Fariin nasteexo ah: Qalinkii :Maxamed Yusuf Bidhiidh Badda

Fariin nasteexo ah:

Maxamed Cabdillahi Farmaajow, Waxaan ahay nin Somali ah oo u dhashay wadanka aad jaarka tihiin ee Somaliland. Kaaga warami maayo, kuna bari maayo wadankaa oo waad taqaanaa, waanad ka dharagsantahay waxa uu galo iyo waxa uu guddoba. Balse horta Alle ha kula sakhiro xilka ay dadka wadankaagu kuu dhiibteen, xaqana ha ku garansiiyo.

Ducadaa ka sokow. Somaliland sidaad ogtahayba 60 sanno ka hor bay raadisay Somali weyn in la helo, geed dheer iyo mid gaabanba wey u fuushay, khasaare naf iyo maal ah oo fara badana wey ku weyday. Taana waad ogtahay oo aad ka dharagsan tahay oo adigaaba qayb ka ahaa oo markhaati ka ah. Maantana jacayl ay qoomiyada Somali, meeshay doonto ha joogtee ,ay u qabto ayay Somaliland garatay in geeska afrika oo laga helaa sedex wadan oo Somaliyeed oo jaar ahi ay tahay sida ugu fiican ee danta u ah qoomiyada Somaliyeed.Taana waad ogtahay oo waad ka dharagsan tahay.

Tan Somalinimada iyo Jacaylkaad sheegtay in aad idinku u qabtaana Maxamedow aan ku yara xasuusiyee, berri baa China abaar xumi ka dhacday, oo dad iyo duunyaba madhisay,.Nin shan caruura lahaa oo hooyadiina la noolayd oo deganaankaa abaaruhu naafeeyeen deganaa ayay gaajo iyo haraad talo jiq ku noqotay isaga iyo caruurtiiba. Bal iyaba waa aduunyee wuxuu ka badin waayay ninkii in ama caruurtu gaajo uga bakhtido ama ay ayooydood(Hooyadii) oo iska da’a ahayd ay cunaan oo uu caruurtii u qalo, sidiina wuu yeelay, oo hooyadii wey iska cuneen xanuun kasta oo ay ku lahayd.

Maxamadow markii abaartii laga soo doogay, ayaa ninkii asxaabtiistii ka yaabeen ninkan laf yar oo uu qoorta sudhay uun dhunkanaya mar kasta, way waydiiyeen oo warsadeen ” Ninyahow laftan aad qoorta ku xidhan tahay ee markasta dhunkataa maxay ahayd” Intuu is hayn kari waayay buu yidhi” Waa hooyaday oo aan aad u jecelahay oo aanu berigii abaartii cunay, lafteedii”.

Maxamedow waad i garaty sheekadu halkay u socotee hooyadeen Somali idinkaa qashay oo cunay, laftiina waydigaa qoorta ku sita ee kolba dhunkanaya ee ku ooyaya Somaliyeey…Ee walaalow wadankaaga wax u qabo ,qabyo badan baa kuu taalee, wadamada kale ee jaarkaagana dheef mooyee dhib ha ula tagin, adigooy wax walbaa maanta qabyo kaa yihiin.Waa nasteexo walaaltinimo iyo islaamnimaba ahe Alle ha ku garansiiyo.

Qalinkii :Maxamed Yusuf Bidhiidh Badda

Advertisement

Ku Xayeysiiso