DAAWO:-Xoghayaha Duulista WADDANI oo Dhaliilahii ugu Adkaa Ku Ganay Wasiirka Duulista

Hargeysa(ToggaHerer):-Xoghayaha Duulista iyo Hawada Xisbiga WADDANI oo maanta la hadlaayey Warbaahinta, waxa uu soo bandhigay dhalliilo iyo fadeexado badan oo dul-hoganaaya wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland isaga oo carabka ku dhuftay in magaca Somaliya laga ga dhex shaqeeyo Madaarka Hargeysa, gaar ahaan xiliyada ay diyaaradahu soo degayaan.

Waxa kale oo uu farta ku fiiqay in ay jiraan lacago tira badan oo si qeyrul sharci ah loogga urursado dadka ka dhoofaya Madaarka Hargeysa.

Xoghayaha Duulista iyo Hawada Xisbiga WADDANI Md.Nuuradiin Diini oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, waxa uu tilmaamay in wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ay ku fashilantay shaqadii ay qaranka u haysay isaga oo wasiirka wasaaraddaas na ku sifeeyey in uu kala garan waayey shaqadii wasaaraddiisa iyo tii wasaaradda Gaashaandhiga.

Advertisement

Ku Xayeysiiso