Murashax Cabdiraxmaan Cirro: Siyaasi Hankiisa Iyo Hogaamintiisa Somaliland Saddex Kooxood Oo Xisbigiisa Waddani Ku Hirdama U Rahman Tahay

Murashax Cabdiraxmaan Cirro: Siyaasi Hankiisa Iyo Hogaamintiisa Somaliland  Saddex Kooxood Oo Xisbigiisa Waddani Ku Hirdama U Rahman Tahay 

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Inta Aan Ka Arkay, Waa Hogaamiye Dabeecad leh, Dadnimo leh, Deeqsimo leh oo Dulqaad leh, waana 4. Arimood oo Gadi Kari (Iibin Kara) Hanka qofka Siyaasiga ah ee uu ku jiro rabitaanka hogaaminta dal Ahaaneed iyo bulsheed,

Haseyeeshe Carqaladaha Hortaagan ee Ceebta Cid Kasta Maanta u muuqata ee hortaagan Hogaamintiisa taladda Jamhuuriyadda Somaliland Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ee Dayrka iyo Xakamaha Aadag ee Birta ah kaga xidhi karta, waa Saddexdan Kooxood oo Kala Mabaadiida ah oo uu u baahan yahay in uu ka xoroobo.

  1. Kooxdii umadda Somaliland wada dhibsatay ee xilalkii Qaranka iyo Bulshadda u hayeen Hadhka Cad Cidlada kaga yaacay, isla markaana ku sababeeyey Sadbursiimo ay ka waayeen oo Madaxweyne Siillaanyo uu ka diiday Xisbiga Kulmiye in uu kooxdaasi af-duubo (Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye 2015-tii qabsaday) oo Ku Soo Fashilmay, firxadkana Waddani Shidhka u galay ?
  1. Kooxda loogu hadal haynta badan yahay laguna ma jeerto inay Shaadhka Qabyaaladda iyo Haybta ay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Wadaagaan Xisbiga Waddani ku maamulaan kuna kuna caan baxay Naanaysta (Musdambeedka Waddani) oo ah kuwa, Magacii Xisbiga Waddani iyo Hogaamintiisiiba ma jaro habaabiyey ?

2- Kooxda Saddexaad waa Giimbaartii iyo Hadhaagii Xisbigii Burburay ee Saaxaddaha Somaliland ka baxay ee UDUB Iyo Rag Ku Soo Fashilmay Siyaasadda Somalia, , waa kuwo Xukuumaddii Xisbigii Udub Musdambeedkiisa ahaa oo xilalka ka soo qabtay iyo kooxda ku lamaan Tiimkan oo ah kuwo mabda’a Somali weynta hore u aaminsanaa aanay jirin wax ilaa hada lagu aamino karo, waxaanay kooxdan saddexaad ee huwanta ahi carqalad ku yihiin tijaabinta hogaaminta Curdinka ah ee Murashax Cabdiraxmaan Cirro, waana Rajo Madhan iyo Faashil Muuqda marka kooxdan ka kooban Siyaasiyiinta Xisbii UDUB lagu bartay iyo kuwa Mabda’a Somali Weynta aaminsani laabta ka soo ag garaacaan Cirro,

Hadii Saddexda Kooxood ee Kala Mabda’a ah, aanu iska xoreyn Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxay muujinaysa sida aanu u aheyn, Siyaasi Isbedel Muuqda (Sidda uu ku doodo) oo la taaban karo bulshadda iyo Dalka Somaliland baahida weyn u qabto u keeni karin.

Diyaariye: Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso