culimada iyo doorka bulshada by muuse cali ammaan

hordhac

markaan taariikhda dib u eegay, xukuumaddii dhexe ee maxamed siyaad hogaaminaayey, waxay cagta hoosteeda gelisay culimada iyo doorka ay bulshada ku leeyihiin iyada oo diidanayd inay kasoo horjeestaan habdhaqankii gaalnimada u ekaa ee waagaa shaqayn jiray, sida suuqa haweenka oo furnaa kaadhadh iyo biic lagu galona lahaa iyo tacadiyadii umadii soomaaliyeed ay ku haysay.

fursadihii culimada soomaaliyeed

culimaddii waxay jaanis heleen markii jab-haddii ay hogaaminayeen kornaylada kursi doon ka ahi ay burburiyeen dawladdii dhexe, haddaba fursadii ay heleen culimadu sidee ayay uga faaiidaysteen.

1 qaar kood markiiba waxay u qayb sameen fariiqooyin aan wax wayni u dhaxayn, kuwaasi oo dhexdooda uu ka qarxay dagaal xoogan oo daadiyey dhiiga dhalinta soomaaliyeed.

2 qaarkood waxay furad u heleen inay furtaan machado diiniya oo ku dhisan luuqada carbeed iyo manaahiij carbeed iyaga oo u marmarsoonaaya in aanay jirin dawlad dhisan oo korinaysa barashada diinta islaamka ama dhiiri gelinaysaa. arintaasi waxay keentay inay ku urursadaan duunyo badan balse taa bedelkeeda waxay soo saareen arday badan oo si wacan loogu barbaariyey diinta islaawka.

waxaase dhaliil u noqotay inay machaddadaasi badan koodu qaali yihiin oo aan caruurta danyartu baran karin dhaqaale ahaan awgeed.

3 kala fufurnaanta culimadu waxay keentay in cadawbadani kusoo dhuuntaan oo ay u soo xidhaan shaadh diimeed ujeedkoodana ka fushadaan meelkasta oo nin soomaali ahi ku nool yahay.

dayacii doorka culimada soomaaliyeed

iyada oo aynaan iska indha tirayn doorka wax qabad ee culimada soomaaliyeed, sida dhismayaasha badan ee ah masaajidda iyo malcaamadaha qaarkood dhaqaaaliba haka raadiyeene, waxaa misana muuqda dayac iyo fursad lumin soo foodsaartay culimada soomaaliyeed meelkasta ha joogeene.

1 marka aan ku horeeyo soomaalilaan culimada soomaalilaan waxay lumiyeen doorkii hoggaamineed ee umada lagu hogaamin lahaa xaqa, cadaalada, iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

2 waxay fursada ugu badan lumiyeen markii ay ka gaabiyeen la shaqaynta jabhaddii dalka qabsatay ee SNM taas oo u baahnayd hoggaan diimeed oo u dhisa axkaamta iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.

3 waxay ka gaabsadeen inay ka dhexmuuqdaan dawladihii kala dambeeyey ee la dhisay kuwaasoo culimadu u arkayeen in aanay banaanayn in muslimku ismujiyo oo xildoonto, balse waxay ilaaween in masaaliixda diimeed ay ku jirto in ninka dimuqraadigaa laga qabto umada oo loo dhiibo hogaanka umada nin ilaahay iyo xukun kiisa u hogaansan.

balse maanta ayay garanayaan fursadaas meel ay wax ka qabtaana ay adagtahay iyada oo wadanka ay ka jiraan daneeyayaal shisheeye oo dabada ka riixaaya maaliixdooda gaarkaa iyo fidinta habmaamulkooda ku dhisan dhaqankooda. taas waxaa tusaale kuugu filan sida ay dabada uga riixayaan daneeyayaasha aan culimada ahayn ee soomaalida ah ee xilka haysaa arimaha ribada iyo mashaariicda kale oo khilaafsan habdhaqanka islaamka.

child protection

human right

interest banks

waa qaarka mid ah mashaariicda ay ka shaqeeyaan haayadaha dalka jooga oo aan sal ku lahayn islaamka kuwa fulinayaana yihiin dadk non islaamic ah.

gebo gebo.

waxaan kusoo gunaanadayaa.

1 in culimada iyo waxgaradka ilaahay ka cabsanayaa ay sameeyaan dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay ku midaynayaan siyaasad cad oo ah sidii loo hirgelin lahaa ismaamul ku dhisan sharciga ilaahay iyo caadil xaakim ah oo u diyaar ah korinta barashada diinta islaamka io isku xukunka islaamka.

2 in marka arintan loo maro farsamo ah isla jaan qaad iyo masaaliix aan ku baahnayn dagaal iyo rabash waayo wax kasta waxaa ka qaalisan nabada iyo ku noolaanshaha bulsho deganaan iyo farxad amni.

3 in xisbiyada jira la galo waxna laga bedelo mubaadida ay aaminsan yihiin ee democracy iyo wixi la hal maala ah, isla markaana bulshada loogu baaqo xaq-qa iyo hoggaamin toosan taas oo laga fulinaayo xisbiyada dhexdooda.

4 waxaa muhiim ah in arimahani aanay ku xidhnaan kooxaysi iyo fariiqooyin laakiin lagu dhiso mabda badbaadineed oo ku imaada masaaliix umadeed oo la higsanaayo iyo midoow diimeed

waxaan ilaahay uga baryayaa umaddayda qaaligaa nidaam dawladeed oo lagu badhaadho iyo koritaan diimeed oo ka madaxbanaan amni daro iyo xasilooni daro

Advertisement

Ku Xayeysiiso