Waa maxay sababta ku keliftay in Jaaliyadda Somaliland ee UK ku Mudaaharaadaan Safaarada UAE ee London . qalinkii A/rahman fidhinle UK

1- Waxaa Shacabka JSL indhahooda ku daawadeen Afduubkii qorsheysnaa ee ka dhacay fadhigii wada jirka ahaa ee labada Gole ku ansixiyeen Saldhiga Berbera Axadii 12/2/2017 fadhigaas oo baabiiyey shuruucdii iyo dimuqraadiyadii dawladnimada Somaliland ku fadhiday.

2- Waxaa fadhigaasi meesha ka saartay Wada-Tashigii, Talo-Wadaagii, is-qancintii, Isu-Tanaasulkii iyo dhaxalkii Awoowyaasheen ee Somaliland ku soo Caano Maashay mudada dheer. Waxaa Golihii Baarlamaanka la keenay Dumar durbaano iyo mashxarad isku daray, waxaana golihii loo bedelay Hanuunin laga Guul-wadeeyo oo Durbaano laga tumo.

3- Waxaa Meesha ka dhacay sharci-jebin, Tacadi, jujuub iyo Garbo-duub, Waxaa dhacday Khiyaayo Qaran oo Qayrul-sharci ah taa soo laga maroorsaday shaqadii Gudoomiyihii Baarlamaanka iyo Wasiiradii Xaqa u-lahaa heshiiska Saldhiga si ay unaaqishaan oo ummadda u qanciyaan. Wuxuu ahaa Heshiis xaraan ah oo qarsoodi ah oo ku Saleysan danaysi gaar ah oo kooxi wadatey.

4- Waxaa shacabka u cadaatay in go’aan qaadashada Xukuumada Siilaanyo ku salaysan tahay oo keliya danaha koox yar oo gaar ah ee aanay ku saleysneyn masiirka shacab weynaha reer Somaliland. Waxana Xukuumadu Xildhibaanadii ku khasabtay in ay noqdaan xildhibaano darban oo dalabka ku shaqeeya oo calooshooda oo keliya ka wakiil ah ee aan ummadda ka wakiil aheyn

5- Waxaa Goobta la keenay muu aheyn heshiis laba dhinac ah ee wuxuu uu ahaa qoraal soo jeedin ah oo Xukuumada ku kooban oo 15 qodob ah, kaas oo si afduub ah oo jujuub ah loo marsiiyey Golahii oo lacag hore loogu sii qaybiyey oo la sii mustafeysiiyey.

6- Waxay aheyd in 15-ka qodob ee heshiiska si miyir qabta goleyaasha loogu soo ban dhigo lana siiyo waqti ay ku akhriyaan kuna naaqishaan, kadibna iyaga oo aan waxba kala jiidanayn si miyir qabta uga dooda oo fikrado iyo su’aalo caafimaad qaba iska weydiiya taasina nasiib daro may dhicin ee waxaa dhacday afduub iyo car-juuq dheh iyo ” Waar Bax.. iyo Saara ”

7- Waxaa dhacday jujuub, Cabudhin, Cago jugleyn iyo in xildhibaanadii oo aan iyagu hubeysneyn in askar lagu dalbado oo dadka hortooda lagu jidh dilo oo lagu jiid-jiido oo Garbo-duub lagaga Saaro golaha.

8-Xildhibaanadu waxay mudan yihiin dhowrsanaan oo waxay leeyihiin xoriyatal-qowl iyo xuquuq aasaasi ah waxaana ay huwan yihiin xasaanadii iyo karaamadii laguu soo doortay ee ay shacabka ku metelayeen.

9- 15-ka Qodob ee meesha la keenay waxaa soo dhoob-dhoobay oo ay ku kooban tahay oo keliya Xukuumada Siilaanyo, maadaama aanay ku qorneyn dadkii Saxeexay, kumana qeexna baaxada dhulka Saldhigu yeelanaayo, kuma qeexna lacagta kirada lagu bixinaayo, kuma qeexna Baaxada Dekeda laga siinaayo Xeebta awliyo koonbo. Kuma qeexna hadii khilaaf yimaado oo London laysla tago shacigii iyo qodobadii la isu adeegsan lahaa ee lagu kala bixi lahaa.

10- Mashaariicda kuwada qoran Warqada heshiis ku sheega waa ” cowsleh la soo muuseeyey oo waa ( Duplicate ) oo waa kuwii ku qornaa heshiiskii hore ee shirkada DPWorld ay hore Somaliland ugu balan qaaday.

11- Waxaa wax garadka reer Somaliland isku wada raaceen in aanu heshiiskani salka ku hayn marna Danaha iyo Masiirka Shacabka reer Somaliland ee uu ku saleynsan yahay oo keliya dano gaar ah oo kooxda yari wadato.

12- Maanta wixii mood, magan, iyo maal shacabka Somaliland lahaayeen una soo dagaalameen ayaa shaqsiyaad kooban oo aan la mahadin ay maalin cad jeebkooda ku shubteen ku waas oo isku koobaya iyagu dhaxalkii iyo dhitadii ubadka reer Somaliland ku noolaan lahaayeen mustaqbalka.

13 – Saldhigu sidiisaba ma aha Maalgelin ee Waa Dagaal gelin, Dalkeenana waxaa lagaga duulayaa dalka Yaman oo muslin ah oo aynu deris nahay oo aan waxba inaga galabsan waana xaqdaro in dal aad ka nabad gashay iskaga duusho.

14- Xukuumada marna Laga yeeli maayo in dhul 70 Km oo isku wareeg ah oo loo maray dariiq khalad ah in la siiyo dal aan ina ictiraafsaneyn oo aan Safaarad inagu laheyn oo aaney u joogin masuuliyiin melateriga ku xeel dheer oo ” military attach ” ah.

15- Imaaraatku hadii Layna soo weeraro inama difaaci karaan oo iyagaa la difaacaa oo Mareykanku dusha ka ilaaliyaa. Sideedaba Ciidamada melateriga ah Hubkoodu waa Chemical iyo Raido Active ee yaa inaga baadhaya oo inaga Xakamaynaaya waxyeelada hubkooda iyo suntooda ay ciideena ku aasayaan.

16- Xuutiyuunta Yamantu waxay haystaan Gantaalaha ( Aliskandar ) oo 800 KM wax ka dila kuwaas oo ay dhawaan dalka Sucuudiga iyo maraakiibtooda bada cas maraya ku weerareen ee yaa inaga Difaacaya dal ahaan hadii ay ina soo wareeraraan.

17- Hadii Dagaal dhaco Maraakiibta Xamuulku way iswada taagayaan oo waynu gaajoonaynaa ileyn Dal iyo Dekedba waynagaa Imaaraatka ku wareejinee karaamadii iyo quwadii dawaldnimada Somaliland iyana way wiiqmaysaa.

18- imaaraatku dan weyn bay leeyihiin oo waxay doonayaan in ay shirkadooda DPW- Berbera Port ku ilaashadaan, Waxay donayaan in ay Xoog iyo sumcad ku yeeshaan Badda Cas iyo Dha-dhaqaaqa Marin biyoodka Gacanka Cadmeed ee Somaliland Maxaa dan iyo duunyo buuran ugu jirta Wareejinta Saldhiga Berber ? Meeday Danteenii iyo ictiraafkeenii ? !

19- Heshiiska kuma cada labadii dhinac ee uu dhex maray,Heshiis saxeexan oo laba dhinac ah oo dhameystiran meesha lama keenin. Wasiirkii saxeexi lahaa wuu ka dayriyey oo wuxuu yidhi “saxeexi maayo waxaan faa’ido ummada ulaheyn”Waana Heshiis aan jirin oo sife aan sharciga waafaqsanayn golaha loo marsiiyey,Waana talaabo Khaldan oo jujuub ah oo Dollar urursi ah oo aduunka laga wada daawaday fadeexadii goobta ka dhacday.

20-Nuxurka heshiis ku sheegu wuxuu leeyahay “Kirada Somaliland waxay uqaadanaysaa Mashaariic Horumarineed” sida ( dhismaha waddada Berbera Corridor, horumarinta Tamarta , korontada,Caafimadka iyo Waxbarashada ) dhamaan Mashaariicdaasi ma qeexna, ma mudeysana mana qiimeysna. lacagta kirada ee Saldhiguna ma cada.

21- Ciidamada imaaraatku boqolkiiba 70 % waa ajaanib calooshooda ushaqeysteyaal ah oo awood aynu iskaga kicino ma lihin dal ahaana Safaarad aynu uga dacwoono inaguma laha, waxaana ay weerarayaan cidii ay cadow u arkaa mar walba.

22-Si kastaba ha ahaatee heshiiskaa ama shirqoolkaa xukumadda iyo labada gole wateen wuxuu noqday arrin shicibku liqi kari waayay ama lagu tilmaami karo khiyaamo dadweyne oo taariikhda ku gali doona sanadkii dimuqraadiyada Somaliland kuftay ee la kufsaday.

Gebo Gebo: Maadaama Xukuumada Siilaanyo ka leexatay dariiqii saxa ahaa ee sharciga ahaa oo aanay Danta iyo Dareenka shacabka ku shaqeyneyn Waxaa shacabka reer Somaliland aanu leenahay ka dhiidhiya Saldhiga Berbera oo dareenkiina iyo Dadnimadiina cod dheer oo mug leh ku muujiya idinka oo nabadgelyadiina ilaashanaaya.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom

Advertisement

Ku Xayeysiiso