Talo Lafo-Gurka Ama Gorfeeynta Buugta Ku Aaddan

“Maadaama, kacdoon xooggan oo dhinaca qoraalka ah guud ahaan geyiga Soomaaliyeed ka curtay, dad badanna ay u holladeen in ay wax qoraan. Isla-markaa, qoraalku ka mid noqday wararka ugu xiisaha badan, ugu na hadal-haynta badan. Inkasta oo aan qof ahaan jeclaan lahaa in dadku akhriska iyo qoraalka ay mudnaanta siiyaan akhriska. Isla kolkaa ay wax qoraan dadka ugu akhriska badan; sababtuna waxa weeyaan xogta ugu badan iyagaa helaya. Walaw, hadda dadkii wax akhriyi lahaa ay wax qoreen, kuwii wax qori lahaana ay wax akhriyaan. Is-dhaafkaasi wuxu keenay in buug badan oo soo baxday ay madhnaadaan oo magac kaliya uun ahaadaan.

    Haddii qofka wax qora aan dib wax ba looga weydiin wixii uu ummadda la wadaagay, waxa aan hore ugu sii soconaynaa jidka mugdiga badan ee la qaaday. Haddii se qofkasta oo wax qora qoraalkiisa la lafo-guro, wax na dib looga weydiiyo, waxa dhacaysa in qoruhu ka baaraan-deggo, waxa uu ummadda u soo bandhigayo. Sidaa darteed, ayaan u jeclaystay in aan goortan qoraalkan idiin la wadaago.  Anigoo kaska ku hay in ummadda Soomaaliyeed ay sas ka qabto in la falanqeeyo,lafo-guro ama la gorfeeyo buugtooda. Waxa aan se ka afeef dhiganayaa in aanan ahayn qofkii ku habboonaa ee farriintan idin la wadaagi lahaa, maadaama, xirfaddayda qoraal, aqoontayda iyo waayo-aragnimadaydu aanay idinka haqab-tiri karayn baahida mawduucan loo qabo.

Waxa aan qoraalkan ugu talo-galay da’yarta arrimaha qoraalka xiisaysa ee aan waayo-aragnimo qoraal lahayn” Cabdinaasir Axmed Abraham.  

    Gorfeynta buugta aalaaba waxa laga bilaabaa magaca buugga, magaca qoraha, goobta lagu daabacay, shirkadda daabacday iyo tirada bogagga ee buuggu ka kooban yahay. TUSAALE: Dharaaro xusuustood. Professor Gees. Hargeysa-Somaliland. Asal jet. 228. Bog.

Gorfeyntu waa in ay hordhac kooban lahaato, taas oo akhristaha u sahlaysa in uu fahmo nuxurka qoraal gorfeyneedkaaga. Haddii hordhacan aad ka baaraan-degto oo hadalka ugu kooban iyo ereyo aad u xulatay in ay ku filan yihiin soo gudbinta hal-muceedyada buugga ee aad lafo-gurayso.Waxa wanaagsan in nudda ama (Paragraph-ka) ugu horreeya aad ku xusto; Magaca buugga iyo qoraha. Waxa intaa aad ku ladhi, qaybo ka mid ah tusmada buugga, u jeedada buugga. Iyadoo ay kuu caddahay jaadka akhristiyaasha buuggu bartilmaameedsaday. Ma rag baa mise waa haween? Ma reer miyi baa mise waa reer magaal? Ma dhallinyar baa mise waa waayeel?

 

    Intaa kaddib, nuxurka qaybaha buugga ee aad door-bidday in aad wax ka tidhaa, ayaad wax ka taataaban, adiga oo Kolmo ama Quotations (“  ”) galinaya weedha qoraha. Qurubka qoraalka ah ee aad soo garoocday,waxa aad ku qori kartaa, far-dhuudhuuban oo jiijiifta.

 

Weydiimaha aad wax iska weydiin karto inta aad ku jirto ubucda qiimeyntaada ama lafo-gurkaaga buuggan ku aaddan, waxa ka mid ah;

 

  • Buuggu si qummaati ah ma u abbaaray hal-aroorka qodobka dooddiisa?
  • Ma muuqataa wax aad u aragto in buuggu gafay oo habboonaan lahaa in uu xuso.
  • Waa maxay qodobbada ugu waaweyn ee qoruhu buugga ku xusay?
  • Caddaymo heerkee ah ayuu qoruhu buugga ku soo bandhigay? Sidee se luugu qanci karaa?
  • Sidee buuggani xidhiidh ula leeyahay, buugta kale ee isla mawduucan wax ka qoray?
  • Buuggani ma madi baa “Unique”? Si kale haddii aan u dhigno, ma buug aragti cusub oo hor leh wax ku eegay baa? Mise kuwii hore uun buu la mid yahay?
  • Horuhu isla mawduucan qoraallo hore ama kale ma ka sameeyay?
  • Ma jiraan qodobbo cayiman oo buuggan ku xusan kuwaas oo aan lagu qanci Karin ama fahanka qaab dhigaalkoodu kakan yahay?

 

 

Qaarka ugu dambeeya ee gorfeyntaada waxa aad ku xusi aragtidaada ama qiimayntaada ku salka leh wixii kaaga baxay baadhitaankaagii iyo akhriska buuggan.

 

Gunaanadka gorfeyntaada ayaad ku soo af-meeri.

 

TALOOYIN GUUD

Hubi dhigaalka “Orthography” Dhigaalku wuxu u qaybsamaa laba waaxood oo kala ah; Naxwe (Grammar) iyo Heshiis (Convention) dhigaalka ku abtirsada Naxwaha waa qasab in qofku ka taxadiraa, qofkii jabiyaana waa ku eedaysan yahay. Sidaa darteed, ayay laga-ma-maarmaan u tahay in aad saddex iyo afar goor dib u akhrido qoraalkaaga, si aad iskaga hubiso in ay ku hoos mareen, gafaf dhinaca higgaadda ah, kuwa xagga xeerka ah “Grammar” iyo qaar guud ahaan asluubta qoraalka ah.

     Si qoraalkaaga akhriskiisa luugu raaxaysto oo aan loo dhibsan ka taxadir in aad is-daba-geliso. Nud ama paragraph marka aad dhammaysa ba hubi in ay farriintii ay xambaarsanayd sidii ugu wanaagsanayd u gudbisay. Dhigaal ahaan iyo xulashada ereyada labada ba. Hubi in aad soa af-jartay hadalka nudda. Kaddib na adeegso sumadda joogsiga (Full stop) Nudda kale meeris ugub ah (New line) ku bilaw, meeriska ugu horreeyaana waa in uu xaraf-weyne (Capital letter) ku bilaabmaa. Sidoo kale waa in aad xidhiidh qumman ka dhexaysiiso labada Nudood.

Qoraalkaagu ha kookoobnaado, kaalin-galna ha ahaado. Toos u abbaar qodobka aad ka hadlayso. Luuqadda ugu sahlan ee ay fahmi karaan akhristayaashaadu ku qor falanqayntaada.

Ka digtoonow! In aad khaladday, magaca qoraha buugga aad gorfeynayso iyo magacyada buugta uu qoruhu cuskaday ama adigu ba aad xigatay.

 

  • ISKA-JIR! GAFEFKA KOLMAHA inta badan qoraayada layliga ah ka dhaca. Kuwaas oo aan ka xusi karo; In ay labada kolmood ee aalaaba loo adeegsado hadallada la soo xigto bannaanka uga saaraan astaamaha ay ka midka yihii; Sumadda joogsiga iyo sumadda hakadka.

 

 

Tusaale

“Macmacaanka waan jecelahay”. Ayuu yidhi Axmed. Waxa aanay ku saxsan tahay;  

“Macmacaanka waan jecelahay.” Ayuu yidhi Axmed.

 

  • KHALAD U ADEEGSIGA SUMADAHA HADALKA(Mispunctuation) Dad badan oo wax qora ayaa si khaldan u adeegsada sumadaha hadalka, waxa aanay u badan yihiin kuwan hoos ku qoran;

 

Ax!!! Halkan saddex sumadood oo sumadda layaabka ah ayaa ku qoran, dadka wax qora inta badan iyagoo damacsan in ay ku xoojiyaan dareenkooda ayay laba-jibaaraan ama saddex-jibaaraan sumadda hadalka. Taas oo deel-qaaf ku ah xeerarka sumadda hadalka. Hogo-tuska labaad; ….. Saddex dhibcood oo kaliya ayaa xeer ahaan shuruucdaha qoraalku xalaaleynayaan adeegsigood. Waana (…)

 

 

  • EREYDA DAREENLEYDA AH ee aad qoraalkaaga ku dhex adeegsato ha ka illaawin in aad ku ladho astaanta la yaabka (!) Tusaale: Caku! Hoh! Alla! Naayaa! Waaryaa! Banay! Hoognay! Hoogtay! Ax! Kow! Bow! Tag!

 

 

Qoraalkani wuxu ka dhashay, waayo-aragnimo aad u kooban oo aan dhaxlay muddo aan qoraalka ku dhex jiray iyo akhris aan ku sameeyay shuruucda qoraalka iyo nuxur qoraal ah oo jaamacadda Indiana ay ka samaysay gorfeynta hannaanka loo maro.

Anigoo qoraalkaygan bud-dhig uga dhigay Siddeed iyo tobanka qodob ee asluubta hadalka qeexa oo aan raacdayntaydii cilmiyaynta suugaanta Soomaalida kaga dhex helay maansada “Sirta Nolosha” ee uu curiyay Maxamed Warsame “Hadraawi” kuwaas oo ah;

  1. Hadalkana sar weedhiisa,
  2. Una saaf qofkii waaya,
  3. Ha ka tegin sarbeebtiisa,
  4. Hana gelin sursuur oodan,
  5. Hana lumin sargoyntiisa,
  6. Hana liqin san-gaabtiisa,
  7. Ha ku saxan badheedhkiisa,
  8. Runta sogor-doh haw yeelin,
  9. Ha suul-daarin dooddiisa,
  10. Sisibaa wadaaggiisa,
  11. Sababee abbaartaada,
  12. Hana badin su’aashiisa,
  13. Sarrifkiyo tilmaantiisa,
  14. Saddex erey halkii dooni,

Soddon yaanay kaa qaadan,

  1. Siddi-qabaxi yay raacin,
  2. Sare haw dhig-dhigin luuqda,
  3. Gacantana ha saydh-saydhin,
  4. Hana odhan wax sawliila

Waan ku rajo-weynahay in ay in wax uun aad ka dheeftay qodobbadan aqoontu sal-dhigga u tahay ee Rabbi ku ilhaamiyay “Hadraawi” iyo talooyinkayga aan aqoonta badan ku dhisnayn ee ka korreeya.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso