Xukuumaddii Bilicda Mise Tii Bililiqada? – – Qalinka: Kamaal Sh. Ismaaciil

Xukuumaddii Bilicda Mise Tii Bililiqada? – – Qalinka: Kamaal Sh. Ismaaciil

 

 

Badhtamihii sanadii 2010kii markay xukumadda kulmiye ee hadda talada haysaa ay la wareegtay talada dalka waxay indhaha bulshada ay tuseen wax u eeg bar bilawga waxqabad iyo horumar oo ay ugu horaysay kor u qaadida bilicda wadanka.

  1. Qashin ururin muddo kooban socotay.
  2. Qurxinta xafiisyada dawlada.
  3. Qaabaynta Wadooyinka, dhisida iyo dayactirkooda.

Intaa aan xusayba waxay noqdeen arimo wacad fur oo aan meelna gaadhsiisnayn oo aan sii soconin waxayna ku dhisnayd qiiro iyo baahi badan oo ay reer kulmiye u qabeen kursiga fuulistiisa.

Madaxwayne siilaanyo oo ah masuulka ugu sareeya dalka ayaa inoo bilaabay in bilicda la hagaajiyo oo qashinka la uruuriyo.

Tusaale kooban bulshada ku nool casimada ayaa waxay ka war haleen in siilaanyo uu asteeyay in 46kii cishaba mar la iskugu soo baxo maalin qashin ururin ah oo nadafadeed oo madax iyo minjaba ah ka qayb ka yihiin. Arintaasina waxay keentay in shacabka somaliland inteeda caafimaadka qabtaa ay iyana dhankooda ay aqbaleen ayna bogaadiyeen Soo jeedinta madaxwaynaha. waxayna markaa ay shacabku ay qirayeen in uu yahay hogaamiye keeni kara horumar iyo guulo maadaama madaxwaynihii ay doorteen oo qashinkii gacmihiisa ku guraya ay arkeen waxayna taasi keentay dareen farxadeed oo hogaamiye daacad ah oo kaliya laga heli karo.

Horseed been ah oo indha sarcaad ah oo bulshada la tusay ayaa ku Soo idlaatay muddo bilo kooban ah waxaa loo dhawaaqay dhankaa iyo baabiinta xoolaha umada. Labo sano markuu uu xilka hayay siilaanyo waxaa dhacday in madaxwaynaha taladii dalka ay farihiisa ay ka baxday ayna la wareegeen dad xidid iyo xigaal ah.

waxaana madaxwayne siilanyo asiibay gabaw oo cimrigiisa ayaa kor u dhaafay 80 jir aan dalka xukumi karin, waxaana ku adkaatay gudashada wajibaadkii qaran ee loo igmaday waxaana ku dhacay ilawshii badan oo gaadhsiiyay heer uu kala garan waayay masuuliyiintii dalka sidaa awgeedna waxaa taladii dalkuna u gacan gashay ma naxayaal ay horseed Ka yihiin baashe morgan ( wiilka uu siilaanyo sodoga u yahay) iyo maxamuud xaashi ( wasiirka madaxtoyada ) waxay noqdeen labada dilaal ee dalka gaadhsiiyay meel aan la mahadin oo bililiqo iyo xaarash baahsan ayay faleen waxayna ka bilaabeen dhicida kaabayaashii dhaqaale ee uu dalku lahaa oo ay iibiyaan badidoodii waxayna u gacan galiyaan ashkhaas iyo dawlado shisheeye ayna ku waydaarsadeen wax loogu yeedho laaluush iyo xaqul qalin. Xukumadaha cusub ayaa waxaa xeer u ah markay talada dalka qabsadaan in shacabkeeda ay u sheegaan in kob cagaaran ay gaadhsiin doonaan iyo meel saraysa markuu mudo xileedkeedii sii dhamanaya waxay sameeyaan in ay is hambo raaciyaan oo wixii khayraad ah ee uu dalku leeyahay ay sii xaraashaan ama sii bililiqaystaan. Haddaba mudadii 26 sano ahayd ee ay jirtay somaliland waxaa soo maray afar madaxwayne oo siilaanyo ku jiro mayno arag xukuumad ka bililiqo iyo xaraashid badan xukumadan waayo waxay noqotay xukuumad aanu ka war hayninba masuulkii loo doortay ayna ka arimiyaan haween iyo inta ku xeeran ee waxba magaratada ah oo dan ka lahayn dal iyo dad.

Madaxwayne axmed siilaanyo oo ah madaxwaynaha qaranka somaliland maaha hogaamiye cirwayn oo dantiisa ka horumarinaya danta caamka ah siday bulshadu aaminsan tahay ama ay qabaan miyir qab kama ah madaxwayne siilaanyo in talada dalka ay ku qalibaan kuna daawado rag iyo haween dalka dibadii kasoo shaqo tagay waayo siilaanyo isagaa halgama ah oo dalka kuwii soo xoreeyayba hormoodbu ka ahaa isagaa ugu dad iyo dal jecel. Si kastoy ahaataba waynu arkaynaa bililiqooyin jira waa in si wada jir ah looga hortagaa oo shacabku kaga falceliyaan diidmo qayaxan sidoo kale bulshadu waa in ay baadi goobaan madaxwaynihii ay soo doorteen in uu taliyo iyo in kale.

Dhanka kale waa in ay bulshadu wiiqdaa awoodaha gaar ah ee ay samaysteen wasiirada isku beesha ah iyo masuuliyiinta ay isku xulufada yihiin ee ay ku shaqastaan.

Bililiqadii iyo xaraashkii dalka ka dhacay waxaa ka mid ah.

  1. Iibinta goobihii dadku wada lahaayeen sida maktabadii gaandi
  2. Haamihii shidaalka berbara
  3. Imaradka oo loo qorsheeyay in berbera laga wada iibiyo.

W/Q:- Kamaal Sheekh Ismaaciil Aden

Email_ kamaalsheekh@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso