Doorashada Xamar, ma ummulba ilawsha dhawaa dadkaygu, Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

 

 

 

 

 

Doorashada Xamar, ma ummulba ilawsha dhawaa dadkaygu, Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Soomaaliya waxa ka bilaambay aragti Jibo wadaniyadeed oo cusub (Nationalism),waana xoog iyo dareen wax lagu dhaqajin karo taas ba keentay in lacagti iyo laaluushki aad u shaqayn waayo oo si xarago le loo doorto Farmaajo caawa iyo Cabdi Xaashi oo hore aqalka sare loogu doortay, dadku waxa ay khaaratiyaan ka istaageen hogaan dabo dhilifa oo ay wax u yeedhiyaan waddamada jaarku. Soomaaliland madaxdeeduna waa  la mid dabo dhilifnimda oo waxa aad arkisa nin wayn oo madax soo ahaan jiray ama laabta ku haya oo le, hadaynu waxa samayno jaarka xanaaqaya, xagu jaarku jooga. Soomaaliya god dheerbay ku dhacday, haddii hogaan saxa oo ka soosaaraya uu meesha yimaadana anigu waan soo dhawaynayaa in Soomaaliya dhibta iyo duliga ay ka gilgilato laakiin dhibi waxa ay joogta marka taariikhdii hore la iloobo, oo qadiyada Soomaaliland la isku dayo in la dafiro oo nin moofo ka dhargay uu yidhaahdo aniga xukuma gobolada waqooyi, isaga oo idhaha ka qarsanay waxa dad iyo dal tashaday 26 sano ka hor gaadheen.

 

Dadka Hargaysa jooga ee aadka ula socday daawashada madaxwaynaha Soomaaliya ma aha jacayl cusub oo dadka galay ee waa dadkii xooga ula socday doorashadii Taraam ee Maraykan oo aan waxba uga cabin, laakiin in ay daawadaan Soomaaliya oo madaxa kaga duuban way ku saxan yihiin. Waxa isna muuqda isbadal iyo xiiso xad dhaafa oo dhalinyarta Soomaaliland ee camal la’aantu idhaha ka riday badan kooda ku dhex faaftay oo ah in aad loogu hambalyeeyo qofka shaqo ama xildhibaanimo loogu doorto Soomaaliya iyada oo reerahu ay tirsanayaa xildhibaanka muqdisho uga soo baxa, tani waa dhib iyo laabla kac cusub oo haddii aan dib u cusboonaysiin aan Soomaalilandta lagu samayn, ragga kuraasta qaranka yeeshayna sharcigu qaban meel baas laga raadin doono xalkeeda.

Madaxda Soomaaliland kuwa imika dalka xukuma iyo kuwa soo feedhanayaba laga yeeli maayo in ay dadka reero u kala qaybiyaan si ay u xukumaan ama ay ugu heesaan dalka nimcaa fadhida iyadoo la bakhtiyayo, ee waxa looga baahan yahay qorshe xawli ku socda oo la jaanqaada isbadalada geeska ka socda iyo kor u socodka dawlada fashilantay ee Soomaaliya. Dadka waddama jaarka la sirkhaansan waxa aan u sheegaya way dhaaftay adduunyada xiligi adoonnimada iyo nin aan ku ogaynba laysku xoqi jiray ama cida aad dhab ahaan uga baqayso.

Dadka reer Soomaaliland qiirada shanta daqiiqo ah waa lagu yaqaan, Soomaalida waxa aan xasuusinaya calanka tawxiidka lagu qoray dagi maayo waligii, barashona isuguma keen hadhin, waxa calanku nagu joogaa 50,000 qof dhimashadood iyo wixii 1000 sano la dhaqanayay oo dharaar cad laga cararay. Ninka Soomaaliya u shaqotaga bariiska Alle haw barakeeyo, laakiin talo meel bay ku tiirsan tahay, wallaanimada iyo wada hadalkuna waa inoo dhex.

 

Bare Sare iyo Cilmi baadhe: Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

hhmadaxyare@yahoo.com; + 252634418302

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso