Gudaha Ka Eeg :Diyaarad Sidday Deeq Ka Timid Dawladda Kuwait Oo Maanta Ka Dagtay Madaarka Magaalada Berbera + Sawiro

 

Waxaa maanta Madaarka Magaalada Berbera ka dagtay Diyaarad sidday Deeq ka timid Dawladda Kuwait oo loogu talo galay dadka abaaruhu ku habsadeen .

Waxaana halkaasi kaga hortagay oo soo dhaweeyay, Madaxda Gobolka Saaxil, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xafiiska Sakada ee Somaliland .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay madaxii waftiga Kuwait oo halkaasi ka sheegay in ay sidaan Deeqdii ugu horaysay, isla markaana ay soo wadaan Deeqo kale .

Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Wasiirka Biyaha Somaliland oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dawladda Kuwait u mahad-naqay .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka hadlay, waxaanu u mahad-naqay Dawladda Kuwait .

Gudoomiye Faysal wuxu sheegay in abaartu ay marayso halkii ugu darnayd, waxaanu Dawladda Kuwait ugu baaqay in ay soo libin-laabaan Deeqaha ay ku caawinayaan Dadka tabaalaysan ee abaaruhu ku dhaceen .

Deeqdan ka timid Dawladda Kuwait ayaa kafeen doonta boqolaal qoys, iyadoo la filayo in todobaaddada soo socda ay Dawaldda Kuwait soo diri doonto diyaarado kale oo sida mucaawimooyin kala gaddisan .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso