War Deg Deg ah Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa magacaabay raisul wasaare cusub

Nin lagu magacaabo Xasan Cali Khayre ayaa loo magacaabay raisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Waxaan xilka Ra’isul Wasaaraha u magacaabay Mudane Xasan Cali Khayre. Alle ha u fududeeyo hawsha culus. Waxaan codsanayaa in lala shaqeeyo” ayuu ku yidhi Farmaajo qoraalka uu soo dhigay boggiisa Twitterka.

madaxweynaha Somaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka aroornimadii ka dhoofay Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Sacuudiga ka dib casuumad uu ka helay boqorka dalkaas.

Ra`isal Wasaaraha Cusub ayaa ka soo Jeeda Qabiilka beesha Murusade ee Hawiye waa nin aan wax badan laga aqoon oo ku cusub saaxada siyaasada Somalia, Hore wuxuu ula soo shaqeeya Hay`yada Qaxoontiga ee Laga Leeyahay Dalka Norway loona Yaqaan NRC sidoo kale wuxuu Noqday Wakiilka Shirkadda Shidaalka ee Som Oil and Gas ee Bariga Afrika.

Advertisement

Ku Xayeysiiso