Nigeria oo laga cabanayo shidaal sumaysan oo xanuunno sababay

Dalka Nigeria waxaa ka taagan cudurro ka dhashay shidaalka baabuurta uu waddankaasi kasoo iibsado Europe, halka Nigeria ay shidaal-ceeriin oo tayo sare leh u iibgeyso suuqyada Europe.

Caasimadda Legos ee dalka Nigeria qiiqa kasoo baxa gawaarida wuxuu sababi karaa geeri.

Shidaalka laga keeno Europe ee qaaradda Afica loo beec geeyo waxaa ku jirta maaddo la yiraahdo Sulphure, wuxuu 300 oo jeer ka halis badan yahay caddadka maaddada Sulphure kaga jirta shidaalka laga isticmaalo Europe.

David Ugolor, wuxuu u ololeeyaa oo juhdi badan galiyaa sidii hawada Nigeria ku noqon lahayd nadiif.

David wuxuu yiri, “Markaad booqato isbitaallada Nigeria waxaad ku arkaysaa dad faqiir ah oo ku xanuusaday shidaal sumaysan oo laga sii iibshay Europe.”

Wuu sii hadlay, “Ogow waddankani wuxuu Europe u iibgeeyaa shidaal-cayriin oo tayo leh oo nadiif ah, kaddibna waxaan soo qaadanaa shidaal sumaysan.”

Dr Olatomi Bamigboje waxay iyaduna tiri, “Waxaan haynaa oo soo badanaya cudurrada ku dhaca neef-mareennada,  kuwa ugu badana waxaa weeye xanuunka NEEFTA iyo xanuuno kale oo ku dhaca carruurta.”

Haddaba maaddada Sulphure markii cabirka loogu talagalay caadiyan laga badiyo waxay sababaan cudurrada kala ah, NEEF, Borinkiito & xanuunno kale, markii dalkeena Soomaaliya la eegana waa ku badan yihiin cudurradan.

Iminka shidaalkaas sumaysan isticmaalkiisa waa caadi Nigeria & waddamo kale oo Afrika ka tirsan, laakiin dowladda Nigeria waxay waddaa tallaabo lagu baddalo shidaalkaas sumaysan.

Waxaana dalka Nigeria laga mamnuuci doonaa bisha Julay ee soo socta isticmaalka shidaalkaas sumaysan.

Shidaalkan laga dayrinayo  beeciisu waa raqiis, laakiin haddii dalkaas laga mamnuuco wuxuu sababi karaa qiimaha naaftadu inay sare u kacdo.

Laakiin haddii isticmaalkiisu uu sii socdo way adkaan doontaa sidii nadiif looga dhigi lahaa hawada Nigeria.

Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
Mjfaarah@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso