Hab-Maamuuska Madaxweynayaasha Hore Ee Talada Ka Dega Iyo Hab-Dhaqankooda Qarannimo. Tusaalaha Nool: Madaxweyne Rayaale, Soo Dhaweyntiisii Maanta Se Maxaa Ka Qaldanaa?

 

Dalalku waxa ay leeyihiin hab-maamuus dawli ah (Guide to Protocol) ay ku maamuusaan madaxda adduunka ee dalkooda soo booqata. Hab-maamuuskaasi waxa uu leeyahay jarranjarooyin kala duwan, oo u qaybsan hadba miisaanka cidda la soo dhaweynayo, iyada oo la eegayo taariikhda iyo danta taaganta amma timaadada ah ee dhinacyada ganacsiga, amniga iyo siyaasadda ee labada dal hore u dhex martay, dhex maraysa amma dhex mari doonta mustaqbalka.

Sidoo kale waxa jira hab-maamuus maxalli ah (Domestic Protocol), oo madaxda dalka lagu qaabillo xilliyada ay safarrada dibedda ka soo laabtaan. Madaxdaa dawladda si gaar ah ayaa loo soo dhaweeyaa. Waxa ugu mudan Madaxweynaha amma ku-xigeenkiisa xilliyada munaasibka u ah, oo salaan ka qaata ciidanka, si aad u sarreysana loo soo dhaweeyo. Sababtu waa in uu yahay astaantii qaranka oo uu la mid yahay dastuurka iyo calanka inta uu talada dalka hayo. Fahamka diblomaasiyadda hoggaanka qaranka waxa lagu tilmaamaa calankii iyo sharcigii dalka oo nool.

Waxa ku xiga, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, iyo wakiillada. Iyagu ma aha astaan qaran ee waa masuulliyiin mudan ah iyo hor-joogayaal dhadhaarrada qaranka mid ka mid ah (Legislative Organ). Laakiin, hab-maamuuskaa marnaba salaan ciidan kuma qaataan, waddooyinka loo ma xidho, hees calan lagu ma soo dhaweeyo shir-jaraa’idna xafiisyadooda meel aan ahayn ma mudna in ay ku qabsadaan, waa haddiiba ay hadlayaan eh.

Intaa wixii ka hooseeya oo uu ku jiro Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa loo la dhaqmayaa marka ay safarrada ka soo laabtaan hab-maamuus dhexe (Mediam Level Honouring). Sababta Maxkamadda loo gu darray in ay la sinnaato hay’aadka qaranka ee kale waa in ay tahay dhexdhexaad sharciga oo kaliya ku fooggan, sidaa darteedna aan faro-gashan karin hawl sharci oo maxalli ka baxsan (domestic Legal Performance).

Sawirkaa guud ee hab-maamuuska qaranka khuseeya marka aan halkaa kaga tagno. Aan waxoogaa iyana iftiiminno sida Madaxweynayaasha hore ee talada ka dega loo maamuuso. Arrinta waxa aan tusaale ugu soo qaadanayaa Madaxweyne Rayaale, oo ah Madaxweynaha kaliya ee nool saddexdii Madaxweyne ee hore ee Jamhuuriyadda Somaliland soo hoggaamiyey wakhtigan.

Daahir Rayaale Kaahin, waxa hab-maamuuskiisa hore noqonnayaa yeedhmada magaciisa ka horreysa oo ah; Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, iyada oo la raacinnayo marka danbe in uu ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland oo ah darajo aannu wali Madaxweynaha talada hayaa gaadhin. In aad Madaxweyne noqotaa waa title sare, haddii cimrigu kugu simo waxa aad uga gudbi darajo kale oo ah Madaxweynihii hore. Arrintani marka ay noqoto CV waa sharaf weyn oo shaqooyinka waaweyn amma macaamilka guud ee shakhsiga loo tix-galiyo xilliyada dawaafka caalamiga ah lagu jiro ee ammuuraha dunida.

Maamuuska yeedhmada ku xigaa waa in uu leeyahay guri rasmi ah oo qaranku ku maamuusay, hantidaa hadhow waxa yeelanaya ehelkiisa waana sharafta qaranka. Waxa intaa ku xigta in uu xubin sharafeed ka noqdo Golaha Guurtida, in musharahar iyo gunno qaranku siiyo, in uu leeyahay ilaalo khaas ah, in goor walba aminigiisa la sugo, wakhtiyada uu safar galayo amma uu soo guryo noqonnayo iyana waa in maamuus la mid ah kan labada guddoomiye (Wakiillada iyo Guurtida) la siiyo iyo in dadkiisu ay ku karaameeyaan wakhtigii shaqo ee uu qaranka u soo qabtay.

Dhammaan hab-maamuuska kor ku xusan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin qaranka waa uu ka helay. Waxa uu leeyahay guri aad u qaali ah oo hantida qaranka loo ga dhisay, waxa uu ka mid yahay xubnaha sharfan ee Aqalka Sare, ilaalo u khaas ah ayuu leeyahay, waxa u socda mushahaaro joogta ah oo badan iyo gunno, ilaalo khaas ah ayuu leeyahay hab-maamuus wanaagsan ayuu dalka ku yimaadaa kaga na anbabaxaa. Sidaa darteed, qarankii uu u soo shaqeeyey waa uu sharfay kana eed la’ yahay.

Haddaba maamuuska madaxweynuhu in uu celiyo mudan ee sharafka u ahi waa maxay? Haddii qaranku sidaas oo dhan u sharfay, isaga maxaa la gudboon? Waxa la gudboon waa wax caam ah oo Madaxweynayaasha hore ee dalalku ku suntan yihiin. Waa in dhexdhexaad uu ka noqdo siyaasadda gudaha ee dalkiisa. Waa dalkii uu Madaxweynaha ka soo noqday ee uu mucaarid iyo muxaafid soo xukumay, hadda oo aannu tartan ku jirin waxa la gudboon in uu maamuus la mid ah kan uu helay dhankiisa ka bixiyo.

Madaxweyne Rayaale, ceeb bay ku tahay in xisbi mucaarid ahi soo dhaweeyo, sharafkiisa ayey dhaawac ku tahay, in uu taageero ha joogto eh. Waa fool-xumo qaran iyo ceeb aan sinaba uga hadhi doonin haddii raadkiisa siyaasadda qaranka laga dhex helo. Cid wal oo u duduucaysa in beel hoose oo uu ka dhashay xisbi isugu lugo duwo waa cid aan sharafkiisa dan ka lahayn, oo aan raadkiisa taariikheed u tudhahayn. Xisbiga Daahir dadka ka soo dhaweysanayaa waa uu dan-guurayaa kaliya, Daahir se waxa la gudboon in uu taariikh guuro.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedhagi@gmx.co.uk  

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso