Suxufiga iyo saxaafada madaxa banaan

Suxufiga iyo saxaafada madaxabanaan
Muwaadin dalkan jamhuuriyada Somaliland tan iyo intii saxaafadiisu raad baratay waxa caado noqotay xukuumada iyo suxufiyiintu inay noqdeen mudac mudac ku tag.
Hadaba marka aynu ka hadlayno saxaafada madaxa banaan waxaynu u jeednaa:
1.Saxaafada oo ah qalabka adeegsiga ha ahaato jariirad,tv,radio,
Websites iwm.Waana hay’ad ganacsi oo ogolaansho xukuumada
ka haysata.Waxaanay u kala baxaan 2ba qaybood:
a)Saxaafada madaxa banaan ee waddanka laga leeyahay.
b)Saxaafada shisheeye oo dibada laga leeyahay.
2.Suxufiyiinta waa shaqaalaha ka shaqeeya saxaafada.

Markay sidaa tahay waxaynu ognahay dastuurku inuu xoriyad buuxda siiyay saxaafada madaxa banaan balse aanu waxba ka odhan ama cadayn xoriyada suxufiyiinta.Waxa halkaa ay kala mid yahiin xoriyada muwaadinku u leeyahay fikirkiisa iyo aragtidiisa oo uu ku soo bandhigi karo saxaafada noocyadeeda kala duwan.
Waxa hadaba meesha ka maqan xeerkii xakamayn lahaa ama xeerkii la horkeeni lahaa marka suxufigu qaldamo ama qalad dalka ka galo iyo maxkamada la hor gayn lahaa.Dadka qaarna u yaqaanaan anshax marinta.Taasi waxay keentay mar kasta oo ay xukuumadu suxufi xidhi.Xadhigaasi ha ahaado mid xaq loogu leeyahay ama aan loogu lahayn,ha ahaado mid sifo sharci ah lagu xidhay ama sifo sharci darro ah lagu xidhay.Xeer la’aanta anshax marinta suxufiyiintu waa ta mar kasta keenta muranka soo noqnoday.
Waxa kale oo aan doonayaa inaan xuso xeerka saxaafada ee qabyada ah welina aanay golaha wakiiladu ansaxin waa mid ka madhan qodobadii anshax marintu marka suxufigu denbi galo ilayn waa aadamiye.Waxa Iyana ka maqan xeerka lagu qaadi lahaa,waana ta keentay marna in loo adeegsado xeerka ciqaabta,marna ka madinga ah.
Waxa iyana caado noqotay suxufiyiinta qaar ka mid ah inay qoraan waxay doonaan oo ay adeegsadaan weedho nusqaan ku ah qaranimada jamhuuriyada Somaliland ama weedho meeshaba ka saaraya jamhuuriyada Somaliland inay tahay dal madaxbanaan.Tusaale:
Weedhaha aan ku arko jaraaidka qaar ka mid ah oo ay qabatimeen muwaadin bal ila eeg:
Dawlada Puntland waxay dawlada Somaliland gacanta ka soo gelisay 4maxbuus.Waxay simeen maamul goboleed ka tirsan federal ku sheegga Somaliya iyo Jamhuuriyada Somaliland!!! Halkay ka odhan lahaayeen Jamhuuriyada Somaliland iyo federalka Somaliya gobolka Puntland.
Suxufiga sidaa qoraya ee muwaadinka ahi ma ka garasho la’aan baa mise waa badheedh uu qalbigiisu raacsanyahay midnimada goblantay.Anigu waxa aan u arkaa inuu denbi ku jiro.
Xataa weriyaasha muwaadiniyiinta ah ee wararka ka sheega tv-yada dalka waxay u dhigaan sidii oo ay jamhuuriyada Somaliland tahay gobol ka mid ah kuwan laynagu salliday ee weli inaga daba qaaq leh.Waxaanay si fudud isagaga dhawaaqaan wefti ka socda Somaliland ayaa manta u anba-baxay…tanina waxay ka tarjumaysaa gobol.Tanina anigu waxaan u arkaa inay tahay denbi qaran.
Markaa maaha gudoomiyaha suxufiyiintu inuu mar walba ku doodo denbi may gelin ee xaqdarro ayaa lagu xidhay. Suxufigu kama duwana muwaadin kale oo denbi galay.
Waxan soo jeedinayaa:
1.Xeerka saxaafada in la qabyo tiro,laguna daro qodobadii anshax
Marinta.
2.Inta la qabyo tirayo suxufiyiinta haday cid ka tirsani denbi gasho
Ha lagu qaado xeerka madaniga.
3.Xeerka ciqaabta guud ha laalo,xeer dalku leeyahayna waa in si
Dhakhso ah loo diyaariyaa.

Allaa Mahad leh
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso