Xisbigii Waddani Ma Waxa Uu Noqday Qoomkii Doonta Yidhi Dadka Waynu Dhibnaye, Halkan Ayay Biyuhu Ka Dhaw Yihiin Ee Inooga Dalooliya Dabadeedna Dhamaantood Ay Ku Qaraqmeen?

Xisbigii Waddani Ma Waxa Uu Noqday Qoomkii Doonta Yidhi Dadka Waynu Dhibnaye, Halkan Ayay Biyuhu Ka Dhaw Yihiin Ee Inooga Dalooliya Dabadeedna Dhamaantood Ay Ku Qaraqmeen?

Xisbigii Waddani Oo Kaashanaya Soomaaliya Ayaa Mudaharaad Ula Diyaar Ah Safaaradda Imaaraadku Ku Leeyahay Dalka Uk Iyo Dedaalada Qaran Dumiska ah ee Xsibigaasi ku Sii Siqayo waayadan

 

Beryahan waxa aynu la soconay xaalada uu ku sugan yahay xisbigii Mucaaridka ahaa ee Waddani la odhan jiray ee u heelanaa inuu u tartamo madaxtooyada qaranku in uu isugu biyo shubtay ragaadinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ø  Waxa aynu ogayn sidii ay uga soo horjeedeen heshiiskii caalamiga ahaa ee bulshada baray somaliland waxay tahay iyo waxay guddoba ee DP World.

Ø  Waxa aynu ogayn safaradii ay qaranimada Somaliland ku wiiqayeen ee ay la yeesheen dawladii dhacday ee xasan sheekh Maxamuud iyo heshiisyadii qarsoonaa ee ay shirarka kual galeen Farmaajo markii uu murashaxa ahaa siduu isagu iftiimiyey markii waraysiga uu bixiyey.

Ø  waxa aynu ogayn eedaymihii qaran dumiska ahaa ee ay u soo jeediyeen masuuliyiinta qaran ee ay ku eedaynayeen inay heshiisyada sii mariyaan Soomaaliya, taasi oo uu meesha ka saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Ø  waxa aynu ogsoonahay oo aanu caad inaga saarnayn siraha is daba jooga ah ee maalinba maalinta ka danbaysa soo baxaya ee waddani la xidhiidhinaya soomaali weyn iyadoo ay weliba gacan saar hoose leeyihiin siyaasiyiin waa weyn oo u ololeeya midnimada soomaali weyn oo aan iyagu marnaba qarsan rabitaankooda midnimo

Ø  waxa aynu ognahay dedaalka ay ugu jiraan ragaadinta iyo boqno goynta heshkii labaad ee ay somaliland ku muujinayso inay tahay dal madax banaan oo iyagu awooda inay aduunka wax la qaybsadaan oo ay ku soo dhaweeyeen cidii ay door bidayaan inay wax la qaban karto, taasi oo ka nixisay cadawga somaliland ee ay ugu horayso Soomaaliya iyo Jabuuti waa saldhiga Berbera ee Imaaraadku doonaye, balse nasiib daro ay tahay in kuwii qarankani ka sugayey inay hogaamiyaan ay kala saari waayeen qiimaha waddaninimo iyo qiimaha mucaaradnimo oo ay habeen iyo maalin u xamaysan yihiin sidii loo beenayn lahaa horumarka qarankani ku sii siqayo maalinba maalinta ka danbaysa.

Ø  waxa aynu ogsoonahay oo aan idinku mahadnaqayaa hadaad tihiin shacbiga Somaliland in aad wakhtigan kala barateen qaswadaha iyo hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ay ka go’an tahay wixii uu u soo dagaalamay, taasi markii ay ku fashilmeen reer waddani in ay caasimada ka helaan 10 qof oo fikirkooda la qaata isuguna soo baxa siday ku baaqeen jidadka caasimada iyo labada gole ayey waxay dedaal dheeriya geliyeen madaama oo shacbigii Somaliland gudeheeda ku sugnaa kala saaray shisheeyaha iyo sokeeyaha ama ka horumarka wada iyo ka hagardaamada wada ay shacbiga ku dhaqan qurbaha ee aan la socon meel ay wax marayaan iyo sida xaal uu yahay ay u qaybiyaan kaadhadh ay leeyihiin madaxweynaha horumarka ku shin bara waaqleeya oo waxad tidhaahdaan ka noqo saldhiga ma ogola shacbiguye taasina waxay noqotay su’aal ay is waydiiyeen qurba-joogtii loo qaybiyey, waxaanay ku odhanayaan war heedhe waynu naqaan sida wax loo maalgashado iyo sida wax loo maamule ee xagee wax ka qaldan yihiin waa sidee waxan uu wado xisbigii waddani ma horumar xaasidbaa mise waa qaran diid annagu ku wareernay warkoode.

Ugu danbayn waxan kaga baxayaa Xisbigu meel uu n haysugu biyo shubto oo ha iska xaadiriyo Xamar ama shacbigiisa ha la jaqo nimcooyinka uu hormuudka ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Aadan Silaanyo, ee saldhiga leh ee DP World  ee waddooyinka leh ee dhismaha leh ee dhismaha ciidamada leh, dee hadii kale ha mareen inta ay goori goortahay jidkii ay hore u mareen ururadii qorshaysnaa ee ay dabada ka riixaysay xamar balse shacbigan feejigi uu ka dareen qaatay kaan codeeyey ka dibna ay ku noqdeen halkii laga soo bacrimiyey ee Xamar ahayd, hadii aan idin xasuusiyana waxa ka mid ahaa ururkii gurmad iyo kii ina Cumar Carta qaalib iyo kii Foosiya Xaaji Aadan hadase waxa iska cad shacbiyaw in waddani yahay isku darka ururadaasi dhaqaalihii wakhtigaa loogu talogalayna uu kelidii cidla ka helay madaama ay kuwii kale iska hadheen markii danbena ay xamartoodi u xamaalasho tageen. Ka Si  daran inagoo waxaasi oodhan og ayey hadana diyaar u yihiin inay safaaradaha dibeda gaar ahaan safaaradda Imaaraadku ku leeyahay Uk ay doonayaan inay tusaan weji Somaliland lagu metelayo balse loo adeegsanayo Dad Soomaali weyn ah oo iyagu aan marnaba jeclayn horumarka qarankeena Somaliland.

Abdirahman Gulied

abdirahmanguuleed10@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso