Saldhigan millateri Somaliland wuxu ka dhigi doonaa goob dunidu ku tartanto By Axmed Cabdi Ducaale

Waxan soo dhawaynayaaa dalabka
Dawladda imaaraadku usoo gudbisay xukuumadda Somaliland kaasi oo ah in la siiyo base millatery ama saldhig milateri

Saldhigan millateri Somaliland wuxu ka dhigi doonaa goob strategic ah (muhim ah) oo dunidu ku tartanto
Sidaynu ogsoonahay wadankeenu wuxu u baahan yahay maalgashi iyo ictiraaf 
Taasina suura geli mayso ilaaa dunidu ina barato maalgashina laga sameeyo wadankeena
Waa wax iska caadi saldhig millateri in wadan ka samaysto wadan kale tusaale
Wadankan aynu jaarka nahay ee jabuuti
Waxa saldhigyo millateri ku leh wadamada
Maraykanka, france iyo shiinaha
Ma qabsan oo ma haystaan lkin waxay wadaagaan dano u dhexeeya iyaga
Waxay ka taageran waxbarashada,caafimaadka, iyo kaabayaasha dhaqaalaha ,fursadi shaqo iyo maalgashiyo caalami ah

Hadaba waaa maxay muhiimaddu uu Somaliland u leeyahay saldhigan millateri

1.Somaliland wuxu ka dhigayaa goob muhim ah oo dunidu kusoo tartanto
2.dhiiri gelinta inaynu helno maal gashiyo caalami ah sida ka DP world
3.waxay Somaliland ka helaysaa fursado shaqo abuur waayo waxa shaqo ka heli doona dad badan oo reer Somaliland
4.waxa inoo fududaanaysa inaynu deeqo waxbarasho ka helno wadankaa maalgashiga samaynaya
4.tababaro kor loogu qaadayo xirfad la yaasha caafimaad ee wadankeena
5.Somaliland inay noqoto goob muhim ah oo dunidu isku soo hallayso
6.in Somaliland la barto oo ay ictiraafka inoo fududayso

Wadankeenu ahaan maayo qoobad aynu hoosta ka xidhanay ee waxa muhim ah in aynu dunida u bandhigno khayraadkeena iyo doorka aynu ku leenahay amniga mandaqadda

1960kii ayaa dawladii ingiriisku tidhi aan idiin dhiso college lagu barto culuumta caafimaadka kaas oo noqonaya machadka ugu qaalisan ee geeska afrika macaahidda lagu barto caafimaadka
Bulshadii markay joogtay way ka hor yimaadeen iyagoo ku andacoonaya inuu arimo kale ka leeyahay
Ingiriiskii arintaa aad buu ula yaabay
Isla markaana mashruucii wuxu u wareejiyay wadanka suudaan oo uu ka hir geliyay college kii
Collegkani hadda wuxu noqday ka ugu qaalisan ee lagu barto culuumta caafimaadka geeska afrika oo dhan

+++++++++++++++++++++++++++++++++
+++++++++++++++++++++++++++++++++.
Hadaba bulahadeenu miyaanay ka ilbaxayn ii iinyada iyo waxaaas la qaban maayo
Miyaanay dhibaato ahayn inaynu u fekerno
Sida ay u fekerayeen odayaashii noolaaa 1960kii
Hadaynu nidhaahno waddo la dhisi maayo,
Oo wershadd la dhisi maayo ,oo shidaal la qodi maayo dee xagaynu ku soconaa idinkaan idin weydiiyee?

Bulshadda waxan usoo jeedinayaa inay si wacan u fekeraan isla markaana taageeraan horumarka wadanka iyo maalgashiyadda wadankeena ka socda

Wabillaahi tawfiiq

W/Q Axmed Cabdi Ducaale

Advertisement

Ku Xayeysiiso