Barnaamijka Guulaystayaal Geeddiga Wadaay-Wadaay Qeybtiisa 4-Aad

Qormo Muhiim ah: Muluq-muluqda Xafiisyada

Barnaamijka Guulaystayaal Geeddiga Wadaay-Wadaay Qeybtiisa 4-Aad

 

Dhugta oo u dhaga-nuglaada, kuna Dhaqma 100-ka Qodob ee ka fog Siyaasadaha ee aynu ku Kasbaneyno Horomarka iyo Wada manfacsiga Dheefta Danaheena Guud ee lagu Gadhayo u Hagar-Baxa Maamul-Wanaaga ah Oo aan Hal Senti Inagu Kacayn Fulintoodu.

Qodobkii 9-aad: Muluq-muluqda Xafiisyada

Sidaynu dhammaanteenba ka war hayno, xafiisyada dawladda, kuwa gaarka loo leeyahay, kuwa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa ururrada maxalliga ahba, waxa lagu ogaan jiray in shaqaalaha xafiiska loo diyaar gareeyo kursigii iyo miiskii uu ku shaqaynayey iyo tansiilaadkii kale ee hawshiisa u fududaynayey. Waxa uu shaqadiisa ku wadan jiray xafiiskiisa dhexdiisa. Waxa kaliya oo uu ka bixi jiray xafiiska marka hawl daruuri ah ay timaaddo sida marka uu xamaamka tegayo, nusasaace u baxo iyo markuu sigaar cabbayo oo uu debadda ku soo cabbi jiray hadduu balwaddaasi leeyahay. Waxa kaloo jiri jiray qof shaqaale oo dhex mare ahaa lana odhan jiray Biyatooni, kaasi oo waraaqaha iyo wixii xafiisba kale uga baahdo ka dhex adeegi jiray.

Haddaba, haddaad u fiirsato xaaladda imika taagan ee xafiisyadda waddankeenna lagu shaqeeyo, waxay aad uga duwan tahay nidaamkaas jiri jiray. Waxaad arkaysaa qofkii loogu talo galay inuu xafiiskiisa ku shaqeeyo aanu fadhiyeyn, ee dhowr iyo toban jeer kacayo oo kolba xafiis galayo. War-wareeggaas uu kolba u kacaayaana wax kale maahee wuxuu inta badan iska dhaadhicinayaa ninka xafiiskaas maamula amma madaxda ka sarraysa. Waxa kale oo dhici karta inuu war u kala sido shaqaalaha meesha oo uu madaxda ka sarreysa ku dirayo. Mar-mar waxa dhacaysanuu debadda dad ugu baxo oo in badan halkaasi kula sheekaysto, halkii ay ahayd inuu magaalada kale kula ballamo. Halkaasi waxay noqonaysaa muluq-muluq aan faa’iido lahayn. Waxa kala dhantaalmaysa hawshii loo igmaday, oo waxa yaraanaya wax-soo-saarkii iyo waxqabadkii shaqada. Sidoo kale, waxa badanaya xasadka, istusnimada, kalsooni la’aanta, kala dambayn la’aanta iyo tayo-xumadii shaqaalaha, oo haddii uu warqad qorayo waxa dhacaysa inuu toban jeer soo waydiiyo ninkii ka sarreeyey. Sidoo kale, waxaad arkaysaa hablihii masaxi jiray xafiisyada ee iman jiray waqti hore, ay imika yimaaddaan xilli dambe oo aad arkayso shaqaalihii oo debadda iska fadhiya oo sugaya inta la masaxayo xafiisyada. Waxa cad in aan la eryi karin inanta masaxda xafiisyada, waayo waxay ku joogtaa qaraabo iyo ehelnimo amma qabyaalad.

Dhammaan arrimahaasi waxay ku saxmayaan maamul-wanaag lagu dhaqmo, oo aan hal senti inagu kacayn. Haddii la hirgaliyo maamul-wanaag waxa iman lahaa wax-soo-saarka oo bata, kalsoonida oo korodha, aqoonta oo shaqaysa, xisaabtan yimaad, dhaqan-xumada oo yaraata, jiilasha dambe oo kaga dayda iyo hormar guud oo la gaadho.

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781

Hargeysa, Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso