Tacsi Xisbiga Kulmiye Geerida Marxuum Xaaji Ismaaciil Bootaan Cabdi

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Ismaaciil Bootaan Cabdi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 18/02/2017.

Marxuum Xaaji Ismaaciil Bootaan Cabdi waxa uu ka mid ahaa ganacsatadii caanka ka ahayd guud ahaan Somaliland ee doorka muuqda ka qaatay horumarinta iyo bilicda dhismaha dalka, isagoo ka tirsanaa odayaashii qaybta wayn ku lahaa dadaalladii halgan iyo nabadaynta Somaliland iyo weliba dib-u-dhiskii dawladnimada Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkaba Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso