Shir Turxaan Bixin ah oo u Dhaxeeyey Beelaha Walaalaha Ah Ee Ciise Iyo Sacad Muuse Galbeed Oo Ku Dhamaaday Is-Afgarad iyo Go`aamo laga soo saaray

Hargaysa(ToggaHerer)- Wafti Uu Hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka qayb galay Shir Tuulada Cabdi geedi uga qabsoomay beelaha walaalaha ah ee Ciise Iyo Sacad muuse Galbeed.

Beelaha Ciisaha Iyo Sacadmuuse Galbeed Ayaa Hore Is Rasaasayn Ugu Dhex Martay Deegaanka Higlada Halkaasi Oo Qasaare Sahlani Ku Dhex Maray Waxaana Shirkani ujeedadiisu ahayd sidii loogu kala bogsiin lahaa beelaha walaalaha ah Si Bilaa Turxaan Ah Iyadoo Ay Shirka Kasoo Baxeen Qodobo Muhiim Ahi.

Qodobada shirka la iskula afgartay ayaa waxa kamid ahaa

1- In lays calool xaadho lagana wada shaqeeyo nabada iyo iskaashiga labada reer

2- In shaqaaqadii ka dhacday labada reer dhex dooda laga bixiyo lacag dhan $6000 ( lix kun oo dollar) oo xaal ah. isla markaa wixii dhaawaca la kala xaqdo

3- In wixii magdhaw iyo xoolo ah ee la xaqay la isku siiyo mudo dhan 15 cisho guhood oo ka bilaabantan 08/3/2017 ilaa 23/03/2017

4- In la sameeyo guddi labada dhinaca oo ka shaqaysa nabadgalyada iskaashida iyo isku soo dhaweynta beelaha

Socdaalkan uu wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha gudaha Somaliland kaga qayb galay shirkan ayaa waxaa ku wehelinayey xubno kamida xildhibaanada kasoo kalada jeeda labada beelood waxaana uu shirkaasi kusoo dhamaaday guul iyo isafgarad.

Advertisement

Ku Xayeysiiso