Farmaajo Iyo Socdaalkiisii Sucuudiga .By : Eng Sayid Cali “Sayidka-Qaranka”

FARMAAJO iyo SOCDAALKIISII Sacuudugi.

Socdaalkii FRMAAJO ee uu ku tegay Sacuudiga waxuu daarnaa Somalilandersku aad ha igu fiirsadaan.

Weynu ognahay oo waayadan dambe HADALHAYN badan ayaa ka jirtay DEKEDDA iyo MADAARKA Berbera.

Taasi waxay keentay SOMALILAND oo SHAASHADDII Caalamka soo gasha iyo DAWLADAHA JAARKA oo si gaara ula socda(Somalia, Jabuuti iyo Itoobiya).

Adduunku waxuu gelayaa sida la saadaalinaayo DHAQAALE BURUR(RECESSION).

SOMALILAND tiiyoo danteeda raacaysa waxay doorbiday Dhaqaale ahaan inay ku tiirsato IMAARAADKA(UAE) oo ay kirayso DEKADDA iyo MADAARKAB.

IMAARAADKU ayaguna waxay rabaan in SOMALILAND ay ku tiirsadaan si ay u ilaashadaan GANACSIGOODA maraaya Badda Cas iyo SURINKA Babul Mandab.

SOMALIYA waxay arkaysaa SOMALILAND oo Dhaqaale adag yeelataa inay si rasmi ah u go’ ayso.

Waata FADHIGA ka kicisay FARNAAJO.

Waa inuu HORQABATEEYAA si aan qalinka loogu duugin HESHIISKAA.

Waxuu door biday SACUUDIGA oo Dawladaha Khaliijka ugu weyn inuu la kaashado sidii ay baajin lahaayeen inaan marnaba Qalinka lagu duugin HESHIISKA u socda Somaliland iyo Imaaraadka(UAE).

Sacuudiga laftiisu culays badan ayaa ka saaran Dafaalka YEMEN ka socda. Waxaanu Saldhigyo ka samaystay Cereteriya(Eriteria) iyo Jabuuti.
Dawladaha Xulufadiisa ah sida Imaaraadka waxuu ku Dhiiri geliyey inay ayaguna SALDHIYO samaystaan si Iiraan iyo Xuutiyiinta loola socdo dhaqdhaqaaqooda Badda.

Socdaalkii FARMAAJO waxaa loo arkaa inuu ku soo gabagaboobay in la yidhaa Faraha kala bax arrinka Saldhiga waxaana loogu balan qaaday mucaawino dhaqaale oo dhan walba ah.

IMAARAADKA laftigoodu way jeclaayeen in FARMAAJO loo yeedho si aanu u FARAGELIN HESHIISKA dhex maraaya iyaga iyo SOMALILAND.

Zayedka Qaranka Somaliland( Eng. Zayed Ali Mohammed Elmi)

Advertisement

Ku Xayeysiiso