Daawo: Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka maamulka Puntland ayaa ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xidhay oo goor dhow ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka maamulka Puntland ayaa ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xidhay oo goor dhow ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Qaraxan ayaa dhacay xili gaariga xildhibaanku marayey agagaarka halka loo yaqaano xerada Daraawiishta ee woqooyiga magaalada Gaalkacyo sida wararku sheegayaan.

Xildhibaan C/qaadir Cali Faarax ayaa markii uu gaarigiisa la qarxay loola cararay isbitaalka magaalada Gaalkacyo halkaasoo lagu daweynayo xiligan, lama oga in dad kale wax ku noqden qaraxan.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanku qabo dhaawacyo culus oo ka soo gaaray qaraxa, inkastoo dhaqaatiirta la tacaaleysa ay wadaan dedaal ay ku badbaadinayaan.

Isla maanta ayey aheyd markii qarax sidan oo kale gaarigiisa loogu xiray uu ku dhaawacmay guddoomiyihii maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo, Al-shabaab ayaana inta badan sheegata qaraxyada noocan ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso