Somaliland Iyo Moogaanaanta Isbedelka Hogaanka Soomaaliya !!


.. 08 Feb 2017 Barlamaanka Soomaaliya Waxay Dooran Doonaan Madaxweyne Cusub oo Taladda Dalka Hogaamin Doona afarta Sanno ee Soo Socda. Doorashadda Madaxweynaha Waxaa u Sharaxan 23 Murashax oo Intooda Badan Aanay Ku Cusbayn Shacabka Soomaliyeed. Guud Ahaan Wadamadda Geeska Afrika Ayaa Si Feejigan Indhaha ugu Haya Doorashadda, Iyadoo Dowladda Waaweyni Iyagoo Eegaya Danahooda Siyaasadeed ee Mandaqadda Ay Saameyn Toos Ah Ku Leeyihiin Doorashadda Sidoo kale Ay Taageerayaan Murashaxiinta Qaar, iyagoo ka dhex arkay inuu fulin dona hadba siyaasada ay damacsanyihin, tana bedel uga dhigayaan inay garab ku siyaan sidii uu hanan lahaa kursiga ugu awooda badan wadankas Somalia.

Hadaba, Somaliland oo ah Wadan wax badan kaga xiran yahay Somalia ha ugu Weynaato sidii ay u kala noqon lahaayeen laba wadan oo oo somaliyeed too ay markhaati ka tahay bulshada calaamku, ee labada dhinanacba ku cadaadisay inay wada hadal toos ah bilaaban 2012kii. Su’aasha meesha taala waxay tahay, Somaliland  Waxaa samayn ah ma ku leedahay si dadban ama si toos ah sida wadamada Kale?. Jawaabtu way iska cadahay oo ma  muuqato in Aanay  Saameyn ku Laheyn Murashaxiinta Tartamaya, Inkastoo Xildhibaano Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Soomaaliland Ay Ku Jiraan Golaha Shacabka Soomaaliya, Hadana Ma Muuqato Dano Gaar Ah oo Reer Soomalilaand Kuwa Halkaas Jooga Iyo Dowladda Soomaliland ba Ka Dhaxeeya Oo Muujin Kara Habka, Hanaanka iyo Furdaaminta Siyaasadeed oo Ka Dhaxaysa Labadda Dal.

Inkastoo Aan La Saadin Karin Cida Madaxweyne Noqon Karta Madaama Tartan Adag Jirro Ayaa Hadana Waxaa Marag Ma Doon Ah in Si Togan iyo Mid Taban ba Saameyn ugu Yeelan Karo Soomaliland Madaxweynaha Muqdisho Lagu Doorto Arbacada.
Sideynu La Soconay Wada Hadalno Ayaa u Socday Labadda Dal oo Turkey iyo Dowlado Kale Dhex Ka Ahaayeen, Kuwaas oo Si Hufan U Bilaabmay Balse Wali Hakad Ku Jira oo Aan Midho Dhal Muuqda Laga Heynin. Wada hadaladasoo Somaliland in badan ku eedaysay dhigeeda Soomaaliya inay ka caga jideen, oo anay dhab ka ahayn, walow madaxweynaha iminka waqtigisii dhamaday e Xasan Sheikh uu waxqabadkisii ku soo daray khudbadisi uu ka jeediyey baralmaaanka wadankaas kuna fanay inuu sii waday wada hadaladaas, hadii dib loo dortana uu ka midho dhalin dono.

Si kastaba ha ahaatee,  Awoodaha Iska Soo Horjeeda Ee Ku Hirdamaya Soomaaliya Midba Meel Gaar Ah Buu Ka Taagan Yahay Qadiyadda Madax Banaanida Soomaliland, Waana Sababta Ay Mar Walba Doorashadda Ka Dib Iyo Madaxweynaha Cusub ba Qadiyadda Soomaliland Miiska u Imaneyso. Shakhsiyan Waxaan Aaminsan Nahay In Qorshe Isku Duuban Qaranka Soomaliland Muxaafid iyo Mucaaridba Ka Yeelan karaayey Sidii Looga Midho Dhalin Lahaa  Madax Banaanidda Soomaliland inay dunida ka mid noqoto loona rumayn lahaa riyooyinki ragii dhigooda u huray wadankan yaree curdinka ah.
Way Habooneyd In Soomaalilaand Saameyn Toos Ah Ku Yeelato Tartanka Doorashadda Madaxtinimadda Soomaalia. Sida muuqata taasi may dhicin mana muuqato, walow Gudoomiyiha xisbiga Ucid uu ka hadlay, lakin ma jirto labada xisbi ee kale inay ka hadleen hogaankoodu oo la odhan karo ma ahba rag ku baraarugsan isbedelada siyaasadeed ee  mandaqda ka socda kuwasoo saamayntooda leh. Waxa aragti ahaan i muuqda mar hadii taasi ina seegtay in madax Saddex xisbi qaran iyo xukumaduba ay talo qaran isugu yimadaan oo ay ka doodan hal qodob  oo aan u arko inay yahay gogol dhiga siyaasada lagu waajihi doono cid kastoo ka soo baxda dorashadaa ay duruufaha siyaasadeed ee kala jihada ahi ku xeranyihiin.Kasoo ah inan Shaki kuma jirin
In Soomaalilaand Soo Wajihi Doonto
In Mar Walba oo Xukuumadda Cusub Muqdisho Ka Dhalato In Qadiyadda Madax Banaanidda Soomaalilaand inta Kaga Xidhan Soomaaliya Waji Cusub oo Bilow Ah Loo Furi Doono.

Hadaba Maxaa inooga meel yaal?

Shafi Ahmed Ali
05.02.2017.

Advertisement

Ku Xayeysiiso