Maxaa Hor Taagan Ansixinta XEERKA BOLISKA Law No 63/2013?

 

20/1/2016

Maxaa Hor Taagan Ansixinta   XEERKA BOLISKA Law No 63/2013?

Hordhac

 Mawaafaqsan Tiyiin Dastuurka 9ka   Qodobada Ee Ay Madaxtooyadu Dib Ugu Soo Celisay   Golaha Wakiiladda Jsl?

Waxaa  hor keenay Golaha Wakiilada, Xeerkii aasaaska Booliska oo Golayaasha sharci dejinta Somaliland (Golaha Wakiilada & Golaha Guurtida) ay ansixiyeen, oo ay M/waynaha u gudbiyeen 15/01/2014, oo uu M/wayne ku xigeenku ku soo celiyay Golaha Wakiilada 03/02/2014, isagoo qodobbo ka mid ah xeerkaa soo jeediyay in laga saaro, qaar kalena in wax laga bedelo.

Haddaba, M/wayne ku xigeenku wuxuu xeerka aasaaska Ciidanka Booliska ku soo celiyay si looga saaro qodobada bulshada rayidka ah ee aan hubaysnayn ka ilaalinayay in Boolisku u adeegsadaan oo ku laayaan hubka & rasaasta ummadu leedahay, wuxuu kaloo soo jeediyay in xeerkaba laga saaro qodobbada dhisayay Guddi madaxbanaan oo dadka rayidka ahi uga cabanayso xadgudubyada xubnaha Ciidanka Boolisku kula kacaan.

Waxaa xaqiiqdu tahay marka soo jeedinta M/wayne ku xigeenka la qaato, xeerka ciidanka booliska wuxuu noqonayaa mid u fasaxaya xubnaha Ciidanka Booliska in ay rayidka Somaliland ee aan hubaysnayn rasaas (xabado nool) u adeegsan karaan oo dhimasho iyo dhaawacba ay gaysan karaan, mar kasta oo ay rabaan cid looga cawdo iyo cid looga dacwoodaana aanay jirayn, waxyeelada ay gaystaana cidina wax iska waydiin karin, taas oo khatar wayn ku noqon doonta nafaha iyo nolosha bulshada Somaliland ku nool, sidoo kalena nabada iyo xasiloonida bulshada Somaliland kharar ku soo wajahan noqon doonta,

Arrintan oo nolosha iyo nabadgelyada qofka aadamaha khatar ku ah, waxaan halkan ku  iftiiminayaa Qodobada M/wayne ku xigeenku soo jeediyay in laga saaro  Xeerka aasaaska Ciidanka Booliska (Xeer Lr.63/2014), kuwaas oo aan mid-mid u faahfaahinayo waa sidan:

Marka hore anigoo tix-raacaya Qoraalka sumadiisu tahay Ref: RSL/VP/GW/04-00372/0214 ee ku Tr: 03/02/2014 ee  uu madaxwayne ku xigeenka jsl Muddane C/raxmaan Ismaaciil Saylici oo ahaa ku simaha Madaxwaynuhu uu ku soo celiyay qodobo ka mida Xeerka Booliska Xeer:Lr.63/2013.

Qoraalkan oo u dhignaa sidan:

Ujeedo: Soo jeedin wax ka-badal iyo Wax-ka-saarid Qodobada 16aad,17aad,32aad,34aad,35aad,36aad,44aad,45aad, iyo 46aad ee Xeerka booliska xeer: Lr.63/2013 waxaan soo jeedinayaa  inaad wax ka-badel ku samaysaan qodobadan.

Hadaba hadaynu qodob- qodob u kala qaadno sida uu u qoranyahay qoraalkani

  1. Qodobka 16aad Faqradiisa 7aad oo uu u dhigay sidan.

“ Ciidanka boolisku xabad nool uma adeegsan karaan dad aan hubaysnayn,haday dhacdana waxa ka masuul ah ciddii amarka bixisay”

Faqradani waxa ay ka hor imanaysaa faqradaha 2,3,4,9  ee  isla qodobkan iyo qodobka kale ee 35XCG.

Waxa uu madaxwayne ku xigeenku soojeediyay in laga saaro faqradan.

FG: Hadaba cidkasta oo ay arintani khusayso gaar ahaan xildhibaanada labada gole waxaan u iftiimanayaa faqradan 7aad  ee  qodobkan 16aad sida  ku xusan qoraalkan M/k/xigeenku ku soo celiyay  maaha mid ka hor imanaysa faqradaha 2,3,4,9, ee qod: 16aad waayo maaha faradahan kale qaar fasaxaya in dadka aan hubaysnayn xabad lala dhaco ama loo adeegsado, sidoo kale ma jirto  sabab sharci oo ay kaga hor imanayso qod: 35aad ee xeerka ciqaabta guud waayo qodobkani waxa uu  ka hadlaa difaaca gaarka ah ee naf  iyo maalba soo wajahda ee xiligaa tagan ee khasabka ay ku tahay inuu difaaco shuruuda ku xidhanina waa inay markasta isku dhigmaan difaaca (Difesa) iyo hujuunka (All’offesa). Sidaa darteed maaha qodobkani mid fasaxaya  dadka  aan hubaysnayn in  xabad  lala dhaco sida aad ka fahamayso nuxurka qoraalka lagu soo celiyay xeerka, hadaba waxa si cad inoogu muuqata in loo marayo wada kasta oo lagu banaysanayo  in dadka aan hubaysnayn  xabad nool loo is ticmaalo cida ciidanka amartana aan lala  xisaabtamin taasina waa mid inoo horseedaysa dad iyo dalba fawdo horle sidoo kale  waxay  ka soo hor jeeda dastuurka dalka iyo xeerarka kale ee inoo dajisan iyo xeerarka xuquuqal insaanka ee caalamigaaba.

 

  1. Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan qodobbadan:
  • Qod:24aad, faqrada 1aad ee Dastuurka oo u dhigan sidan: “Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo”.
  • Qod:24aad, faqrada 2aad ee Dastuurka oo u dhigan: “Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.”
  • Qod:24aad, faqrada 4aad ee Dastuurka oo u dhigan sidan: ” Dambiyada laga gab xuquuqda qofka sida xasuuqa, dil maxkamad la’aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf.”
  • Qod:21aad, faqrada 2aad oo u dhigan sidan: “ Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan.”
  • Qod:10aad, faqrada 2aad oo u dhigan sidan: “ Jamhuuriyadda Soomaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga {Universal Declaration of Human rights}. Sababtoo ah wuxuu ka soo horjeedaa Axdiyada Qaramada midoobay ee xuquuqda Aaadamaha iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha (UDHR), gaar ahaan:
  • Qod:3aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha (UDHR) oo u dhigan sidan: “Qof kastaa wuxuu leeyahay xaqa nolosha, xorriyada iyo nabadgelyada qof ahaan”.
  • Qod:6aad ee Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqaha Siyaasadeed iyo madani oo u dhigan sidan: “Dhamaan dadku waxay leeyihiin xaqa asalka ah ee nolosha, xaqan waa in xeerar lagu ilaaliyaa. Qofna xaqiisa nolosha si gardaro ah loogama xayuubin karo”.
  1. Qodobka 17aad faqradiisa 5aad oo u dhigan sidan

“ Sarkaalka u dira hawl aan sharciga  waafaqsanayn xubin ama koox ciidanka Booliska ka mid ah , isagaa ka masuul ah wax kasta oo khalad ama gef ama khasaare ka yimaada hawlgalkaa”

Faqradan qaab qoraaledkeedu waxa uu wiiqayaa xilgudashada ciidanka sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa in loo qoro “Sarkaalka u diraya hawlgal xubin ama koox ciidana Booliska ka mida waa in uu amaradiisa ku saleeyaa xeerarka dalka”  M/K/X ahna K/S  Madaxwaynaha.

FG: Waxa si cad u muuqata in hadii soo jeedintan danbe la qaato ay meesha ka baxayso dhamaanba la xisaabtankii sharci ee xubnaha bilaysku oo loo fasaxayo inay sameeyaan waxkasta oo sharci iyo sharci daro ah ba,waxa kale oo ay is waydiintu tahay hadii soo jeedinta danbe la qaato oo u dhigan waa inuu amaradiisa ku saleeyaa xeerarka dalka u dajisan maxaa laga yeelayaa haduu ku salayn waayo soo markaa idiinma muuqato in aan sharciba loo baahnayn .

  1. Sidoo kale waxa aan soo jeedinayaa in laga Saaro Qodobada: 32aad,34aad,35aad, 36aad.  M/K/X/ ahana K/S Madaxwaynaha.

FG: Qodobadan oo ah kuwii dhisaayay gudidii dadwaynuhu uga soo cabanaayay xadgudubyada iyo tacadiyada sharci daradaa ee xubnaha bilayskaa kagayimaada           Gudidan oo ah gudi madax banaan oo baadhaysa dacwadaha iyo cabashooyinka dadwaynuhu kaga cabanayaan Boliska hadii ay jirtana ( lagu helo) ka anshaxmarinaaya  denbiyada ay sameeyaan ee sharci daradaa qodobadan oo ay ku xusantahay siday u an shax marinayaan iyo siday talaabo uga qaadayaan.

Dhanka kale gudidani madax banaan ee qodobadani magacaabayaani  waxay ka koobantahay Todoba xubnood (7) oo isugu jira.

  1. Xubin gudida nabad galyada iyo difaaca ee golaha
  2. Xubin gudida nabad galyada iyo difaaca ee golaha wakiilada.
  3. Xubin wasaarada arimaha gudahaa.
  4. Xubin ka socota ururka xuquuqal aadamaha ee qaranka.
  5. Xubin sarkaal sare ah oo Boolisa .
  6. Laba xubnood oo qareena oo ka socda ururka qareenada JSL.

Sidaa darteed hadii soo jeedintan la qaato ama qodobadan laga saaro yaa la xisaabtamaya ama xagay dadwaynuhu u cabanayaan (u dacwoonayaan) marka xadgudub sharci darii kaga yimaado ciidanka Booliska mise xaalku waa ha ahaado jaantaa rogan, waxay ila tahay arintaasi inay tahay mid dhaawac wayn u gaysanaysa jiritaankeena qaran nimo iyo shuruucda dalkan u dajisan waxaanay inoo horseedi kartaa fawdo iyo qalalaase nabadgalyo xumo.

Sidoo kale qoraalka uu madaxwayne ku xigeenku ku soo celiyay qodobadan waxa uu ku sheegay inay jirto gudi ciidan kaliya ah oo dhisan oo qaabilsan anshaxmarinta ciidanka, halkaa waxa aad moodaa in aanu fahmin in xeerkani yahay kii lagu aasaasay ciidanka Booliska laguna dhaqaayay mana jirto meel kaliya oo gudidaasi ciidankii ay kaga xusantahy xeerkan Booliska Xer: lr.63/2013.

 

Qod:44aad, faqradiisa 2aad oo u dhigan sidan:”Denbiyada ay sida badheedhka uga galaan dadwaynaha waxaa loo gudbinayaa Maxkamadaha caadiga ah waxaana loo raacayaa xeerka ciqaabta guud.”

Wuxuu M/wayne ku xigeenku ku sababeeyay in ay ka hor imanayso dabeecada Booliska oo ah dabeecad ciidanimo.

Soo jeedinta M/wayne ku xigeenku waxay khilaafsan tahay Dastuurka, halka sida hore  ee faqradani u dhignayd  ay Dastuurka  waafaqsanayd.

Qodobada dastuurkaa ee ay ka soo horjeedo soojeedinta madaxwayne ku xigeenkuna waa:

Qod:104aad, faqrada 1aad ee Dastuurka oo qeexda awooda garsoor ee Maxkamadaha Ciidamada waxay u dhigan tahay sidan:Maxamadaha ciidamadu waxay gaar u yihiin dhegaysiga dembiyada ciqaabta ee lagu oogo xubnaha ciidamada Qaranka xaaladaha nabadda iyo dagaalka.”   Iyadoo Ciidanka Qaranka uu Dastuurku ku sheegay

 Qod:123(1)(2)(3)(4)aad oo u dhigan sidan:

  1. Ciidanka Qaranku wuxuu u xil-saaran yahay ilaalinta iyo difaaca madaxabannaanida dalka; waxa intaa u dheer marka loo baahdo hawlaha xilliga xukunka degdegga ah ee waafaqsan Dastuurka.
  2. Ciidanka Qaranku waxa uu had iyo jeer u hoggaansamayaa oo tixgelinayaa Dastuurka iyo xeerarka dalka.
  3. Dhismaha Ciidanka Qaranku wuxuu ka koobnaanayaa dhammaan deegaannada Somaliland.
  4. Qofka loo magacaabayo Wasiirka Gaashaandhigga waa inuu ahaadaa muwaadin madani ah (Civilian).
  5. Qaab-dhismeedka ciidanka Qaranka xeer-baa nidaaminaya”
  • Halka uu ku nidaamiyay( ku sheegay) dastuurku  Ciidamada Booliska & Ciidanka Asluubta Qod:124(1)(2)aad oo u dhigan sidan:

Qod: 124aad  Ciidamada Booliska iyo Assluubta.

1.Ciidanka Booliisku waxa uu u xilsaaran yahay ilaalinta nabadgelyada iyo dhaqangelinta xeerarka; qaab-dhismeedkoooda iyo waajibaadkoodana xeer ayaa qeexaya.

  1. Ciidanka Asluubtu waxa uu u xilsaaran yahay haynta iyo toosinta akhlaaqda maxaabiista; qaab-dhismeedkooda iyo waajibaadkoodana xeer ayaa nidaaminaya.”

Qodobadaa Dastuurku waxay cadaynayaan in Ciidanka Qaranka looga jeedo Ciidanka Milateriga oo keliya, labada Ciidan ee kale Dastuurku u kala yaqaan Ciidanka Booliska iyo ciidanka Asluubta, taas oo si cad u muujinaysa in Maxkamadaha Ciidamadu ay gaar u yihiin Ciidanka Qaranka oo ah milateriga, halka Ciidanka Booliska iyo Ciidanka asluubta ay dacwadahooda qaadayaan Maxkamadaha Caadiga ah.

 

Qod:45aad, faqrada 5aad oo u dhigan sidan: ”Baadhista madaxabanaan ee lagu sheegay faqrada 4aad ee Qodobkan waxaa samayn kara Guddida madaxabanaan ee cabashooyinka ka dhanka ah Booliska.”

Faqradan M/wayne ku xigeenku wuxuu soo jeediyay in Xeerka laga saaro, isagoo ku sababeeyay sababihii hore ee Guddida madaxa banaan uu ku diidayaa, waxaa la yaab leh in faqrada 4aad ee isla qodobkan oo waajibinaysa in waxyeelada uu ciidanku u gaysto dad rayid ah sida dhimasho ama dhaawac baadhis madaxbanaan lagu sameeyo, M/wqyne ku xigeenku ma soo jeedin in meesha laga saaro ama wax kale lagu bedelo, balse wuxuu soo jeediyay in laga saaro cidii baadhistaa madaxabanaan samaynaysay, taas oo ka dhigaysa xeerka mid qabyo ah oo aan dhamaystirayn, sidoo kale ka saarista faqradani waxay keenaysaa in waxyeelada ciidanku gaysto si baadhista madaxbanaan ee xeerku sheegay aan lagu samayn karin, madaama cidii baadhistaa samayn lahayad meesha laga saaray, waxay kaloo baadhistaa madaxabanaan la’aanteed khatar ay ku noqonaysaa nafaha bulshada, sidoo kalena waxay khatar ku noqonaysaa xubnaha ciidanka ee waxyeelada gaystay oo u bandhignaanaya aargoosi iyo bartilmameedsi ay ku sameeyaan dadkii wax ka tirsanaayay.

Qod:46aad, faqrada 3aad & faqrada 7aad, wuxuu soo jeediyay M/wayne ku xigeenku in laba weedhood laga bedelo, kuwaas oo aan qiimo sharci lahayn sababtoo ah Taliyaha qaybtu wuxuu toos ula shaqeeyaa Gudoomiyayaasha Degmooyinka A ee Magaalo madaxda u ah Gobolada, sida Caasimada, Burco, Boorama, C/gaabo, Berbera, Laas-caanood iyo Gebilay, markaa ka saaristiisu qiimo sharci ma leh ee xeerka ayay burinaysaa.

Marka la isu soo ururiyo qodobbada M/wayne ku xigeenku soo jeediyay in xeerka laga saaro waxay ku wajahan yihiin laba arrimood oo kala ah

  1. qodobbada Ciidanka Booliska ka ilaalinayay nafaha bulshada rayidka ah ee aan hubaysnayn ee ay ilaalintooda u xilsaaran yihiin. iyo
  2. qodobbada nidaaminayay qaabkii looga cabanayay xadgudubka ay dadka rayidka u gaystaan iyo cidii looga cabanayay iyo cidii dacwadaha ciqaabta ee Ciidanka booliska lidka ku ah dhegaysan lahayd(maxkamadihii), iyadoo labadaa arrimood oo meesha laga saaraa ay ka hor imanayso maba’diida guud ee xilgudashada ciidanka Booliska oo ah ilaalinta nafaha iyo hantida dadwaynaha,

dhanka kale hadii la raaco soo jeedinta M/wayne ku xigeenka ka dhigaysaa  ciidanka Boliska mid fasax u haysta dilka iyo dhaawaca rayidka aan hubaysnayn ee uu ilaalintooda u xilsaaraa oo aan cid looga dacwoodo lahayn, lala xisaabtami karin, sharcigana ka sareeya.

Waxaana  xusid mudan qodobbadan M/wayne ku xigeenku soo jeediyay in laga saaro xeerka marka laga reebo Qod:32, 34, 35, 36, 44 (2), 45(5) ee Xeerka Booliska oo ay Golaha Wakiiladu ku dareen, dhamaan qodobbada kale ay ka mid ahaayeen mashruucii sharci ee Golaha Wasiiradu soo ansixiyeen M/waynuhuna Golaha Wakiilada u soo gudbiyay soo celintiisu golaha wakiiladda iyo soo jeedintiisu maxay u baahan tahay?,

Dhinaca kale, iyadoo ciidanka Booliska Somaliland markii ugu horaysay la aasaasay sanadkii 1991 Jun Dawladii cabdiraxmaan Tuur balse maadaamoo ay ahayd 2 sanadood ee SNM si ku meel gaadh ah dalka u sii xukumaysay ayaa loo guuray 1993,November 2  waxaa ayaan-daro ah in aanu dhaqan-Gal ahyn xeerka  ciidanka Boolisku uu ku aasaasan yahay ee Xeer Lr 63/2013 kaasoo dadka ka ilaaliya isaganan ilaaliya(ciidanka Booliska) mudadii uu jiray oo gaadhaysa 26 sanadood, Macnuhu maaha in booliiska jsl aanay waxba qaban ama yihiin kuwo u dhaqma si anshaxa ciidan iyo Bili aadanimadba ka baxsan , Maaha sidaa Booliska somalilnd waxay qarankan ugu jiraan meel wayn hadh-iyo habeen waxay u taagan yihiin ilaalinta Nabad-galyadda guud iyo nafta muwaadinka iyo Hantidiisaba, sidoo kale waa sharci fuliyayaal laantoodna dalkani jsl kama hir gasheen nabadaa lagu naaloonayo, shacbiguna waa wadda booliis, Waynu wada ognahay xataa mushaharka ay qaataan ee ay dalkooda ugu samrayan abaal ayaanu ugu haynaa, laakiin qarnigan lam joogo booliiskeenu waa inuu la jaan qaadaa,

 

Hadaba akhriste markaanu   lafagur sharci  ku samaynay xeerka booliska 9ka qodob ee la soo celiyay dastuurka ma waafaqsan yihiin mise waa qayrul dastuuri, jawaabtu waa 7 qodob waxay u baahan yihiin in dastuurka la furo oo qodobada caqabada ku ah wax ka bedel lagu sameeyo markaas ayaa la heleyaa booliis lala xisaabtamo, halka ay 2 qobod yihiin sixid xaga qoraalka ah iyo farsamo

 

Isku soo wadda duuduuboo, waxaanu Golaha wakiiladda jsl u soo jeedinaynaa talooyinkan oo ahaa kuwii ka soo baxay shirkii lagaga tashanayay qodobada ay madaxtooyadu dib ugu soo celisay Golaha wakiiladda jsl.

 

  1. In Golaha wakiiladdu ay soo jeedinta Madaxtooyadda ee sagalka qodob ahayd sideeda lagu ansixiyo Maadaamoo aanay helayn codka la isku hortaagi karo oo ah 55 Mudane codkood, in sidiisa lagu ansixiyo, waayo waxa ka xun iyadoo booliiskeenu bilaa xeer ahaado.

 

  1. In Marka muddo lagu shaqeeyo ka dibna ay 25 xildhibaano mooshiin sharci ka dhigaan oo golaha la hore dhigo dib u eegista xeerka booliska law lr 63/2013.

 

 

  1. In loo baahan yahay in booliska Somaliland la jaan-qaado kuwa caalamka loona diyaariyo sidii ay ku noqon lahaayeen (modern democradic police) ku dhaqma xeerarka dalka kaliya isla markaasna laga dhigo Civilian Police Lala xisaabtamo taasina waxay ku imanaysaa marka Dastuurka la furo ee Qodobka 24 (2) wax ka bedel lagu sameeyo.

 

  1. Waa in xeer nidaamiye u gaar ah la sameeyo Mudahaaradda iyo Habka ciidanku uga hortagi karo iyo wuxuu isticmaalyo, iyadoo aanu shirkaas ku ogaanay inaan loo inoo ogalayn sunta dadka kaga ilamaysiisa Tea-gas ee loo isticmaalo in dadka uu boolisku ku kala dareeriyo sababtoo ah jsl lama aqoonsana somaliyana wax saran Cuna qabtayn xaga hubka ah oo UN saartay.

 

 

Consultation of the provision of somaliland police act No.63/2016 Photo group of consultation workshop 17/1/2016 MOI meeting Hall,

            Advocate Hussein M jama

Facilitated and Legal consultant of the ADHOC committee

Director of Horn legal consulting services

Hornconsultingservices9@gmail.com

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso