Madaxwyene Silaanyo oo dhex lugaynaya London + Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu caawa bookhday suuqa weyn ee shopping centre ee Westfield shopping centre ee galbeddka London waxaanu fadhiistey kana xaqweeyey coffee shop ku yaal oo ay ku sugnaayeen qaar ka mida jaalliyadda reer London oo fadhiyay halkaasi. Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Xoghayaha gaarka ha ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada Mudane Khadar Cali Gaas.

Madaxweynaha oo ku guda jira fasixiisi sanad laha ahaa ee uu dalka Uk ku soo qaadan jiray, ayuu ku gurada jira, waxaanu caawa si kedis ah uga dhex toosay suuqyada Shopping Centre oo uu madaxweynuhu kula caweeyey Jaaliyada reer Somaliland ee halkaasi ku sugnayd caawa oo iyagu nasiib u yeeshay inay arkaan madaxweynihii qaranka Somaliland oo lugaynaya suuqyada waa weyn ee dalkani london.

Advertisement

Ku Xayeysiiso