Madaxweyne Shacabkaa ku doortay ee taladooda dhagayso

Mudane Madaxweyne Hambalyo mar labaad, Waxaa makhraati ma doonto ah in shacabka Soomaaliyeed taageeradooda ay ku muujiyeen Baraha Bulshada, markastana aad marsiin jirtay fariimaha ku aadan ololahaaga doorasho ay wax weyn ka badashay quluubta xildhibaanda oo aan ognahay in rag dhaqaalo badan ku baxsadeen si ay iyaga ugu codeeyaan. Maanta waxaa tahay Madaxweyne shacabku doorteen ma tihid madaxweyne Xildhibaano doorteen, waxaan kaa codsanayaa in fariimaha dhaxal galka ah ee laguu soo marsiinayo Baraha Bulshada aad u qaadato si dhab ah maadaama dad badan oo shacaka ah aysan awoodi karin in aad kulantaan duruufo badan oo jira awgood.

 

Mudana Madaxweyne Abaaraha dalka ka jira waa dhibaatada ugu weyn ee shacabkeena maanta haysata, kuma filna baaqyo laga soo jeediyo xaflado, hoteelo shir jara’id lagu qabtay iyo kulamo ay ka qayb galayaasha hortooda ay safan yihiin cuntooyin iyo cabitaano kala duwan halka kuwa dhibaataysan laga yaabo in aysan sadex waqti waxba  cunin.

 

Mudane Madaxweyne waxaan kugula talinayaa in safarkaaga ugu horeeya aad ku tagto Bariga fog ee Puntland halkaas oo ay u hayaameen xoolo dhaqato ka kala timid, Somaliland, Galmudug, Kilika Shanaad, iyo gobolada Puntland, waxay goobtaas isu badashay xaruntii Midnimada Soomaaliya adigoo horay u sii kaxaysanaya safiirada beesha caalamka ka jooga Soomaaliya oo ugu horeeye wakiilka QM,. Mudane Madaxweyne adigoo Xamar jooga codsi aad jeedisay waxaa ka saamayn badan adigoo goobtii dhibaatadu ka jirtay aad shacabka Soomaaliyeed intooda wax haysta codsi uga jeediso iyo beesha caalamka, waxaan hubaa in dhibaatada hada jirta ay dabooli karaan wajigeeda dhiig joojinta shacabkeena Soomaaliyeed.

 

“Hadii qof dhaawac yahay oo isbitaal ku jiro aad dul tagto kana hadasho xaalkiisa iyo hadii aad adigoo qolkaaga joogta aad idaacadaha ka tiraahdo hebel waa dhibaataysan yahay ee wax ha loo qabto, waa dareemi kartaa saamaynta ay ku yeelan karto dadka quluubtooda iyo  nooca gurmad oo uu qofkaasi heli karo”

 

Waxaa tusaale noogu filin ka turjumaya arinka aan ka hadlayo, Sawir qaadihii reer Kenaya Allaha ha u naxariistee Maxamed Amiin oo ahaa ninkii indhaha beesha caalamka ku soo jeediyey Abaartii ba,anayd ee ku dhuftay dalka Ethiopia 1984, kadib markii bogaga journalada ka soo baxa caalamka lagu soo daabacay sawiro naxdin leh oo muujinaya heerka ay gaarsiisan tahay abaartu. Maanta meeshii oo kale ayeey taagan tahay, waxaa la saadalinayaa in abaartu ay sii daba dheerato marka la fiiriyo xili roobaadka. Waxaa jira gobolo badan oo koofurta Soomaaliya ah oo ay abaartu si weyn u saamaysay, dadkiina ay bilaabtay in ay geeriyoodaan, qaabka kaliya ee dhiig  joojin loo samayn karo waa in goobta aad tagto shacabkana la hadasho.

 

Mudane madaxweyne inta shacabku u heelan yihiin taageeradaada, inta ay jirto xamaasada isbadal doonka, inta ay jirto dhaga fudaydka beesha caalamka, waa inaad u istaagto wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira, waxaan filayaa in aad wax weyn ka qaban kartid arinkaas uuna noqon doono mid ka mid ah fulinta balanqaadyadii aad u samaysay shacabka.

 

Diraac Salaad Fagaase

 

Agaasimihii hore ee Warfaafinta Xafiiska Raysal Wasaaraha ahana Lataliyaha Wasiirka Maaliyada ee dhanka Saxaafada

Advertisement

Ku Xayeysiiso