Ciidamada Booliska Somaliland Ayaa Gacan Qad iyo Jidh-dil Isugu Daray Saddex Gabdhood Oo Kamid Ah Suxufiyiinta Ka Hawl-Gala Magaalada Hargeysa

Ciidamada Booliska Somaliland Ayaa Shalay Galinkii Danbe Jidh-dil u Gaystay Saddex Gabdhood Oo Kamid Ah Suxufiyiinta Ka Hawl-Gala Magaalada Hargeysa.

Saddexdan gabdhood ayaa kala ah Warda-sagal Axmed Rooble, Samsam Cabdillaahi Cismaan iyo Ikraan Siciid Diiriye.

Warda-sagal Axmed Rooble oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ciidamada Booliska Saldhigga  Maxamed Mooge ay jidh-dil xun u gaysteen, iyadoo sheegtay in saldhiga ay ku booqanayeen qof ehelladooda ah oo ku xidhnaa.

Warda waxa kale oo ay sheegtay in cunto iyo sharaab ay sideen qofka maxbuuska laga daadiyay isla markaana ay garaacis xun u gaysteen ciidanka Saldhiggaas.

Hadab Is Weydiinta Ayaa Ah Maxay Sameyeen Ee Hablahan Lo Jidh-dilay ?

Dadbadan Ayey Arintani Aad Uga Xumaday

Advertisement

Ku Xayeysiiso