Muddo Kordhintee Munaasib Ah…Qor: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Muddo Kordhintee Munaasib Ah…Qor: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Alle weyne koreeye waxaan ka baryayaa inuu inoo barwaaqeeyo geyigeena abaartana uu inaga kor qaado Allow noo naxariiso adoomahaagoo gafaan nehee Aamiin Aamiin.

Maqaal Curiskeena maanta waxaan ku soo qaadanaynaa faalo kooban oo kusaabsan muddo kordhinta loo baahan yahay hadda ee macquulka ah.

Miiska golaha guurtida waxaa saraan doodii muddo kordhinta oo loo gudbiyay siay waa jibaad kooda qarran uga gutaan iyada oo ay horre ugu muddo kordhiyeen xukuumadan kulmiye. Iyada oo la ogyahay inay tahay dhaawac soo gaadhaya dimuqraadiyadeena iyo dalalkii reer galbeed ee ina siinayay dhaqaalaha ayaa haddana waxaa meesha taala arimaheena gudaha oo aanay marna xukumi karrin kana hadli karrin cid aan inaga ahayni. Sidaa darteed bal aynu eegno muddo kordhinta inagu munaasib ah xaalada hadda aynu ku jirno marka la fiiriyo dhinacyo badan oo waaqica ah.

Haddaba Duruufaha Jirra Waxaa Kamid Ah :

1. Dhanka Xisbiyada

2. Bulshada

3. Abaaraha Iyo Kuwo Kale

Si faaqidaad ah aan mid mid usoo qaadno qodobadaasi kadibna ugalno midda muddo kordhin ah ee inagu haboon xiligan.

1. Dhanka Xisbiyada

Siyaasiyan xisbiyada somailand waa daasado madhan oo garaacmaya taas macnaheedu waa bilaa yool wax hadaf ahna majirro oo dalka iyo dadka loo hayaa marka laga reebo kursidoon inla wada yahay iyada oo dalka abaar baahsan ka jirto ayaa maalin walba xaflad iyo safari dhacaan dhaqaale lagu duminayo waana cadaymaha cida bilaa qorsheha ah xiliyada ay joogtana aan kala aqoon.

Xisbiyadeenu maaha kuwo hadda diyaar u ah doorasho cad oo samata bixinaysa xaaladaha adage ee lagu jirro , mana jirro xisbi bedeli karra hanaanka adage ee hadda keenina karra barwaaqo iyo nolol balaadhan Alle hayna siiyee wax rajjo ahna ma muuqato cidna weli ismay sharaxin oo ma odhan qorshehan baanu haynaa ee dadkoow nagula xisaabtama taa bedelkeeda waxay ku jirraan xaalado kale oo kala gur iyo kala qaybin bulsheed ah.

Iyada oo aanay dhamaantood xisbiyada waxba u diyaarsanayn haddana Ucid iyo Waddani waa qabyo weyn dhexdoodana mushkilado ayaa ka jirra haday tahay dhanka musharaxiin doorashada ucid iyo tan waddani ee dhismaha xisbiga ee isjiidadka iyo is haysadka ah labadoodaba dan ua ah doorasho.

Kulmiye waa iska fadhfadhle wax han ahna mahayaan keliya waxay ku faanan waxbaanu qabanay laakiin weli may odhan qorshehan baanu ku loolan gelaynaa iyaga dantoodu waa inta dalku kala tagsanyahay abaaraha sidookale xisbiyadana dhexdooda murugsanyihiin doorashada galla oo hela kursiga waa u jeedka keliya ee kulmiye. Sidaa darteed marhadii aan cidna ku riyoonayn nolol tan ka fiican kana sheekaynayn waxaa laodhan karaa xisbiyada qudhadoodu waxba mahayaan.

2. Dhanka Bulshada

Majirto cid bulsho ah oo taageersan doorasho waayo cidna kuma qanacsana hanaanka sadexda xisbi wax uwadaan kuna halgamayaan sidaa darteeda dadka waxaa umuuqata bilaa jiho in layahay.

Bulshadu waxay kujirtaa xaalado degdeg ah gurmad balaadhana aan haysan waxkastaana hadda gabaabsi yihiin Alle haynoo gurmadee.

Bulshadu waxay ka daashay doorasho marba dib udhacda marka laqabtana aan rajjo iyo yididiilo wadan hogaan kastaana uu noqdo wax matare. Markaad dadka dhex eegto cidna uma jeedo olole iyo qaylo ee qofkastaaba wuxuu sugayaa inta la helaayo cid rajjo la timaada.

3. Abaaraha Iyo kuwo kale

Ciladan abaarta iyo roob waaga ayaa hadda inoogu darran ahna dhibaatooyinka ugu weyn ee inahaysta iyada oo dadkeenii filiqsanyihiin galbeed ilaa barri , cidkastaana deegaankeedii ka huleeshay kana hayaantay sidoo kale waxaa meesha kabaxay meesinkii xoolaha ee lagu noolaa dhaqaale iyo dhuuqmaba markii yana ay xidhantay dhoofkii xoolaha.

ü Waxaa jirta culayska hadda ee gobolka geeska afrika oodhan saraan marka laga eego dhanka amaanka iyo xasiloonida sidoo kale heshiisyada culayska iyo adayga leh ee aynu galnay ayaa iyagauna saamayntooda inagu leh.

ü Waxaa iyana jirta habacsanaan dhanka komishanka doorashooyinka ah oo aan ilaa hadda wax kaadhadh ah qaybin ilaa meelaha qaar aan kii dhalashadaba laga wada qaadan, komishanku waa koox aad u tabaryar hawl badana aan qaban ilaa hadda laydhsi bay kujiraan.

ü Waxaa sidoo kale jirta wadahadalka khaatumo oo loo baahanyahay in laga guul gaadho si wax layskugu ogaado cadaan ah taas oo qasbaysa inay ka qayb noqdaan doorashooyinka hadiiba wax loo ogolyahay heshiiskana halkaa la amriyo si loo helo dad mid ah oo meel usocda wax wadaagna ah.

Hadii aan inahaa ku eekayno duruufaha iyo arimaha jirra ee riixaya hawlo badan waxyaabo badana aan suuro gal ka dhigayn aynu u baydho dhanka muddo kordhintee inagu munaasib ah.

Muddo kordhinta inagu munaasib ka ah waxaa qabsab ah in la helo wakhti lagu qabto hawlahan sidoo kale lagaga baxo xaaladan adag waana mid noqonaysa muddo wakhti dheer ah ugu yaraana gaadhaysa 1 sanno ilaa 1 sanno iyo 8 bilood , waa wakhti kordhinta keliya ee ugu saxan lagagana bixi karro dhamaan hawlahan oodhan hadii Alle inoo rumeeyo.

Wakhtiga yar wuxuu keenayaa dib isu qabad iyo hawlaha duruufeed oo aan lawada dhamaystirin waxna laga qaban in haddana la gaadho doorashada wakhtigeeda.

………Wabilaahi Tawfiiq……

W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan
Abwaan Dareen Cabirre Ah
Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha
Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan
Kafaalooda Arimaha bulshada
siyaasada Somalida Iyo Caalamka
Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah
Dhexdhexaad Xeer-beegti ah
Xil Guudna Sidda.

Email: Ismail1234921@gmail.com
Mob: +25263 409 48 55

Advertisement

Ku Xayeysiiso