Gabar bil Jirta oo Gaari lagu afduubtay

Magaalada Durban ee dalka Koonfur-Afrika ayaa gaari  lagu afduubtay  gabar yar oo  hal-bil jirta markii laba nin ay soo weerareen gaariga oo markaas ay darwal ka ahayd hooyadii dhashay ilmaha, waxaa kaloo la saarnaa ilmo kale oo 8-sano jir ah.


Gaariga noociisa wuxuu ahaa Toyota Yaris, waxaa goor dambe laga helay meel waqooyiga ka xigta magaalada Durban oo cidla ah, laakiin waxaa la la’yahay ilmihii yaraa.

Afhayeen u hadlay bilayska Thulani Zwene ayaa warfidiyeenka u sheegay  in baadigoobka ilmaha ay ka qayb qaadanayaan askar iyo ayda wax urisa, wuxuuna tilmaamay in howshu socon doonto illaa ilmaha laga soo helo, wuxuuna yiri “Ahmiyaddeena ugu wayn waxaaa weeye ilmahaas oo la helo.”

Afhayeenka  ciidamada ammaanka dalka Koonfur-Afrika, Kyle Van Reenen ayaa tilmaamay in kursigii ilmaha yar ku jiifay gaariga uu ka maqan, taasoo macneheedu yahay in kursigii & ilmihiiba la isku qaatay.

Afduubka gabadhan  wuxuu shaacay  baraha bulshada sida Twitter oo lagu daabacay fadlan soo sheeg haddaad aragto ilmahaas, waxaana halhays laga dhigay “Fadlan ku caawi in ilmahaa la helo”.

Dalka Koonfur-Afrika waa ka caado  afduubka gawaarida, laakiin dadku badi waxay gawaarida ku xirtaan qalabka lagu dabagalo haddii gaariga laga dhoco.

Sanadkii hore shilalka afduubka gawaaridu wuxuu kor u kacay boqolkiiba 14.3, taasoo uu ka batay sanadkii kasii horreeyay, waxayan la macne tahay in maalintii la afduubto 40 baabuur ah siday qiyaastu tilmaamayso.

Maxamed Jaamac Faarax

Oslo, Noray.

Mjfaarah@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso