Maalintii Mucjisada Aheyd Iyo Meherkii Lamaane Dunta Laysugu Xidhey:- W/Q. Axmed Kaafi Saleeban C’arab

Maalintii Mucjisada Aheyd Iyo Meherkii Lamaane Dunta Laysugu Xidhey:- W/Q. Axmed Kaafi Saleeban C’arab

“Caruusyada Lamagama Fogaado Ee Cilmibaa Laga Dhexlaa”

Waa Aroor Sabti Ah, In Badan Oo Ka Mid Ah Asxaabtu Waxay Ku Jeeni-qaaran Yihiin Dhar Bilicsan Oo Indhaha Urooon, Hamuun Iyo Xiiso gaar Ah Ayaa haya, Hawsha Maxaa Dhiman, Halkaan Kaga Hagaaga Hambalyo!! Erayadaasi Waxay Ahaayeen Kuwo Dhagaheyga Ka Batay , Akhriste Hadii Aan Dareenkayga Inyar Daaha-kaaga Qaado, Habenkaas Hurdo Gaw Kumaan Siin, Xiiso Ayaa Naftayda Gubayay, Niyadeydu Waxay Sawiraneysaa Dhamaan Muqalaada Bari Madasha Ka Dhicin Doona, Ilaahow Miyuu Waagu Baryo Ayaan Ku Tiraabayay, Wuxuu Habeenku Isguraba Wagii Ayaa Dilaacey Oo Waxaa Lakala Gartay Geed Iyo Qof, Wadaadkiina Waa Daakirey, markaan Salaadi Subax Tukadey Jiif Kumaan Hamoon, Hiirtii Hore Ayaan Diyaar Gawoobey Waxaana Cagta Dhigey Goobtii lagu balamey, In Badan Oo Asxaabta Ka Mid Ah Ayaa Iyana Goobta Oo Aheyd Maqaaxi Ku Kulaney, Koob-koob Shaah Ah Ku Dhufaney Fadhi Nooma Yaalo, Qofkastaaba Wuxuu Ku Foofey Hawlihii Loo Direy Ee Lagu Balansanaa In La Qabto

Saacadiba Saacad Ayay Noo Dhiibtay, Hadda Waxa Naga Qabyo Ahi Ma Jiraan Goorsheegtu Waxay Ku Taagan Tahey Amintii Lagu Balamey !!!Soo Dhawoow, Halkan Fadhiiso Iyo Iga Durug Kuwaasi Waxay Ahaayeen Kalmado Markale Sida Roobka Dhagaheyga Ugu Dhacaayay, Alla Maxaa Madasha Xeerbeegti Iyo Xilkas Fadhiya Dhalinyaradii Dhinac Ayay Iska Raacdey Iyagoo Ku Labisan Suudhadh Kooxiba Ay Isku Cayn Tahey, Anigu Unugta Sudhadhka Buluuga Ah Ayaan Ku Biirey Madaama Oo Aan Qayb Ka Ahaa Inta Sudhaadhka Buluuga Ah Ku Labisan, Odayaashii Labada Dhinac Ayaa Iyana Laba Saf Galay Oo Iska Soo Horjeeda, Xaga Bidixda Ayaan Markaliya Jaleecay Waxan Idhaha Ku Qacsiiyay Kursi Kii Boqor Ah Oo Uu Fadhiyo Caruuskii, Oo isna Ku Bilan Suudh Midabkiisu Casaan Madow Xigeen Ah Oo Waliba Widhwidhaaya !!!!!!

Aayado Quraanka Kariim Ka Ah Ayaa Madasha Lagu Ibo Furey, Hadalka Waxaa Ku Horeeyay Dhinaca Wiilka Ee Inanta Donaayay Sidii Caadada Aheyd, Waxaa Hadana Hadalka Qaatay Dhinaca Inaanta Oo Iyana Ku Jawaabey”Waan idin Siiney, Waana Naga Galbis” Waxgaradkii Dhinaca Wiilka Ayaa Hadalka Ku Noqdey Oo Yidhi “Gudoonsare” Sidaana Waxaa Dunta Laysugu Xidhey Labadii Lamaane

Akhriste Qoraalka Ayaa Ila Taraarey Hadaan Hadalka Kugu Badiyay, Nuxurka Sheekadayda Aan Usoo Dago, Waa Meherka Saaxibkey Cabdale Cabdiraxmaan Bulaale Iyo Dumaashidey Hoodo-ayaan Maxamed Ibraahim, Cabdale Oo Aan Aqoon Gaar Ah Uleeyahey, Aan Kuu Iftiimiyo, Cabdale Cabdiraxmaan Bulaale Waa Wiil Da’yar Oo Ay Kala Wayn Yihiin Caqligiisa Iyo Da’diisu, Aqoon Maadi Ah Iyo Mid Diini Ah Ilaahey Ayaa Ku Maneystay, Dadnimadiisa Iyo Sida Iyo Uu Dadka Uqancinaayo Markaad Aragto Maanka Ayaa Ku Qoyaaya, Waa Wiil Noocaasa Waan Filayaa In Aad Halkaas Ka Fahan Tahey Dadnimadiisa Dahabka Ah.
Dhanka Kale Aan Jaleeco Xaga Hoodo-ayaan, Inkastoo Anan Aqoon Gaar Ah Ulaheyn Waxan Iftiimin Donaa Inta Aan Ka Arkey, Waa Gaari Dhaqasho Leh Oo Ilaahey Ku Galadey Hubqaad Iyo Qurux Sababtay Markey Laafhaya Qaadeyso In Laga Wada Muqsuudo, Hoodo-ayaan Ayaa La Dhahaa Oo Magaceeda Kuu Qeexaya Qof Ka Ay Tahey!!!
Guntii Iyo Gunaanadii Waxan Lamaahaha Iscalmadey Ilaahey Uga Baryayaa Inuu Isu Barakeeyo Oo ka Dhigo Labadii Hoy Wada Galee Hodaale Noqda, Wiil Iyo Caano Gabadh Iyo Caano, Waxan Umahad-naqayaa Asxaabtii Qiimaha Iyo Sharafta Badnaa Ee Garbaha Haysay Qabsoomida Meherkan Ee Kala Ah

Xamse Faarax Garbiye
Cabdiqaadir Cismaan Dubad
Cabdikareem Siciid Jaamac
Maxamuud Kaahin Xuseen
Cabdirixiin Xasan Cabdi
Ismaacil Cumar Ismaacil
Axmed Kaafi Saleeban Carab
Xamse Cabdi Bulaale
Naasir Cabdi Cali
Axmednaasir Cabdiraxmaan Cali
Farxaan Cabdi Bulaale
Musfate Copra
Bayle
Axmed Sakaaky

Iyo Asxaab Kale Oo Qiimo Badan Oo Qarkood Aan Hilmaamey Alle Ha idin Dhawro
Dhankooda Waxan Umahadnaqayaa Akhristayaasha Sharafta Mudan Ee Indhaha U Raaricisey Qormadeydan Aan Kaga Faloodey Maalintii Xiisaha Iyo Damaashadka Lahaa Ee Cabdale Iyo Hoodo-ayaan

Waa Qalinkii- Axmed Kaafi Saleeban Carab
Burco/ Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso