Inta aad murugoon,Ama aad marta tuurin,Maskaxdaada adeegaoo, Wadna waa ma huraane, Dhalinyay is macnee

Inta aad murugoon,Ama aad marta tuurin,Maskaxdaada adeegaoo, Wadna waa ma huraane, Dhalinyay is macnee
Marka hore waxa aan salaamayaa saxaafada xorta ah ee sida hufan nooga haqab tirta wax taagan iyi wax tagay ba’.
 
Marka xiga waxa aan halkan kusoo gudbinayaa maqaal aan kala hadlaayo dhallinyarada Somaliland ee aad moodo inay ka hurdaan hawl iyaka u taala.
 
Runtii aad baan u qoslaa marka aan arko dad somali ah oo ka sheekaynaya arimaha aduunka.
 
Hadana waxa aan sii rafdaa marka aan arko dad reer somaliland ah oo ka sheekaynaya arimaha somalia.
 
Kama xumi wanaaga iyo wax korodhsiga somalida dawladuu doono haka soo jeedo eh’ Laakiin oo nin isaguba gaajoonayaa adna kuma sooro.
 
Murti somaliyeed baa tidhaahda “Cabdaw dariskaa hadaad daroorimo ka celin, Tiisaba daryeelaa tu kale ku daree inaba daadku waa ina soo galay”.
 
Waxa aan uga socdaa dadku marka ay tooda maareeyaan ayay tu kalena la damcaan inay cawiyaan, Hadii ay taadu xabaasha qarka u saaran tahay, maxaad tu kale ugu hanqal taagi  iyaba waa cibaaro eh’ ? 
 
Somaliland in dhibaato ugu filan faraqay ku haysataa, Ilaa aad dawadeeda iyo maaraynteeda heshana waa kugu ceeb inaad nabaro kale farta ku fiiqdaa.
 
Somaliland waxa dulaystay oo hoojiyay maamul xumo ka socon kari la’ Nin danayste ah, Nin u daneeye ah, Nin lagu danayste ah, Nin dani ma garatay ah iyo Nin ka dilaala intaa oo masiibo.
 
Somaliland waxay haysataa 100% fursad ay ku noqon karto dawlad cadaaladi ka jirto, xukuumad dadkeeda hanata, xukuumad sinaan wax u maamusha, xukuumad ka fikirysa xaqiiqada dhab ah ee ay xukuumad u tahay iyo Xukuumad daacad ka ah hogaanka ay ummada u hayso.
 
Runtii hadii ay inta Somaliland oo aduunku majiirto jeceli si dhab ah u midawdo, Waxa aan hubaa in wax badan oo hada inaga daahani diirka ka cadaan lahaayeen.
 
Somaliland waxa ay u baahan tahay dhallinyaro ka xor ah qabyaalad iyo nin ku danaysta, Waxa ay u baahan tahay dhallinyaro karti iyo ku dhac leh, Waxa ay u baahan tahay dhallinyaro dhagaha ka xidhata hadalada xanafta leh, Dhalinyaro isku kalsoon, Dhallinyaro fahamsan halka uu aduunku u socdo iyo kobta la rabo in loo baratamo.
 
Waa kii lahaa abwaan Maxamed Macalin
“Nin indhala’ mid kale oo indhala’, oon waxba arkaynin
Ileen oodda kama leexiyoo, hilin ma aadsiiyo”.
 
Run ahaan dhallinyaradaa aan soo magac dhabay way buuxaan, Laakiin mid waliba halkiisa ayuu ku banjarsan yahay, Waxaanan jecelahay inuu mid waliba sameeyo ugu yaraan dhaqdhaqaaq uu ku rumayn karo riyadiisa, Isaga oo adeegsanaya aaladaha fariimaha oo runtii ah wax is badal maanta lagu samayn karo oo ay wadamo badaniba ku sameeyeen.
 
Hadii la helo 100 dhex jooga Somaliland + 100 debadaha jooga = 200 oo dhallinyaro ah, Hadii uu mid waliba 100 dhallinyaro ah u bandhigo hadafka uu la rabo dalkiisa waxa uu heli karaa 10 ku qanca hogo-tusaaleyntiisa 200×10= 2000 dhallinyaro ah.
 
2000 dhallinyaro ah oo af iyo aqoon iyo aduun ba’ isu gaysay waxa ay Somaliland ka dhigi kartaa dheeman uu adduunku usoo baratamo oo noqota tusaale ay cidd waliba ka sheekayso.
 
Dadka qaar baa la yaabaya waxa aan ka sheekaynayo, Laakiin waxba igama galin kuwa la yaaban, Waayo waxa aan haystaa oo aan helayaa kuwo ka badan oo ka fikiraya waxa aan ka hadlayo oo waliba ku faraxsan quluubtooduna dareemayso waxa aan dareensanahay.
 
Murti ingiriisi ah baa tidhaahda ” Care doesn’t need powerful eyes or a cute voice or lovely face, It always needs beautiful  responsible heart with affection for ever”.
 
Illaahayaw 2000 oo dhallinyaro ah oo riyada aan ku jiro ila rumeeya ayaan ku waydiisanayaa, Illaahayaw 2000 oo dhalinyaro ah oo sida aan dalkayga la rabo iyana la doonaya ayaan ku waydiisanayaa, Illaahayaw 2000 oo raba inay dunida raad ku reebaan ayaan kaa baryayaa.
 
Waxa aan habeen iyo maalin walba ku jiraa riyo habeen iyo riyo maalmeed aan mar uun doonayo inay noqdaan qaar run isu badela, Waxa aan meel walba iyo xaalad wal oo aan ku suganahay rogrogaa maskaxda anoo ku mashquulsan is badel dhab ah oo aan ka arko dadkayga iyo dalkayga, Waxa aan la murugoodaa marna la farxaa inaan mar uun arko dal aan leeyahay oo ah dalkayga koowaad oo la tartamaya dulkan aanan lahayn ee aan dareenka ku dhex joogo.
 
Nin baa laga hayay ” Inkastoo la raagsado, Lagu sugo rafaad badan, Mar uun bay rumawdaa”.
 
Waxa aan rajaynayaa inaan maalin uun heli doono 1,999 ruux oo aan ku ahay anigu 2000 oo aanu dhan u wada jeedno, Isku u jeedo nahay, Isku wax wada arkayno, Waan rajaynayaa inay maalin uun kasoo dhex bixi doonaan sida ubaxu geedka uga soo dhex baxo afarta milyaan ee Somaliland  (4000000 million) insha allaah allena waxba kuma aha.
 
Waxa laga yaabaa inay jiraan qaar badan oo garan la’ ujeedka qoraalkaygan, Laakiin waxa aan ku qanacsanahay labo qof oo fahmaya ujeedada aan u sameeyay qoraalkaygan iyo waxa aan hadlayo.
 
Murtibaa tidhaahda ” Ninka ugu il-dheer baa dadka ugu ayaan daran, Oo waxaan lala arkayn baa isaga uun u muuqda”!
 
Maxamed Cumar Dage oo ahaa abwaan somaliyeed baa laga hayay:-
 
“Nafta hura iyadoo hadheey, hibasho reebtaaye
Haddii kale huluulaha ku jira, habi la’aantiine”
 
Macalin dhoodaana waxa laga hayay:-
 
Duunyada ragii kaa dhacaye, dowrshay xeradaada
Ogoow daalinkaad aamintay baa, kaaga sii darane.
 
Waxa aan ku gunaanadayaa sadaradii abwaan Gaariye (AHN) ee odhanaayay 
Abkuu doono ha sheegtee, 
Wuxuun baa ehel ii ah,
Ninka aan af aqaanee,
Si wax iila arkaayee, 
Na midayso ujeedo”.
 
WQ: Mohamed Hassan Xasharo
France

Advertisement

Ku Xayeysiiso