Eeg Gudaha: Halkee ayey Marysaa Loolankii loogu Jiray Golaha Wasiirada Cusub ee Raisal wasaare Khayre Soo dhisi doono … Yaa se Ku hirdamaaya Wasaaradaha Grade (A) Ee ugu muhiimsan Xukuumadiisa.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku jira wadatashiyadii ugu dambeeyay ee uu ku soo magacaabayo Golihiisa Wasiiradda cusub, kaasoo la filayo inay ka soo muuqdaan wajiyo cusub oo aan horay looga aqoon siyaasada Soomaaliya

Wada tashiyada oo ah kuwo aan kala go’ laheyn habeen iyo maalin ayaa la sheegayaa inuu heer gabo gabo ah uu marayo, maadaama wada tashiyada la xiriira Xukuumadda cusub uu soo socday ka hor inta aan Ra’iisul Wasaaraha la ansixin.

Liiska Golaha Wasiirada ayaa la hadal hayaa in qaarkood ay diyaarsan yihiin, waxaana durbaba soo shaac baxaya shaqsiyaad loolan ugu jira xilalka darajada sare ee Wasaaraddaha loo yaqaan (A), kaasoo ay isku garbinayaan Beelaha waa weyn.

Ra’iisul wasaaraha oo jadwalkiisa shaqo ka dhigtay maalinle , xilli wixii qaabilaad ah oo xildoonnada iyo shakhsiyaadka kale uu u weeciyay habeenkii.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sida dastuurku qabo waxaa laga sugayaa muddo 30 cisho gudaheeda inuu Golaha Shacabka ugu soo gudbiyo Xukuumaddiisa cusub si loogu qaado codka kalsoonida.

Xildhibaanno badan oo ka kala tirsan Aqalka sare iyo Aqalka hoose ayaa damac weyn ugu jira sidii ay uga soo muuqan lahaayeen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre , hayeeshee lama yaqaan in rajadooda ay u suuragali doonto.

Xusul duubka ugu weyn ayaa waxaa uu ka jira Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Arrimaha Dibadda, Amniga, Cadaaladda iyo Gaashaandhigga, oo ah Wasaaraddaha ugu miisaanka culus.

Waxaa suuqa soo gashay shax kala duwan oo ay ka koobnaan doonaan Golaha Wasiirada, waxaana la isla dhex marayaa in Golaha Wasiiradda ay noqon doonaan kuwo ka badan Golihii hore, iyadoo wararku sheegayaan in Golaha Wasiirada ay u dhaxeyn doonaan 20 illaa 30 Wasiir.

Arrinta ugu weyn ee aad loo hadal haayo ayaa ah in Wasiiradaha ugu muhiimsan ee Xukuumadda aanay ku soo bixi doono xubno ka tirsan Baarlamaanka, waxaana Wasaaradahaas laga yaabaa in laga keeno banaan Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa inay jiri doonaan Wasaarado cusub oo lagu soo kordhin doono Xukuumadda iyo Wasaarado la kala qaadi doono oo ah kuwo iminka is dul-saaran.

Saaxibada Madaxweyne Farmaajo ayay u badan tahay inay ka soo muuqdaan Golaha Wasiirada cusub, maadaama Madaxweynuhu uu horay balan-qaad ugu sameeyay markii uu Ololaha ku jiray.

Qaar ka mid ah Golihii Wasiirada hore ayaa iyana macquul ah inay dib u soo laabtaan, waxaana qaarkood ay yihiin kuwo aad ugu dhowaa Madaxweynihii hore.

Aragtida cusub ee laga yaabo in Dowladda Madaxweyne Farmaajo soo kordhiso ayaa ah in aan dhici doonin qof labo xil la isku haaya, sida qof Xildhibaan ah inuu noqdo Wasiir.

Xukuumadda cusub ayaa laga yaaba inay ku yaraadaan Xildhibaanada Baarlamaanka, bedelkii Xukuumadihii hore ay ku badnaayeen, waxaana dad badan ay su’aal gelinayaan sida ay kalsoonida Baarlamaanka ku heli doonto, maadaama ay jiraan Xildhibaano waligood aan iska dhex waayin Golaha Wasiiradda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso