Somaliland Waxay Qaaday Jidkii Dhimashada Hargaysi Waa Cakiska Xamar

Qaramimadeenii maanta inqilaabaa ku dhacay, af duubaa ku dhacay waxa awood dawliya loo adeegsaday meel marinta, keenista, heshiis lala galo ciidamo shisheeye oo aanay jirin habayaraatee wax baahiya oo inoo haysaa, sharciyadii dalka lama ixtiraamin xildhibaanadii diiday foolxumadan ee xasaanada huwaanaa lama qiimayn ee waxa la qiimo tiray sharciyadii qarankani lahaa, ma jirto maanta gunimo ka weyn ta dhacday oo soomartay dawladnimada Somaliland.

Eeda iyo dhaliisha ugu weyn waxa leh cidii sidatay ama waday heshiiskan xaaraanta ah maaha maanta waxa dhacay mid lagu eedayn karo cid aan kuwaa ahayn

Waxa isna meesha ka maqan doorkii shacabka awooda ugu weyn ee qaran leeyahay waa shacabkiisa iyagaana u haya gobanimo iyo gunimo hadba tii timaada shacabka midaysan ee isku aragtida ahi waaka badbaadsada qaranimadiisa sida ka dhacday dhawaan dalka turkiya oo afgambi la qorsheeyay shacabku fashiliyeen

Dhankasta oo aad ka eegto duurafaha maanta jiraa waa kuwii lagaga bixilahaa talo midaysan oo ka timid maskax fayow oo qaangaadha

Isbeselka siyaasigaa ee maanta ka dhacay koonfur waa mid ka hor imanaaya isbedelada ka socda Somaliland runtii waa opposite kooda waayo koonfur waxa la doortay madaxweynihii shacabku rabeen oo waliba mucaarid ah islamarkaana ay dooranayeen xildhibaano koobani, in arintaasi suuro gashaa waxa ay ahayd waxaan koonfur iyo xamar laga filnayn waxa iyana intaasi sii dheer waliba madaxweynaha xamar laga doortay waa kii diidanaa ciidamada shisheeye ee AMISOM aminiga xamarna suga.

Taa bedelkeed waxa maanta hargaysa ka dhacay waa ta xamar cakiskeed kaasi oo ah in si jujuuba lagu meelmariyo jacaylka loo qabo ciidamo shisheeye oo dalka yimaada

Hadaba waxa is weydiintu tahay waa waa maxay sababta muqdisho oo colaadi ka jirto dagaalo ka socdaan lagu diidan yahay ciidamadii shisheeye ee amniga sugaayay, hargaysa oo nabada awooda ciiidankeeduna dhisanyahay sababta keentay baahi ciidaan shisheeye oo dalka yimaada?
Waa su,aal mudan in si saxa ah looga jawaabo

Shaki la,aan waxa muuqata in siyaasada dalka aynu jaarka nahay kana go’nay ee soomaliyi kor u soo kacday ta Somaliland hoos u dhacday minqiyaaskaasina waa mid aan wax ku cabirikarno dhaqan ahaan, siyaasad ahaan iyo duruuf ahaanba
(wixii kula midaa laysu dherershaa)
(Allow madaxayaga mijo haw celin)

AFMEER

Fariintan yar ee kooban waxaan ku soo gunaanada dhawr su’aalood oo kooban una baahan in laga bixiyo jawaab waafiya si loo garto wixii qaldan iyo wixii saxa ah taasina jawaabteeda waxaan u dhaafayaa akhristayaasha
1-Waa maxay baahida aan u qabno ciidamo shisheeye oo dalka yimaada?
2-waa maxay doorka siyaasigaa ee inoogu jira?
3-waa maxay fursadaha dhaqaale ama harumarineed ee inoogu jira saldhig ciidan?
4-UAE matahay dawladii ku haboonayd in aan saldhig siino?
5- aragti sax ah matahay in aan saldhig ciidan iyo dekedii aan heshiis kula galno hal dal siyaasiyan?
6-sharciyada loo maray ansixinra nuxurka heshiisku sharci ahaan sax ma tahay?
7- wixii aan heshiis laba dhinaca aanay sexeexin in la meelmariyaa ma tahay sharci?
8- in xildhibaanada la xidho gacana loo qaada matahay arin sharciyada waa faqsan?

Su,aalahaa iyo kuwo kale hadii aan is weydiino kana jawaabno waxa inoo muuqanaysa ama aynu kala garanayna wixii danta qarankaa iyo wixii aan ahayn jawaabtiinu waa mihiim

Wabilaahi tawfiiq.
Nuuradiin Diini

Advertisement

Ku Xayeysiiso