Heshiiska Isbahaysiga carbeed la siinaayo Saldhiga Berbera waa arin khatar ku ah Shacabka iyo jiritaanka qaranimada Somaliland. Qalinkii Abdirahman fidhinle UK.

Goroonka dayaarahada ee magaalada Berbera oo ay hore udhiseen Ruushka iyo Mareykanku waa Garoonka ugu dheer geeska Africa waana garoonka ugu istiraatiijad fiican Mandaqada geeska Africa.Dawladaha huwanta ah ee isbahaysiga Carbeed waxay Sadhigan u doonayaan oo ku ilaa shanayaan danahooda gaar ah ee inaga Somaliland ahaan maxaa Faa’ido inoogu jirta ?  Waxaa iyana cadaan ah in dariiqan loo marayo Wareejinta Saldhiga Berbera uu yahay mid khaldan oo aan waafaqsaneyn xeerarka Caalamiga ah ee aduunka u yaala sida xeerka  ” Viena protection” ee qaramada midoobay ay qalinka ku duugeen  sanadkii 23/5/1969″  Sideedaba Saldhigu maaha maalgelin ee waa Dagaal gelin iyo difaac gelin oo waxaa saxeexan kara oo keliya laba dawladood oo la ictiraafsan yahay, laakiin Somaliland lama ictiraafin ee talow ma Xamar baa u saxeexaysa heshiiskan ?
Somaliland hays weydiiso hadii ay Saldhigan bixiso oo la soo weeraro cida Xuutiyiinta ka difaacaysa Gantaalahooda ridada dhaadheer ee loo yaqaano “Aliskandar”
kuwaas oo Xuutiyiintu haystaan oo ridadoodu gaadho ilaa iyo 800 km ?   Ma waxaa gantaalahaa ka difaacaya ciidamada imaaraatka ee iyaga laga difaaco cadowgooda?
Somaliland Saldhigaa hadii ictiraaf buuxa loogu bedelaayo ayuun baa la qaadan karaa, hadii kale waa talaabo khaldan oo doolar urursi ah ee Xukuumadu ha ka waantowdo.
 Saldhiga Berbera hadii la bixiyo wuxuu inoo keenayaa dhibaatooyinkan tirada badan ee hoose, sidaa daraadeed waa in dhamaan shacabweynaha reer Somaliland muujiyaan Awoodooda ay ku diidan yihiin wixii nabadgelyo xumo u keenaaya:
1- Marka Saldhiga la siiyo iyadoo hore loo siiyey shirkada DPW Dekeda berbera waxaa dhiig bax iyo dhaawac badani soo gaadhayaa qadiyadii iyo qaranimadii JSL.
2- Waxaa Colaado hor leh inoo qaadaya Dawladaha Jaarka ah sida Eithiopia iyo Yaman, waxaana JSL noqonaysaa goob lagaga duulo dal muslin ah.
3- Hadii Badeena dagaal ka dhaco dhamaan maraakiibta xamuulku way istaagayaan oo waynu gaajoonaynaa ileyn cunto ma beeranee
4- Hadii Masar oo hogaaminaysa inbahaysiga carbeed ay Eithiopia oo ay biyaha Nile isku hayaan isku dhacaan waa la isla keen jiidhayaa
5- Waxaa iyana laga yaabaa in hadii labada quwadood ee iiran iyo Mareykanku ay isku dhacaan uu dabkoodu Somalilandna soo gaadhaayo.
6- Waxaa laga dhawaajiyey in Xukuumadu moqorofad gun la’a la wareegayso waxaana la sheegay in lacagta lagu wareejinayaaba tahay $1.2 million oo keliya
7- Marka Saldhigaa la wareejiyo waxaynu dib ugu noqonaynaa gacantii Carabta kibirtay oo aan doonayn in aynu dal jira noqono.
8- Heshiiskani wuxuu saameyn taban ku yeelanayaa nabadgelyadeena iyo xasiloonideena laynagu majeerto waxaana uu inoo keenayaa cadaawe sokeeye iyo colaad hor leh.
9- Somaliland waxay ku hafan doontaa qorsheyaasha is hirdiyaya ee iiraan iyo reer Galbeedku ka wadaan marin biyoodka gacanka cadmeed ee aduunka isku xidha.
10- Hadii laga fursan waayo in la bixiyo Saldhigaa khatartiisa leh waxaa loo baahan yahay ” Afti-Dadweyne iyo Talo qaran” in lagu wareejiyo Saldhigaas.
 Marna suurto gal maaha in laga saxeexo oo keliya sadexda Gole heshiis aan bisleyn oo aan laga baaraan degin maadaama sadexdaba maandheyt koodii uu dhamaaday oo ay mudo kordhis kuwada  fadhiyaan kuraasta.
Sida lawada og yahay Dawlada imaaraadka Carabta marka Siyaasada Caalamka la falan-qeynaayo iyaga xaalkoodu waa “yes” oo waxay dabada geliyaan oo ay xidhiidh iskaashi oo xaga milateriga la leeyihiin Mareykan ka iyo ingiriiska sidaa daraadeed Saldhigan ay rabaan waxaa ka danbeeya labadaa dawldood ee waaweyn. shaqsiyaadka  xukunka u haya dawlada imaraadku waxay had iyo jeer la saaxiibaan madaxda africa oo ay qasriyo yar yar, seefo iyo qalimo dahab ah siiyaan kuna laaluushaan mana ixtiraamaan shuruucda aduunka iyo Dimuqraadiyada aduunka ka jirta ee kolba waxay eegaan oo lacag laaluush ah ku bedeshaan danahooda gaar ka ah. Somaliduna waxay ku maah maahdaa ” Saaxiibadaa waad kala dooran kartaa , Laakiin Jaarkaaga ma kala dooran kartin ” Sidaa daraadeed Xukuumada Somaliland waa in ay Saldhigaa ka fiirsataa khatartiisa hadii kale waxay Colaad hor leh iyo Cadaawe sokeeye inoo gelinaysaa wadamadda  ma huraanka ah ee aynu Jaarka nahay.
Guntii iyo Gebagebadii : Sadexda Gole ee qaranku ha kala doortaan maanta in ay Somaliland jirto iyo in ay baaba’ado, hadii sadexda Gole ay ansixiyaan Saldhigan dalka halista gelinaaya waa khiyaamo qaran oo iyaga ayaa ka masuul noqonaaya cawaaqib xumada ka dhalata Saldhigaas. Gaar ahaan Shaqsiyaadka heshiiskan Saxeexa waxaan usoo jeedinayaa in dawlad- dawlad la is kala tegi doono marka khasaare yimaado ee dhimaso iyo dhaawac yimaadaan oo iyaga ayaa uqoolan oo ka masuul noqon doona khasaaraha ka yimaada Saldhigaa ciidan ee dagaalka iyo dulaanka wada ee ay dalka ku soo waaridayaan, Waana iyaga iyo Allahood !!
Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

Advertisement

Ku Xayeysiiso