Xisbiga KULMIYE Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah U Qabtay Dallado Dhalinyaro Oo Ka Dhisan Degmada Axmed Dhagax Ee Hargaysa + Sawiro

Xisbul-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa maanta soo dhaweeyey Dalladaha SEMPO, HAYPO, TALO-WANAAG oo ay ku midoobeen dhallinyaro rag iyo dumarba leh iyo kooxda kubada Cagta ee SENEGAL oo ka dhisan degmada Axmed Dhagax ee caasimadda Hargeysa, kuwaas oo si rasmi ah xisbiga ula midoobay.
Munaasibadda soo dhaweynta dalladahan iyo weliba kooxdan kubadda Cagta ah oo lagu qabtay hoolka Green Plaza ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay hoggaanka sare ee xisbiga oo uu hormood u ahaa Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, madaxda sarsare ee xisbiga, masuuliyiinta garabyada haweenka, dhallinyarada heer qaran iyo Gobolka Maroodi-jeex, wasiirro, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, wasiir-ku-xigeenno, siyaasiyiin waawayn oo ku jira xisbiga, hoggaanka dalladaha xisbiga ku soo biiray iyo weliba kooxda kubadda cagta ee wehelinaysay iyo mari-sharaf kale oo tiro badan, waxaanay halkaas laga jeediyey hadallo soo dhaweyn iyo bogaadin u badan.
Dalladaha kusoo biiray xisbiga oo iskugu jira haween iyo wiilal da’yar oo arrimaha bulshada iyo wacyigelinta ka shaqeeya, ayaa madasha ka sheegay inay ku qanceen waxqabadka iyo horumarka uu dalka ka hirgeliyey xisbiga KULMIYE, iyaga oo caddeeyey inay taageero hiil iyo hooba leh la garab geli doonaan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso