Tolow bahalaha aynu cuni doonaa miyey innagu soo toosi?

Hubaal dalkeenu maalgalin wuu u baahanyahay, laakiin Soomaalidu horray ugu maahmaahday “waan baahanahay looma bahalo cuno”. Innagoo heshiiskii DP World ee Dekeda Berbera ka soo kaban ayuu heshiiska saldhiga Milatari ee Berbera innoogu darsamay.  Heshiiskan ay dawladda Somaliland la gashay dawladda Imaaaraadku waa heshiis shacabka Somaliland ka qaylisiiyey meelwalba oo ay daafaha dunnida ka joogaan inkastoo dad badan oo soo dhaweeyeyna jiraan. Annigu saldhig milatari oo dawlad ajnabiyi leedhay oo dhan waan necebahay  waanan ka soo horjeedaa waayo fasahaad iyo dhaqan xumo ayuu wataa. Dawladda Somaliland laakiin waxay inna leedahay faa’iidooyin waawayn baa inoogu jira xag dhaqaale, shaqo abuur, horumar… yacnii bahalaha waynu iska cuni si aynu baahida uga baxno.

 

Shacabka Somaliland waxa aad u wareeriyey oo niyadjab u keenay nuxurka heshiiskan iyo qodobadiisa oo aan si cad loola wadaagin. Taasi waxay keentay in dawladda siiba ashkhaasta heshiiska soo dhameeyey ee ka dhax muuqda laga shikiyo waayo wax la qariyo qudhun baa ku jira. 

 

Sida aynu la socono beesha caalamku Soomaaliya ayey innagu tirisaa, markaa ma la hubiyey in ayna Soomaaliya hoosta innaga xaraashin oo heshiiskan aynu la galnay Imaraadku shaanbaddii Soomaaliya iyana dhinac kale kaga oolin .  Maqaal aan ka akhriyey Hiiraan.com, Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dawladda federaalka ee Soomaaliya – Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku eedaynaya heshiiskan in ay ka danbeeyeen masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladda Somaliland.  Waa arrin ay tahay in laga fiirsado oo la hubiyo inkastoo imika hubsiimo waxba inoo tarayn.

 

Sida saxaafadda aan ka akhriyey Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan golaha ayaa ka baxay shirka loogu codaynayey mooshinka saldhiga Milatariga. Markaad qiyaasto culayska heshiiskani leeyahay, dhacdadadni waa wax lala yaabo hadday wax ka jiraan.  Siday ku dhici kartaa in Guddoomiyuhu ka maqnaado shir mooshinkan inta leeg loogu codaynayo; mooshin iyo heshiis saamayn wayn ku yeelan kara ummauddiisa dhinac walba ?

 

Berbera iyo Somaliland ba wax faraq lagu qaado ka wayn laakiin heshiiskan sidan si ka wanaagsan ayaa loo maarayn kari lahaa.  Ummadda Somaliland waxa ka masuul ah dawladda ay dooratay oo ay ka mid yihiin labada golee Guurtida iyo Wakiiladda. Waxaan rajeynaynaa in ay dawladdu masuuliyadda loo doortay si xilkasnimo iyo dal jacayl ku jiro uga soo baxdo.   Masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta Somaliland ee heshiiskan, kuwa soo socda iyo kuwii tegay ka danbeeyey waa in la ogaysiiya in la qorayo khaayimiin qaran, haddii musuqmaasuq lagu cadeeyo, kuna xadgubbaan qadiyadda iyo sharciga Somaliland. Danbiga intaa leegna meel walba oo ay joogaan ummadda Somaliland way kala xisaabtami doonto. Innaga waxa innaga waajib ah in aynu masuuliyiinteena garab istaagno, bilaa cadayn aynaan  iskaga tuhmin, si kastoo shaki u jiro, ileen innagaa dooranee.  

 

Waxaan rajeynayaa in ayna dawladda imaaraadku u isticmaalin saldhigan military sifo ay wax innagu yeesho,  ama dawladaha kale ee aynu jaarka nahay dhibaato ugu gaysato haddii uu hirgalo.

 

Illaahay heshiiskan mid khayr qaba ha innooga dhigo. Aamiin

Maxamad Cumar Maygaag (Taag)

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso