Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo ka Qaybgalay xuska maalinta dhallinyarada dalka ee 20-ka Feb

Hargeysa (ToggaHerer)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha dalka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu maamusayey sannad-guurada 37-aad ee maalinta dhallinyarada dalka ee 20-ka bisha Febraury sannadkii 1980-kii.

Xaflad ballaadhan oo qayb ka ahayd xuska maalintan dhallinyarada oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo dalladda ay ku bahoobeen dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo ka dhacday huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa maanta, waxa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa isla xilkaasi mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Saylici kala qaybgalay madax badan oo kale oo isugu jirta Guddoomiyayaasha labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI – Md. Faysal Cali-waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, madax kale, xubno ka mid ah aqoonyahankii hormoodka ahaa kacdoonkii UFFO ee taariikhda maalintani ku astaysan tahay iyo boqolaal dhallinyaro isugu jirta kuwa jaamacadaha, dugsiyada waxbarshada iyo qaar kale oo buux-dhaafiyey madashii xafladda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso