RW Ku-Xigeenka dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka

RW Ku-Xigeenka dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Jeneraal Siciid Xasan Geedi oo ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) oo maalmihii dambe lagu dabiibayay.

Mudane Carteh ayaa Alle uga baryay in Marxuumka uu ka waraabiyo jannatul firdows.

“Inaa Lilaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun, waxa aan tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, asxaabtii, Baarlamaanka Federaalka, Dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Siciid Xasan Geedi. Ilaahay haku abaalmariyo Janatul Firdows.”

Marxuumka ayaa kamid ahaa Xildhibaanadi lagu soo doortay magaalada Muqdisho, isaga oo Baarlamaanka Federaalka ah ku soo biiray sannadkii 2012 horeyna uga tirsanaa Ciidanka Xooga oo uu ka gaaray darajada Jeneraal xiligii dowladii kacaanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso