Cadhada iyo Caadifadda Madhan

Su’aashu waxa ay tahay, ma saldhig ciidan ayaa la diidanyahay, oo laga dhirifsanyahay, mise carabta?
Sida ay aniga ila tahay, saldhig ciidan lama diidana, oo haddii ay Mareykanka ama dawladaha reer Yurub ay midkood soo dalban lahayd, waa hubaal oo waa loo raxleyn lahaa, oo shaxshax ayay ahaan lahayd. Sidaas haddii ay tahayna, saldhig ciidan lama diidano’e, carabta ayaan la ogoleyn; oo la nacsanyahay.

Naceybkaas carbeed, haddii dhinac laga eego, waa mid garawshiiyahiisa leh, oo qoomkaasi waa duul aan iyaguba is wada rabin, oo goldaloolayaashoodu ay badanyihiin, oo inta badan, xumaan iyo lug’gooyooyin ay kuu soo jiidaan mooyaane, aan wanaag laga maleysan kareynin; oo aan laga filan kareynin.

Laakiin haddii aan arrimahaas kor ku xusan aan iska dhigno, oo danta guud ee Somaliland, iyo waxa aynu u jeellanahay aan mudnaanta kowaad siino, oo mandaqadaha inagu xeeran aan indho’muslin ku wada eegno, oo madaxweynaheena Md. Axmed Maxamed Maxamuud aan mowqifkiisa ah: inuu dadkan iyo dalkan inuu dhaxal uga tago, aan caqli saliim ah kaga fakarno; waxa inoo caddaaneysa, inuu saldhigaas ciidan, inuu siyaasaddeenii hore, inuu waji cusub u sameyn karayo; oo – xaraka lahaa barako’e – inuu isbaddal degdeg ah, oo togan, oo ictiraafeysan, inuu – in shaa Allaah – inoo keeni karayo.

Waad wada aragtaan, oo heshiiskiiba inaga oo wali aan saxeexin, ayay dawladihii aan ina dhageysan jirin, ee indhaha inaga wada lalin jirey, ee ”Na ictiraafa”deenu ay dheeldheelka la wada ahaydi, inay maanta laba midkood ay yihiin:

  1. Kuwo danbeyso’ka’warar, la ildaran.
  2. Kuwo horreyso’ka’warwar, la ildaran.

Labadaas xaaladood, ee labadaas kooxood kala haleeley, ee dareenkoodii wada kiciyey’i, Somaliland waa u guul, iyo – in shaa Allaah – ictiraaf soo dadajin; ama soo xero’galin.

Hadraawi waxa uu yidhi:

Badbaado qof doonayow

Kashaada dareen ku beer

Dareenka samaa ku beer

Indhaha dib u soo muslimi

Ilaahay dartiis ku eeg

Daliilka hortaada yaal.

 

Maxamed Sheekh Daahir
Sheekhdaahir@yahoo.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso