Qaranimo ma gaadhaan inta ay Qabyaaladi Qaydka kuugu xidhantahay._W/Q: Cabdinuur Aar Baaruud.

Marka hore aan salaamo dhamaan intii magacayga iyo muuqayba taqaan. Marka labaad aan u mahadnaqo dhamaan saxaafadda madaxa banaan oo u fududeeyay bulshada inay cabiraan fikirkooda toolmoon.

waxa aan doonayaa inaan iftiimiyo arin murugo iyo ciil igu riday una baahan in la iftiimiyo,waxa ay maankayga ka guuxaysaa habeen iyo dharaar. Qalbigu waxa uu tabayaa qaranimadda iyo dawladnimada maqalka ku ah dhagahayga laakiin aanan hal habeen dhuganin nuxurkeed.haa way jirtaa inaan helay Amaan,wada noolaasho bulsheed,waxbarasho haba ahaato mid aan lahayn tayo igu filan,goobo caafimaad oo dad gaar ahi leeyihiin oo lacag qaaliya laygu adeego,hadana waxa maanta uur xumadeeda aan la joogi waayay dhalinyartii aan la jaan qaadi lahaa oo lagu abuuray fikir aan meel loo dayin kuna dhisan oo kaliya sidii siyaasiggu u guuleysan lahaa waana midka maanta igu abuurtay maqaalkan aan curiyay.

  1. Uma warwarsani siyaasiga maanta I badey calool xumada iyo mustaqbal xumada.
  2. Uma warwaraayo midka I hogaamin doona shanta sano ee soo socota.
  3. Uma warwaraayo naftayda iyo midka dhalinyarta maanta wax baratay.
  4. Kaliya waxa aan ka warwarayaa caruurta aan dhalidoon mustaqbalka dhaw iyo waxa ay la kaw sandoonaan,ma rabo inay noqdaan qaar ku nool calool xumo lagu yidhaahdo ma somali Hargeisa ayaad tahay waxaan rabaa ina yidhaahdaan dalka Somaliland ayaa kasoo jeedaa oo dawlad,qaran magac iyo maamul leh ayaan kasoo jeedaa.

Sideen ku gaadhi karaa Qaran iyo mustaqbal lagu naaloon karo?

Qaran waa waxa lagu yaqaan dowlad xuduud leh,calan astaan u ah,nidaam dhisan leh,haday Baarlamaan tahay,haddey,maxkamado tahay oo kor laga soo biaabo ilaa shacbiga laga yimaado taxan.ciida,o ilaaliya nabada gudaha iyo dibbadaba,maxkamado xukun rida iyo xabsiyo wax lagu ciqaabo. Qaranku intaas oo xeer ayuu leeyahay.Qaranka sidaas u dhisan Qabiilka ma oggolaa,mar haday dowladi timaado meesha Suldaan,Garaad,Caaqil iyo Ugaas meesha way ka baxayaan.

Dalkii ama deegaankii uu odhanayay anigaa daaqaya oo ka cabbaya dowladu ma oggola oo dowlada ayaa ka telisa dalka oo dhan dadkuna waa u simanyahay.

Qaranku waa hanti  ka wada dhexaysa dhamaan bulshada meel kuwada nool ee dal ku midaysan,qaranku waa shayga ay maganta u yihiin bulshada ku hoos nool qaranka haday ahaato xag nabad gelyo,xag caafimaad,xag dhaqaale iyo helida xuquuq kasta oo uu leeyahay muwaadinku.

Hadaba qaran hadii uu kaas yahay dalka aynu ku noolnahay ee Somaliland waa jamhuuriyad 1991_kii la soo noqotay xornimaddii ay 1960kii kula qaldantay Somalia,ilaa wakhtigaas oo ay kasoo wareegtay muddo imika laga joogo 26 sano Somaliland waxa ay dooratay Afar madaxweyne oo midkastaa uu leeyahay taariikh iyo waxqabad lagu xasuusan doono.

Somaliland waxa ay gaadhay horumar kala duwan oo ay ugu horeyso dhinaca dhaqaalaha,sameynta ciidamada qalabka sida ee kala duwan,goobo waxbarasho,xarumo caafimaad iyo horumarinta bilicda magaalooyinka sida dhisida wadooyinka,hadana ilaa maanta waxa jira hal caqabad oo naafaysay qaranimaddii aynu tiigsan lahayn taasi oo darbi adag ku ah madaxweyne kasta oo ku guuleysta hogaaminta somaliland waana qabyaalada.

Qabiilku ma xuma oo illahay ayaaba qur’aankiisa ku sheegay,laakiin waxa buunbuuniyay oo sharci ka dhegay waa madaxda wadankeena joogta mid wasiir ah,mid hogaamiye xisbi ah. Sababta oo ah waxa uu meesha ku yimid hab qabiilaysan,waxa uu ku shaqeynayaa hab qabiil ku dhisan,waxa uu ku hadlayaa hab qabiilaysan,waxa uu ku joogaa booska uu ku fadhiyo waa reernimo.

Iyadooy sidaas tahay hadana maalinba maalinta ka danbaysa waxa soo badanaysa is kooxo kooxaysiga ku dhisan qabyaaladda Tusaale:_ caasimada jamhuuriyada somaliland oo aan fasax yar ku qaatay sanadki tagay ee 2016ka waxa aan arkay dhalinyartii caasimadda oo meelaha bulshadu ku kulanto u kala fadhiya dhawr kooxood waxaaba lagu odhanayaa waa reer hebel ayaa fadhiista maqaaxidaase inaga dhaaf waa yaab,taas markaan u kuurgalay bal inaan ogaado sababta dhalisay kala fogeynta dhalinyartii ku midaysanayd halka calan,halka qaran waliga halka magaalo inay noqoto qaar u kala fadhiista jufo jufo ayaa waxa aan ogaaday inuu hormuud ka yahay hogaamiyaha siyaasiga ah ee doonaya inuu gaadho oo kaliya hadafkiisa siyaasaddeed ama nololeed kaas ayaa sabab u ah inay maanta qaran nimadii laga horeysiiyo qabiilka aynu moodnay wadadii lagu gaadhi laahaa qaranimo.

Dhalinyarooy maanta sawirka qaladan ee laynagu dhajiyay wa mid aynu ku rafaadayno hiigsiga iyo himilada mustaqbalna ku seegayno ee maxaa inoo talo ah.

Anigu hadii aan cabiro fikirkayga waxa aan xal muuqda u arkay dhawr jid oo maanta inoo furan.

  1. Waa maxa ay hadafka aad u nooshahay?
  2. Waa maxay danta iyo xidhiidhka idinka dhexeeya siyaasiga aad haybta wadaagtaan?
  3. Ka fikir mustaqbalka dhaw iyo caruurtaad dhali doonto siday noqon doonaan marka adigoo jiilkii ka horeeyay aad ku noolshahay noloshan kaa dhigtay mid aan u talaabi karin daanta kale iyo cuqdadan laguu geliyay xaafada kaa soo horjeeda?
  4. Waa maxay u jeedada aad ugu koobantahay kaliya kooxdan aad ilmaadeerka tihiin ee kuu diidan inaan noqoto mid dhexgela bulshada inteeda kale?
  5. Qabiilkiina waa maxay danta iyo ujeedka aad idinka dhexaysaa?
  6. Maxaad u baratay aqoonta iyo cilmiga aad doonayso inaad ku hogaamiso barito bulshada?
  7. Dalka aad jaarka wadaagtaan maxuu horumar ku gaadhay?

Isku day kaliya inaad sameyso cilmi baadhsi ku haboon horumarka iyo nolosha aad hiigsanayso,kaliya dadka kasoo jeeda dalalka horumaray dariiqay mareen isku day inaad ogaato kadib bal waxaad is weydiisaa ma qabiilkiisa ka caawiyay,ma bulshadiisa iyo kalsoonida uu yagleeshay intuu dhalinyarta ahaa ayaa gaadhsiiyay heerkaas,kadib waxaad ogaan doontaa natiijada dhabta ah waxa aanan rajeynayaa inaad noqon doonta mid naftiisa iyo nolosha uu ku suganyahay wax ka badela,

Advertisement

Ku Xayeysiiso