Awliyaddii Qalinka Aan Ku Muddey Iyo Amuurihii Mucjisada Ahaa Ee Aan Arkay ;Qalinkii C/raxmaan Carab “Cabdi Saxafi”

Amintu waa barqo samankuna waa sanadkii galbaday ee 2016, waxaan socdaal ku jooogay magaalada Berbera, waxa isoo wacay shaydaan insi yar oo oo joogay caasimada dalka wuxui ii sheegay war qariban, inaan eego uu ku soo diray mid kamid ah Emaylada aan isticmalo, waxaan u sheegay shaydaanu insigii yaraa in aan eegidoono, balse hadda aan wakhti u hayn.

Subixii ku xigay ayaan salaadii subaxa markii aan tukaday aan eegay oo aan isha mariyey, waxaan ka qaadatay xogtii qoraalku uu siday, waxaan bilaabay qoraal cusub oo kooban, kaasi oo aan six un ugu weeraray masuul markaa joogay dalkeena Somaliland, isla markaana waxaan ku daabacay mereegta aan gacanta ku hayo, muddo yar ka dib markii uu warkii ku jiray ayaa waxa isoo wacay nin Wariye ah oo ka hawlgala magaalada Berbera waxa uu ii sheegay in warkaa aan baahiyey aanu sax ahayn waxaan ku adkaystay inuu sax yahay, isla markaana aanan ka saarayn shabakada, isagoo igu daray inuu masuulkaa warka laga qoray yahay Awliyo raxmaan aan talaabadan ku kicin karin, balse madaxa adayga waan isku aqaane waan diiday waanan ka dhego adayga warkiisi iyo waanadii walaalkay.

Awliyadda waa laba qaybood Awliyo shaydaan iyo Awliyo allaah ama raxmaan,iyadoo ay Awliyadda illahay leedahay karaamooyin faro badan oo uu alle k manaystay.

Masuulkan ama mudanahan aan qalinka ku diley ayaa ah Awliyo raxmaan-ta alle inoo sheegay, waxaa aan muddo yar arkay mucjisoon kala duwan oo u baahan in naftaytu ku cibro qaadato, kuwaasi oo isa soo tarayey, iyadoo ay isoo food sareen caqabado kala duwan oo nololeed, isla markaana aan waagii beryaba ku waabariisan jiray wax iga nixiya oo aanan ku farxin, waxaan dareemijiray cadho badan iyo diiqad joogto ah.

Subax hore ayaan ku jarmaaday Awliyaddii aan qalinka muddey waxaanan ka codsaday inuu icafiyo, maadama aan jariimad xun ka galay, waa Awliyo raxmaan waxba ma diido wuu iga aqbalay, isla markaana wuxuu ii sheegay inuu dhibadan kala kulmay qalinkii axmaqnimad ahaa ee aan ku muddey, balse hadda waxa uu ii sheegay inuu iga saamaxay caloosha iyo niyadan iga siidaayey, si wanagasan ayaan isku laab xaadhanay.

Awliyadda illahay cidii dhibta allena wuu dhibayaa, waa dhab oo anniga, ayaa arkay muuro badan oo anan soo gudbin karrayn kala kulmay awliyadda raxmaankii aan dhibta u geystay.

Gunanad Shaydaanu insigii sharkaa kiciyey wuu nool yahay mana ka dhammaanayo dunida guudkeeda illaa aduunyada la rogayo waxaanu ku hawlanyahay jaleefoonyinka kala duwan ee uu la beegsanyo umadda islaamka ah, ku darsoo waa qof caadi ah oo lebisna, isla markaana aan u naqaan hebel hebel ama fulaan ibnu fulaan, waanu kula jooga markasta iyo meel kasta saxiibkaaga ahaan mooyi illaahay ayaa og.

Allow jidka toosan nagu hanuuni.

Qalkiin Wariye C/raxmaan Carab (Cabdi Saxafi)-
Attachments area

Advertisement

Ku Xayeysiiso