Hambalyo Iyo Dardaaran Ku Socda Golaha Guurtida Xuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)

Maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2017, waxa ay golaha aqalka sare ee Somaliland (Guurti) ay soo saareen muddo-kordhin loo sameeyey golayaasha fulinta ‘Madaxtooyada’ oo ku eeg (13/12/2017), Sharci dajinta ‘Wakiillada’ oo iyaguna ku eeg 28-04-2019, Aqalka sare ‘Guurtida’ kuna eeg 28-04-2020 iyo golaha deegaanka oo iyagana loo qabtay illaa 28-04-2019.

Waxa ugu culus ee isha lagu hayey waxa uu ahaa muddo-kordhinta madaxtooyada, taas oo walaac badan laga qabay halka uu u dhici doonno, se waxa fallaadhi ka go’day qaranka, oo baahi weyn u qabay in doorashadu ayna dib-dhac weyni ku iman.

Golaha duqeyda, waxa aad doorkan fuliseen go’aan sharci ah oo bulshadu u baahnayd, go’aan baahi keentay oo xisbiyada qaranka iyo komishanku isku wada raacay, go’aan rajo gelinaya dhallinyarta, go’aan daneeyayaasha Somaliland u cuntami kara, maaddaama aynnu nahay qaran wali baahi u qaba gacan-qabashada beesha caalamka, waxa aad fuliseen go’aan dalka gabi ahaanba faa’ido u leh, taas oo ah mid aad hambalyo ku leedihiin.

Qarankan wali curdinka ah, aafooyinka ugu weyn ee haysta ayaa waxa ka mid ah muddo-koradhsiimo joogtooyin ahaa, qaran walibana waxa uu ku hirgalaa kuna hana-qaadaa ilaalinta shuruucda u taal, kobcinta nidaamka dowladnimo, hirgalinta iyo fulinta dastuurka, sidaa awgeed, muddo-koradhkani ha noqdo kii ugu dambeeyey ee ina soo mara.

Wax waliba in wakhtigeeda lagu ilaaliyo wax ay kaga qurux badantahay ma leh, qarankaa ku dhismaya, dadkaa ku imaan-qabaya, madaxweynahaa sharaf ku yeelanaya.

Dunidan horumarka gaadhay, doorasho dib-u-dhacda ma jirto, se waxa la helaa doorasho la soo horumariyo, taas oo ka timaad fashil-xukumadeed, se ma dhacdo in dib loo dhigo doorasho, oo madaxweyne wax ka badan afti dadweyne isaga fadhiyo. Sidaa daraaddeed, qaran ahaan waa in aynnu ka fikirnaa dib dambe in ayna u dhicin doorasho muddo dhaaf ah, waa in qaranku ka sii shaqeeyaa sidii looga sii gaashaaman lahaa wax kasta oo dib-u-dhac keeni kara.

Xukuumadda iman doontana, waa in xisaabta ay ku darsataa doorasho kastaa in wakhtiga loo qabtay ay ku qabsoontaa, oo garashada laga tirtiraa doorashooyin dib u dhaca oo lagu helo muddo-koradhsiimo.

Si weyn ayaa dhallinyarta iyo guud ahaan dadku uga niyad jabeen doorasho, taana waxa keensanaya wixii ay cadceedda u tubnaayeen markii la waayo. Qarankan, baahi weyn oo sharci ayuu qabaa, baahi ayuu u qabaa in hay’adaha dowladnimo laga shaqeysiiyo, baahi ayuu u qabaa in dib loo qiimeeyo jidka Somaliland haysaa waa jid noocee ah, baahi ayuu u qabaa caddaalad iyo horumar, sidaa darteed, waa in xukuumadda iman doontaa xoogga saartaa qiimayn dhab ah oo halka la joogo, waxa ina horyaal iyo halka loo socdo ah.

Xuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso