Hadalhaynta saldhiga military ee bulshada dhexdeeda iyo saadaasha siyaasiyiinta aan hadafkoodu cadayn iyo fasiraada wasiirada dawlada iyo faalooyinka warbaahinta caalamka.

Hadalhaynta saldhiga military ee bulshada dhexdeeda iyo saadaasha siyaasiyiinta aan hadafkoodu cadayn iyo fasiraada wasiirada dawlada iyo faalooyinka warbaahinta caalamka.

Faalo: Wargeysada caalamka

Daruurta kadib ayay qoraxdu soo baxdaa iftiinbaa mugdiga ka danbeeya mushkiladan maanta taagani yaanu madaw kaa galin jiritaanka qaranimadeena balse xalkeeda si dagan uraadi oo cidkale sida ay jeclayd inaad noqoto ha u ogalaanin siyaasada iyo fikirada horumarka waa lagu kala duwan yahay ujeedadeeda guudna waa horumar iyo fursad cusub qarankeenani sidii uu ugaadhi lahaa, siday aniga iila muuqato waynu kukala duwanaan karnaa laakiin ujeedada qodobkan ha u leexin xamaasada cilmi nafsiga xanbaarsan ee sheegaysa kala lahaanshiyaha qoqobka iyo qaylo dhaanka fikradaha qalafsan ee markasta madowga iyo jabka ka sanqadhinaya .

Hadalhaynta saldhiga military ee berbera oo guux badan yeelatay ayaa markii iigu horaysay waxaan toos u abaaray baadhitaan dhinaca warbaahinta caalamku maxay ka yidhaahdeen waxaan toos u akhriyay jariiradaha caalamka ilaa 100 isugu jira jariirado Televisions oo heer caalami ah oo ay ka mid yihiin

1-Bbc news 2- presstv 3- Fox news 4- CNN 5- Eunews 6- Alcarabiyah 7-Fort-russia 8-Headlineafrica 9- hornnewspaper 10- eastafro 11- hornaffairs 12- hopnews.one 13- The guardian iloveethopia 14-djaboutination 15-monch. 16- Voanews 17- uudis.eu 18-tanzaniatoday 19-ghheadlines 20-middleeasteye 21- newniffer.co.uk 22- eritaria 23- The arabweekly.com 24-Newyorktimes

Warbaahintu waxay u qaadaa dhigaysay siyaabo kala duwan qaarkood waxay kaliya ka hadlayeen qaabka warbixintu ahayd oo kaliya balse jariiradaha qaar waxay saadaalinayaan maxay faaido u leedahay dawlada Somaliland ee 25 sanno ictiraaf raadinaysay siyaasadeeda dhaqaalaheeda iyo xasiloonideedaba .

Hadii aan soo koobo warbixinta dhinaca faaidooyinka jariiradaha ingiriiska kazoo baxa qaarkood waxay si faahfaahsan u dhigayeen heshiiska Dawlada imaaaraadku la yeelatay Somaliland waxay ka dhigantahay in dawladaasi ictiraaftay Somaliland oo aqoonsi heer caalami ku qaabishay heshiiska meel marisayna nidaamka heshiisyada caalamiga ah .

Waxaa kaloo isoo jiitay wixii guulo wadanka ka dhacay 25 sanadood ee aduunku xaqirayay oo jariiradaha Japan iyo yurubta kaleba ku nuuxnuuxsadeen waa maxay sababta Somaliland oo wax weyn qabsatay loo cadaadiyay loona aqoonsan waayay, waa faalooyinka kharash ubaahnaa(Budget) laakiin manta si bilaash ah doodeedii dhextaalo caalamka .

Hadii aan taabto dawladaha jaarka oo aynu hoostooda joognay oo si badheedh ah uga soo horjeedsaday heshiiskan gaar ahaan Jabuti iyo Somalia oo hadalkoodii ku sheegay inaynaan xaqba u lahayn qaabkaa la inoo qaabilay ayaa u baahan in aynu fahano xaqaas ay kaligood fahmeen inagu maxaynu ufahmi waynay

Waxaan ku diirsaday caalamka oo magaca Somaliland maqalkeedu ku yaraa ay bari ilaa galbeed qaarad ilaa qaarad la isla dhexmaray arintani waxay horseedi doonta in wufuuda dawladeena Somaliland loo qaabili doona qaab ka duwan sidii hore ee meeqaamkeedu hooseeyay.

Hadaba ta dadweynaha waxaan kusoo koobayaa waxaynu nahay dad leh dawlad iyo deegaan u gaar ah waxaynu ka qayb nahay xaalada cakiran ee hab maamulka dawladeena hadii isbedel ubaahantahay iyo hadii kaleba inaga uunbay madaxdu inaga timaadaa hadii saluug jiro in si bilaa tushuush ah looga fiirsado cida aynu hogaanka u dhiibayno laakiin markaan marxaladda ku eegno waxaynu nahay dad jihadu kaluntay (Nation in a coma) oo sacabka si wacan u tuma, kolba xamaasad cusub isla dhex qaada oo sidii la inooga faaidaysan karo la inoo soo mariyo reer hebel buu hankeenu dhaafi waayay , waxaynu xukun degdeg ah ku saarnay hawl aynaan warbixinteedii oo dhamaystiran aynaan haynin jacayl iyo nacayb cilmi nafsi ah ayaa siyaasiga muxaafid ama mucaaridka ahi inoogu shubtay laakiin lexo jeclo hadii ay inaggu jirto bal fursadan aynu dhinac walba ka eegno taageerideeda iyo mucaaridkeedaba dib aynu ula noqono odhaahdeenana yaan cidi siday doonayso inooga faaidaysan .

Siyaasiga ilaahay ku simay xaaladan manta taagan waa hebel oo haa iyo may labadaba waa ka suurta gal waa siyaasi horta keenta xoog u yaqaan wadanka intaa leeg ee macdantiisii iyo nima cadiisiiba lagusoo hiranayo ma yaqaano maxaa inoo dan ah, dawladu waxay qaaday talaabo dawladnimo u eeg oo sifaha sharci ee loo maray marka dastuurkeena la eego ku khaldan iyadoo itaalkeeda inooga muuqato balse waxay dhaanta ninka leh fadhi oo ha dhaqaaqin waynu isla dumaynaa oo aan habeena raadin Somaliland sidee aynu halka uga sii dhaqaajinaaa .

Marxaladaha isdaba yaala ayaa maalintii dhalataba waayo cusub inoo fura waa dacar iyo malab meel wada yaal mar waad toosin marna way kula silban balse isku duubnibaa lagu dhaafaa wixii adiga kaa luma ana waa iga lumay ilaahaybaa iskeen baday, maanta iyo bariba dalku talladeena ayuu sugayaa wixii khaldama in la saxo ayaa haboon laakiin way inala durugtay oo inagoon garanayn wax aynu diidno ama yeelno ayaa safaaradihii caalamka ka hor qaylinaynaa cid wal oo jeclayd in wax inagga xumaadaana way inagu lug dartay bal amarkani yaabkan bal amuurtan eega .

Faaladaydan waxaan kusoo koobayaa isku day inaad fiiro gaar ah siiso warbixin dhamaystiran raadino isbedelada siyaasada aduunkana aynu fahano intaanay mawjadaheedu ina qaadin mawduucyada doodaha noocan oo kale ahna hakula dul dhicin dhibaatooyinka noloshu keentay ee khilaafka u badan isku day in aynu is dawayno intaan cidkale dawo inoo raadin oo kiniin aan kiniinkii loo baahna ahayn laba laba u liq la ina aqbal siin aqoonyahan, indheergarad, oday dhaqameed,abwaan yaynaan kala dheerayn oo waraaqaha iyo iscumaamadinta buuqan dhalisay ina ogolaysiin kalinimada keentay is afgarasho la aanta baahsan ee ninba nin la yaaban yahay ilaahay khayrka ha ina waafajiyo amen amen

Naasir Aadan Guray Bhai Sacad Sheekh Muuse Ahmed Khaliif Tushaar Abdinaasir Osman Eng Mohamed Osman Nasir Osman Osman Mahamed DrMustaphe Mohamed Dualle Mohamed Hamud Marwa Shiekh Omer Fowsiyo Degan Mubruka Degan Bintu Omer Leila Haaji Marwo Nimcobintu Maxamuud Ibnu Sacad Eng Sacad Musawi Abdirahman Musa Abshir Husein Qurbawi Haji Omar Fardusa Farah Gadle Fardowsa Sh Hassan Kuriya

W/qoray Ahmedyasin sh cumar ahmed furre

Ahyasen216@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso