Hambalyo Xukumada S/land xubnaha shisheye ee ay dalka ka caydhisay.

Asalama calaykum Bulshada iyo Mareegaha warbaahinta.

Sida aynu warbaahinta dalka guud ahaan kala soconay maalmahan,Xukumadda S/land ayaa dalka ka caydhisay laba shaqsi oo shisheeye ah isla markaas ka mid ahaa shaqaalaha Hayadaha dalka ku sugan.

Waxaa xukumada S/land,gaar ahaan Wasirka Wasaarada Qorshaynta mudane Qaybo-tire sababata ku sheegay in ay ku kaceeno labadan shaqsi falal ku liddi ah Diinteena iyo in ay ku gefeen shaqsiyaad muwaadinin S/land u dhashay. Run ahaan talaabadan ayaa ah mid ay soo dhowaysay guud ahaan bulshadeenu. Waana talaabo qiimo badan oo Xukumada S/land ku mutaysatay tahay hambalyo iyo boogaadin. Si gaar ah Wasiika Qorshaynta mudane Qabyo tire oo aan odhan karo asaga ayaa ku dhiiraday ficilkan suuban.

Waa talaabo iyo ficilo aan bulshadu uga baranin Xukumadan iyo kuwii ka horeeyey toona. Taasi awgeed, waxaa aynu leenahay hambalyo,hambalyo. Waxaana aynu u rejaynaynaa xukumaddu in aanay u tudhin,una habranin cid kastta oo ku xad-gudubta Diinteena,dhaqankeena, karaamada iyo sharafta muwaadiniinta dalka iyada oo aan lagu xad gudbaynin cidna balse waajibkeeda la marinaayo.
Haji Mohamed Adam.
Hargeisa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso