Garabkii Haweenka ee Xisbiga WADDANI u Qaabilsanaa Gobolka Awdal iyo Haldoor kale oo ku Biiray KULMIYE

Boorama ( ToggaHerer)-Xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey garabkii haweenka xisbiga WADDANI ku lahaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal iyo saraakiil kale oo xisbigaas ka tirsanaa, kuwaas oo si rasmi ah ugu soo biiray KULMIYE.

Munaasibad ballaadhan oo soo dhaweynta Garabka Haweenka WADDANI iyo saraakiisha kale ee xisbigaasi ka soo baxay oo lagu qabtay huteelka Haldoor ee magaalada Boorama maanta, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, saraakiil sarsare oo xisbiga KULMIYE ka tirsan oo ay ka mid yihiin Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Cabdikariin Axmed Xinif, Axmed Muumin Seed, Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) Cali Axmed Cali (Cali Caliyow), xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, xubno haween ah oo ay hoggaaminaysay Marwada labaaad ee Qaranka Marwo Raxma Xaaaji Muxumed Suldaan, salaadiin, madaxdhaqameed iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo soo dhaweyn ah, iyadoo xubnaha cusub ee xisbiga ku soo biiray ku soo bandhigeen asbaabihii ay ku doorteen KULMIYE, isla markaana iyaga lagu bogaadinayey.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal Md. Axmed Ismaaciil iyo Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga ee gobolka Marwo Hibo Maxamed Cismaan, ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey xubnahan cusub oo ay tilmaameen inay laf-dhabar u ahaayeen dhigooda WADDANI, waxaanay isku raaceen inay masuuliyiintani taageero muruq iyo maalba leh ku soo kordhin doonaan xisbiga oo qayb libaax ka qaadan doonaan guul uu ka soo hooyo doorashooyinka soo socda.

Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee xisbiga WADDANI ee Gobolka Awdal Marwo Sahra Cilmi oo hoggaaminaysay labeenta Gobolka Awdal ee la midowday xisbal-xaakimka KULMIYE, ayaa xustay tacabkii ay galiyeen xisbiga WADDANI oo ay ka soo bilaabeen meel aanay waxba jirin, balse waxay ayaan-darro ku tilmaantay in loo aqoonsanwaayey kadib markii uu xisbigaasi caddaalad-darro ku sameeyey,  waxaanay tidhi, “Annagu WADDANI baanu ahayn, laakiin markii shirkii Golaha Dhexe la gaadhay ayey nagu dhacday caddaalad-darro weyni, waanu la joogi kariweynay ninka laba qoys oo walaalo ah iska horkeenay ee midna yidhi Laan-gaab baad tahay, midna yidhi Laan-dheeraad tahay, miyeynu kaas codkeena siin karnaa, cadaalad baana dadka deeqda oo aannu KULMIYE ka doonaynaa.”

Khadra Cali Libaax, Khadra Cismaan Cumar iyo Khadra Cismaan Ducaale oo iyaguna ka mid ahaa saraakiisha garabka Haweenka ee xisbiga WADDANI u qaabilsanaa Gobolka Awdal oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sheegay inay taageeradoodii ku biiriyeen xisbiga KULMIYE, waxaanay taageerayaashooda ugu baaqeen inay hiilkooda la ogaadaan xisbal-xaakimka KULMIYE, isla markaana ka baqooleen xisbigii ay muddada dheer ka soo tirsanaayeen ee WADDANI.

Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee xisbiga WADDANI ee Gobolka Awdal Md. Maxamed Faarax Ojar iyo Maxamed Cumar Sheekh Ibraahim (Hayne) oo labaduba ka mid ahaa saraakiisha ku biirtay xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay inay sahan dheer oo ay galeen ku qanceen inay ku biiraan KULMIYE, isla markaana la dhaceen waxqabadka xukuumadda KULMIYE ka dhalatay ka muujisay gobollada iyo degmooyinka dalka, waxaanay tilmaameen inay si hufan ula shaqayn doonaan xisbiga iyo hoggaankiisaba.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay in bulshada xoogeedu ku qulqulayo xibsiga KULMIYE, waxaannu intaas ku daray in waxqabadka xukuumadda iyo hawlkarnimada hoggaanka xisbigu sabab u yihiin taageerada iyo cudduda ballaadhan ee xisbigu helayo, “Soomaalidu waxay tidhaahdaa biyo meel godan uun bay isugu tagaan, dadkuna waxay iskugu tageen xisbiga KULMIYE, taasna waxa sababteeda leh waxqabadka xukuumadda iyo hoggaanka xisbiga oo jaanta isla helay,” ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Samatar.

Sidoo kale, Suldaan Axmed Suldaan Cilmi Kabaal, Suldaan Cabdi Daahir Gaboobe iyo Chief Caaqil Faarax Muuse Ciiq, ayaa bogaadiyey xubnaha  cusub ee hore hoggaanka gooblka uga ahaa WADDANI, balse xilligan ku biiray KULMIYE, waxaanay ku dhiirrgeliyeen inay qayb ka qaataan xawaaraha dheeraynaya ee uu ku soconayo xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Md. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Maayarka degmada Boorama Md. Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa iyaguna soo dhaweeyey xubnaha cusub ee xisbiga KULMIYE ku soo biiray, si gaar ahna waxay u tilmaameen miisaankii masuuliyiinta iyo siyaasiyiintani ku lahaayeen WADDANI.

Xoghayaha Abaabulka xisbiga KULMIYE Mr. Cabdikariin Axmed Xinif, ayaa eedo culus u jeediyey xisbiga WADDANI ee ay xubnahan cusubi ka soo digo rogteen, isla markaana waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE yahay xisbi gaamuray oo qaan-gaadh ah oo leh sees adag oo uu dhisay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaannu yidhi, “Xisbiga WADDANI waa xisbi layli ah oo haddii Haamaha la saaro markiiba la didaya, xisbiga KULMIYE-na waa hayin biyo ma-daadshe ah oo ka soo kabtay oo xalliyey khilaafyo ka dhex curtay, waannu ku wada socdaa, sababtaasina waa Axmed Siilaanyo oo odayga xisbiga ah ayaa ardaydiisa si wacan u tababaray, mana jirto xisbi kale oo taas haystaa, imtixaankii uu Axmed Siilaanyo Ardaydiisa ka qaadayna waxa ku guulaystay Muuse Biixi oo uu naga dhex qaatay.”

Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo haatan ka mid ah saraakiisha xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna hadallo mahadcelin u badan madasha ka jeediyey, isaga oo si farshaxannimo lehna u sharraxay sida uu xisbiga ugu qanacsan yahay, iyada oo aanay jirin wax xil ah oo loo dhiibay, waxaannu yidhi, “Halkan waxa ka muuqata in dadkii uu xisbiga WADDANI ku lahaa Gobolka Awdal ay dhammaantood ku soo biireen KULMIYE oo ay ku qanceen. Maalintii ay xisbiga WADDANI ku soo biirayeen nimankii wasiirrada ahaa ee uu Xirsi hoggaaminayey ayaanu Xirsi waraabe-u-taag siinay oo aannu ku nidhi hoggaamiye noqo, hoggaamiyuhuna meel uu sharciga kaga qoranyahay ma jirto, aniga oo Guddoomiye-ku-xigeenkii koowaad ee xisbiga WADDANI ahaa, ayaa maalintii aan qabanayey xafladdii aan xisbiga KULMIYE ugu biirayey dadku waxay isweydiinayeen murrashax madaxweyne ayaad u socotaye muxuu KULMIYE ku siinayaa? Balse waxaan go’aan ku gaadhay inaanan Somaliland sharci-darro u horseedin oo aanan doonan kursi aan shuruucda ku qornayn, aniga oo go’aan ku gaadhay inaan dhiso Muuse Biixi oo aan masiirkaygii iyo kartidaydii iyo awooddaydii dhaqaaleba la garab galo aniga oo aan wax shuruud ah ku xidhaynin.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka jeediyey khubad dheer, ayaa soo dhaweeyey saraakiisha haweenka iyo raggaba isugu jira ee ku soo biiray KULMIYE, waxaanu ku dheeraaday muhiimadda ay haweenku u leeyihiin mujtamaca iyo sida aanay noloshu la’aantood wax manco ah u samaynaynin.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu xusay in xisbiga KULMIYE muhiimad gaar ah siinayo haweenka, isla markaana uu diyaar u yahay inuu siiyo xuquuqdooda oo ku salaysan sharciga diinta islaamka, waxaannu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxa uu doonayaa inuu haweenka siiyo xuquuqdooda oo ku salaysan shareecada Islaamka, siyaabo badan baanu Islaamku haweenka wax u siiyaa, waxaanaynu u baahanahay inaynu shareecadeena ku salayno siyaasadda.”

Waxa kaloo uu Guddoomiye Muuse Biixi dul istaagay kaalinta shacabka reer Awdal kaga jiraan qaranimada Somaliland iyo doorkii shariifka ahaa ee ay kasoo ciyaareen dib-u-dhiskii iyo dedaalkii dheeraa ee dhidibada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu caddeeyey inaanay jirin cid gaar ah oo lagu dullaynayo dawladnimada, balse dhammaanba shacabka ku nool gobollada kala duwan ee dalku u siman yihiin oo aan loo kala fogayn.

Advertisement

Ku Xayeysiiso