xeer lid ku ah shareecada Islaamka iyo weli ba dastuurka Somaliland isaga oo Xukuumadda KULMIYE ku eedeeyey in ay mar kale xeerkaas Baananka ribada ah ay horkeentay Golaha Wakiilada balse uu ka codsanaayo in ay Golaha ka dulqaadaan culeyska xeerkaasi.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa sidan ku sheegay waraysi gaara oo uu siiyey wariye Xamse Cali Bulbul oo ah agaasime ku xigeenka Talefeeshanka Horn Cable, waxaana ugu horreyn uu wax ka weydiiyey ujeedka socdaal la sheegay in uu ugu baxaayo dalka Ingiriiska isaga oo xusay in martiqaad rasmi ah uu ka helay aqalka lagu falan-qeeyo arrimaha caalamka gaar ahaan siyaasadda ee magaciisa loo yaqaano Chatham House, halkaasi oo uu sheegay in uu ka jeedin doono khudbad dhinac badan taabaneysa oo ku saabsan xaaladda Somaliland, dimuqraadiyadda, Doorashooyinka iyo weli ba abaaraha ka jira dalka.

“Waxa aan marti-qaad rasmi ah ka helay guriga arrimaha siyaasadda lagu falan-qeeyo ee la yidhaahdo Chatham House (The Royal Institute o International Affairs) oo ku yaala magaalada London oo inta badana lagu martiqaadi siyaasiyiinta iyo madaxda dawladaha, arrinta aan ka hadli doono ee ugu muhiimsani waa arrinta Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyadda, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka iyo abaaraha,”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa sida oo kale uu tilmaamay in uu aqalkaas uu ku tegi doono magaca Somaliland isla mar ahaantaana ay kor u soo qaadi doonto magaca Somaliland maadaama oo khubaro ka faalooda arrimaha caalamka uu gaadhsiin doono codka dhabta ah ee Somaliland, waxaana uu yidhi: “Aniga wax shakhsi ah oo weyn in aanay ii noqonin baa laga yaabaa se magaca Somaliland baan ku socdaa oon ku metelayaa, waxaana aan is lee yahay Somaliland magac bay u tahay in mid ka mid ah caruurteedu uu ka qeyb-galo doodaha halkaas lagu qabto, waxa laga ga hadlayaana ay Somaliland tahay, markaa waxa ay ila tahay guud ahaan magac iyo maamuus bay u tahay Somaliland.”.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa sida oo kale uu ka hadlay xeerka baananka Ribada ah ee horyaala Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu Xukuumadda KULMIYE ku eedeyey in ay dabada ka riixseyso xeerkaasi isaga oo xusay in aanay marnaba ansaxin doonin xeer lid ku ah shareecada Islaamka iyo weli ba dastuurka Somaliland.

“Xeerkaa wakhtigii Madaxweyne Ra’yaale, ayaa la keenay Golaha Wakiilada, muddadaas ku dhow tobanka sanno na wuu yaalay, mar walba na waxa la doonayey in la waafajiyo shareecada iyo dastuurka se shacabka Somaliland waxa aan u sheegaynaa in Golaha Wakiilada Somaliland aanu hore u ansaxinin, maanta na ma ansaxinaayo wax shareecada iyo dastuurka ba ka soo horjeeda, waxaana loo baahan yahay haddii wax ku jiraan in meesha laga saaro. Xeerka na Xukuumadda keentay, haddii xukuumaddu la noqoneysa na oo Golaha laga dulqaadaya na waxa aanu lee nahay ha laga dulqaado.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sida oo kale ka hadlay mudaharaad ka dhacay magaalada Berbera oo la sheegay in ay sameeyeen shaqaale cabasho ka muujinaaya shirkadda Dp World ee dhawaan la wareegtay maamulka dekadda Berbera, waxaana uu Xukuumadda ku dhaliilay in ay ka gaabisay xalinta iyo weli ba hagaajinta wixii u dhaxeeya shaqaalaha dekadda iyo maamulkaa cusub ee la wareegay dekadda Berbera.

“Xukuumaddaa laga rabey in aanay isku sii deynin maadaama ay wareejinayso ama ay wareejisay dekadda anagu war sugan ba kama haynee in muwaadiniinta reer Somaliland ay helaan wixii ay xuquuq u lahaayeen, shaqada in nidaam loo sameeyo ayey ahayd, wixii gef ah ee lagu sameeyo shaqaalaha na xilku wuxu saaran yahay Xukuumadda oo ay tahay in ay hagaajiso, haddii ay hawsheeda gabto na waxa laga yaabaa in halkaa muran iyo dagaal ba uu ka yimaado. “.Ayuu yidhi Cirro.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa sida oo kale uu ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka oo uu sheegay in ay Xukuumaddu kaga mashquushay in ay keliya u jawaabto Xisbiga WADDANI isaga oo xusay ay baaq iyo gurmad ba u dirayaan guud ahaan shacabka Somaliland iyo beesha caalamka ba, waxaana uu yidhi: “Xukuumadda maanta iyadaa xil saaran yahay oo xilkii haysa, gurmadkeedu na waa yar yahay, dhawaaqeedu na waa yar yahay, waxa ay ku mashquulsan tahay uun in WADDANI loo jawaabo, markaa waxa ay ila tahay in ay Xukuumaddu xilkeedii ay gudato. Gurmad intaa ka badan iyo baaq intaa ka badan baana aanu u direynaa oo ku baaqeynaa.”.

Ugu dambeyntii guddoomiye Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi, waxa uu tilmaamay in ay Xukuumaddu ku fashilantay xalinta sicir-bararka adag ee ka taagan gudaha Somaliland, isaga oo ugu baaqay in ay la timaado qorshe cad oo ay wax kaga qabaneyso xaaladda sicir-bararka.

“Arrinta sicir-bararka Xisbiga WADDANI hore ayuu uga hadlay, xalkii ay tidhi Xukuumaddu waanu sameynayna muu shaqeynin oo 700,000/SL/Shilling ah bay ku jartay sicir-bararka, Tv-yada ayaana aan habeen dhaweyd ka maqlaayey hooyooyin aad u cabanaaya oo leh 9,000SL/Shilling ah iyo 10,000SL/Shilling ah buu marayaa $1 halkii dollar oo ahayd halkii dee laga eegayey in lagu sarifo 7000SL/Shilling ah, markaa waa ay ku fashilantay Xukuumaddu xalkii ay waday, xal wax lagu xakameeya na Xukuumaddu ha la timaado.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Advertisement

Ku Xayeysiiso