Wasiir Cadaani Oo Noqday Cadaaligii Ugu Horeeyey Ee Soo Wasaarada Warfaafinta Somaliland W/Q: Miyir Cali Xuseen

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(caddaani), ayaa noqday cadaaligii ugu horeeyey ee Soo mara Wasaaradaasi Warfaafinta intii Somaliland jirtay kadib markii uu ku guulaystay inuu meesha ka saaro kala sarrayn aan caddaalad ku dhisnayn oo muddo dheer ka dhex taagnayd shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda, waxana uu meesha ka saaray cabashooyin aan kala joogsi lahayn oo ay shaqaaluhu muddo dheer tirsanayeen.
Dib-uhabaynta iyo xalinta arintan oo socotay muddo toban bilood ah socotay oo uu hormood ka ahaa wasiirka wasaaraddaasi, ujeeddadeeduna ahayd sidii loo simi lahaa gunnada iyo mushaharka iyo ay qaataan shaqaalaha waaxyaha kala duwan, Agaasime Waaxeedyada iyo Madax-qaybeedka wasaaraddu, ayaa ugu dambayntii meesha laga saaray kala sarrayn iyo sed-bursi caddaaladdaro ahaa oo sanado badan soo taxnaa, isla-markaana wasiirradii hore xilalka wasaaradda kasoo qabtayna ay ka cabsadeen.

Shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ayaa si weyn ugu diirsaday una soo dhaweeyey go’aanka taariikhiga ah ee wasiir Caddaani ku dhiirraday, iyagoo si siman uga wada markhaati furay inuu Wasiirku taariikh cusub hirgeliyey, isla-markaana ay abaal badan oo aan la ilaawi Karin u hayaan.
Cabashada shaqaalahan ayaa muddo dheer soo taagnayd, waxana ku guuldarraystay inay cabashada shaqaalaha wax ka qabtaan wasiirro tiro badan oo wasaaradaas soo hogaamiyey, balse wasiir Caddaani ayaa ugu dambayn noqday masuulkii arrintaas ku guulaystay ee si siman shaqaalaha ugu sharciyeeyey mushahar iyo gunnooyin ay derejo ahaan ka siman yihiin.

Wasiir Cismaan Cabdilaahi Caddaani oo hannaankaas caddaaladeed ee uu wasaaraddiisa ka sameeyey kadib waxa ay shaqaalihiisu magaciisii u beddeleen Cadaani Cadaali, ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyey ee Waxqabad muuqda oo meel mara oo bulshada iyo shaqaalihiisu u riyaaqeen ka hirgaliyey Wasaaradaasi,

Marka laga yimaado Cadaaladaasi balaadhan ee uu Wasiir Cadaani Cadaali u sameeyey Shaqaale weynaha Wasaaradaasi ayaa waxa uu sidoo kale ka hirgaliyey oo uu Wasaarada ka dhisay hanaan iyo hab maamul shaqo iyo shaqaale ee Wasaarada Warfaafinta iyadoo isla markaasina uu Wasaarada uu u sameeyey nidaam jaranjaro ah oo qaab baratakool ah ku salaysan oo ay ku xidhiidhaan kuna wada shaqeeyaan Masuuliyiinta kale sareeya ee Wasaarada ka wada hawl-ga isagoo sidoo kale ku caan ah inuu noqday Wasiirkii ugu horeeyey ee wada tashi kala yeesha go’aanada uu qaadanaayo masuuliyiinta kale ee Wasaarada uga hoosaysa isagoo isla markaasina Sabti kasta sideeda subaxnimo shir Todobaadle ah la yeesha dhamaan madaxda iyo masuuliyiinta Wasaarada kaasi oo wax badan oo hawlaha Wasaarada ah lagu dhaqaajiyey mudadii uu socday.
Wasiir Cadaani Cadaali ayaa sidoo kale ku guulaystay inuu waxqabad balaadhan kusoo kordhiyo Wasaarada mudadii koobnayd ee uu joogay taasi oo ay kamid tahay dhisme casriya oo uu 29/01/2017 ka dhagax dhigay xarunta Wasaarada kaasi noqon doona dhisme taariikhiya oo loo dhisayo qaab casriya oo hawlaha shaqo ee Wasaarada u sahlaaya inay si fudud u gutaan taasi markii lasoo bandhigay qaabka loo dhisaayo ay aad usoo dhaweeyeen Bulshada Somaliland,Sidoo kale lacagta ku baxaysa Xaruntani cusub ee Wasaaradu yeelanayso ayaa Wasiirku goobta ka sheegay inay ka wasaarad ahaan hada iyagu haystaan 60% iyadoo inta kalena uu balanqaaday inuu sida ugu dhakhsaha badan u raadin doono

Dhinaca kale Wasiir Cadaani ayaa waxa uu ku guulaystay inuu sameeyo in Tv-ga qaranku yeesho Lix Xarumood oo ku kala yaal lixda gobol ee waa weyn ee dalka oo Tv-gu Live ka gali karo marka loo baahdo,isagoo isla markaasina wasaarada kusoo kordhiyey qalab kala duwan oo uu kusoo kordhiyey Qaybaha Idaacada ,TV-ga iyo Waaxda Dhaqankaba,kaasi oo ay aad ugu diirsadeen shaqaalaha kala duwan ee ka hawl-gala qaybahaasi

Waxqabadka muga leh ee Wasiirka Warfaafintu magaca cusub kula baxay ayaa noqon doona mid taariikhdu xusto oo aan la iloobi doonin

Advertisement

Ku Xayeysiiso