Wasiirka Duulista Oo La Kulmay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Intii Ay Socdaalka Shaqo Ku Joogeen Adisababa

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haye ayaa sheegay inuu Xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Gaadiidka Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya intii ay ku sugnaayeen Magaalada Adisababa ee Xarunta Wadankaasi.

Wasiika Duulista Faraxaan Aadan Haybe Waxa uu sheegay in ay wasiirka ka wadahadleen xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeya labada Wasaaradood ee qotada dheer iyo sidii ay uga caawin lahaayen Hawlwadeenada Wasaarada Duulista dhnaca tababarada isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi:-“ Waxaan xafiiskiisa kula kulmay wasiirka gaadiidka Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya mudane Axmed Shide, waxaananu ka wada hadalnay xidhiidhka shaqo ee labada wasaaradood iyo sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen dhinacyada tababarka shaqaalaha madaarada iyo kuwa hawada iyo hagista diyaaradaha.”

Dhanka kale waxa uu Wasiir Farxaan sheegay in ay la kulmeen isaga iyo Waftiga uu la socday Raysal Wasaaraha Itoobiya Md. Hailemariam Desalegn , waxaanu yidhi Wasiirku:-“Waxa kale oo aniga iyo waftigii kale ee xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland aanu kulan dheer oo qaatay 2 saacadood kula yeelanay xafiiskiisa raysal wasaaraha Itoobiya mudane Hailemariam Desalegn. Kulankaas oo lagu gorfeeyay la iskulana meel dhigay arrimo badan oo ku aadan danaha labada dal.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso